Dhan-qallankii Madasha + Dhawaaqii Foorrida + Dhegeysigii Daaqada iyo Ubixii Dhiig-joojintii-Warbixin Xiiso Badan

0
39

Akhri Warbixin Xiiso Badan Oo Tafaftiraha GNA Mr.Kalshaale Ka Diyaariyey Xafladii Xil-Wareejinta Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale

 “Wallaahi Inadeer waanu gaajoonaynaayoo maanu quraacan saakee  wax na sii!!”

“noolloow Samaalloow… Nooloow Madaxweynaad tahaye”

“Wallee Samaale wali wuu noolyahay”

“Wasiir Soo gaabi (hadalka) soo gaabi …soo gaabi” Weedhihii Sagootinta Samaale

xilwareejinta w maaliyadaHargeysa(Hubaa)-Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay si rasmiya Xilka ugu wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradaas loo soo magacaabay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo noqonaysa  Haweenaydii u horaysay ee qabata xilka Wasiirka Maaliyada tan iyo markii Somaliland laga yagleelay nidaamka Dawladiga ah.

Xafladda Xil-wareejinta ayaa ka dhacday Hoolka Shirarka ee xarunta cusub ee  Wasaaradda Arrimaha Gudaha looga dhisay Xafiiskii hore ee Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, hoolkaasoo ku yaalla dabaqa ugu sareeya ee Fooqa Wasaaradda loo dhisay oo muggiisa loogu talo-galay Shir-howleedyada Wasaaradda , balse aan loo salixin Madal lagu qabto Munaasibadaha waaweyn ee dadka badan lagu marti-qaado.

In ku dhow saddex boqol oo qof oo u badan Madaxda Laamaha Xukuumadda iyo Shaqaallahooda, iyo waliba Taliyeyaasha dhamaan Ciidamada Qalabka sida, ayaa ku sugnaa Madasha Munaasibadu ka dhacday ilaa Kaamboolka dhismaha Dhismaha uu ku yaallo oo ay dadka qaar ka qooraansanayeen khudbadaha Masuuliyiinta, kaddib markii nasiibku u saamixi waayay inay hoolka  gudihiisa ka helaan meel ay istaagaan si ay uga bogtaan nuxurka khudbadaha oo muhiimad weyn u lahaa dadka daneeya arrimaha Siyaasadda ee marti-sharafta ku jiray.

Gudaha Qolka Shirarka ee Xafladu ka dhacday, ayaa ahaa meel gorodda lays-geliyey oo aan Usha Cirka loo tuuraa Dhulka ku dhacayn cidhiidhi aawaddeed.  Neefta Dadka iyo Huurkii Kulaylka ayaa markii ay isqabsadeen bedelay Cimiladii caadiga ahayd ee gudaha, taasoo marti-sharaf badan ku khasabtay inay dibada uga soo boodaan markay wakhti kooban ku jireen goobta Xaflada, halka qaar kalena markii ay foodda geliyeenba ku saaqmeen Uumigii madasha is-qabsaday. “waar Har-gab Shinbireed,baa laga qaadayaaye ha isku gelina” ayay hormooyinka marba albaabka boobaya ku lahaayeen dadka dibada joogaa.

Maqnaanshiyihii Muuse iyo Xirsi

Xiisaha Xil-wareejinta Siyaasiga ka siibtay Saaxada Xukuumadda, isla markaana ka fogaaday xayndaabkii uu saaxiibada badan ku lahaa, waa Cabdicasiis Maxamed Samaale’e, oo si weyn loogu dhegtaagayey tan iyo bilowgii todobaadkii hore, kana xamaasad badnayd Munaasibadii uu isagu xilkaas kagala  wareegay dhamaadkii sanadkii 2012-kii En. Maxamed Xaashi Cilmi,  ayaa dad badan ku qasabtay inay u samraan hanfiga Naqaska ka dhashay ee dhalan-gediyey hawada Madasha. Waxaanay socotay ku dhawaad laba saacadood iyo dheeraad oo aanay wax shaqo ah ka socon guud ahaanba xarunta Wasaarada marti-gelisay Xil-wareejinta iyo xafiisyada Wasaarada Maaliyada toona, maadaama Shaqaalihii howlaha qaban lahaa Madax iyo minjo goobtan ka soo xaadireen xilligii ay Shacbiga u adeegi lahaayeen.

Waxa kale oo madasha ku dhamaa xubnaha Golaha Wasiirrada, marka laga tago dhowr xubnood oo aanay Isha Kamarada Yool qaban intii goobta lagu sugnaa, haba u badnaadeen kuwa ugu tunka waaweyn Wasiirrada ee uu Wasiir Samaale ka dhex baxaye, kuwaasoo aynu ka xusi karno Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed.

Mid kamida wasiirradii ay isku nafta iyo Masiirka ahaayeen Samaale ayey duruufta cidhiidhiga Hoolku ku khasabtay inuu dibada ka jooga qaybtii dambe ee Munaasibada, kaasoo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Muuse Qaasim oo inta uu Dibada ula soo baxay Xabad Sigaar ah, nuse-saac kaddibna ka soo dheemaalay goobta iyadoon la soo gunaanadin Munaasibadda.

Waxa kale oo Munaasibada joogay badi Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha,  Saraakiil Ciidan iyo Madax-hayaaddeedyo. Xubnaha ugu sareeya hogaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye, gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo Tuhunnada siyaasaddu ku xidhiidhinayaan inuu door weyn ku lahaa xil ka qaadista Wasiir Samaale, ayaanay indhaha ka soo qayb-galeyaashu qaban, isla markaana aan ku sugnayn. Sidoo kale xubnaha ku-xigeennadiisa koowaad ayaan joogin, balse Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbigaas Xildhibaan Waabeeye oo goobta ku sugnaa, ayaa kaftan dad badan kaga qosliyey oo khaas ahi ku dhex maray meel xaflada dibada ka ah Wiil Dhalinyar ah.

Ammaanka Madasha ilaa Albaabka Dibada

Amaanka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyay, albaabka laga soo galo Kaamboolka Dhismaha,  ilaa  Hoolka xaflada waxa ku sugnaa oo dadka ku celinayay Askar Boolis iyo koofiyad cas isugu jirta, kuwaasoo aan ahayn Ciidan dheeraada oo culayskiisa leh, balse ku koobnaa Ilaalladii Saddexda Wasiir ee laba Xilalka la kala wareegayeen, midka kalena ahaa marti-geliyaha.

Illaalada Wasiirkii hore ee Maaliyada iyo dhowr Askari oo gacan siinayey, kana tirsan Ilaalada Khaaskaa ee Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa haystay Albaabka laga galo Gaydhka Dhismaha Xafladu ka dhacday, kuwaasoo halkaa ku kala horaayey ka soo qayb-galeyaasha. Albaabka labaad ee laga fuullo Fooqa Hoolku ku yaallo, ayaa isna waxa Dadka ku celinayay Askar ka tirsan Illaalada Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Taliyaha Booliska. Halka jaranjarta u dambeysa ee sugida nabad-gelyada goobta ay taagnaayeen Askartii la socotay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan oo haatan noqotay Wasiirka Lacagta, waxaanay ahayd goobta ugu dhibta badan ee dadka lagu hor-joogsanayey, taasoo ay adkayd in qofku si fudud ku dhaafaa, haba iska jirto duruufta kale ee Hoolka gudihiisa oo aan aad loogu dhiiranayniye.

Qaabka loo qaybiyey Askarta Joogtay saddexda Albaab ee Munaasibada loo marayey ayaa ahayd waxyaabaha aadka u soo jiidanayey dadka aqoonta u leh saddexda wasiir iyo Illaaladoodda. Marka la guddo galo hanaankii xafladu u socotay ilaa dhamaadkii dhacdooyinka dhacayey, waxay ahaayeen kuwo aanay Isha Bino-aadamku wada qaban Karin, kamaraddna daa hadalkeeda, waxaase hoga-tusaalle inoogu filan qaabkii Agaasinka Xaflada iyo dhacdooyinkii ka dhacay intay socotay dhowr arrimood oo kala gedisan.

Qaabkii Agaasinka Madasha gudaha

Qaabka agaasimka Munaasibaddu wuxuu ahaa mid dhaliilshiisa ay ka markhaati kacayso madasha lagu qabtay iyo tiradda Marti-sharafta lagu casuumay oo ka badnayd intii Aroosyada iyo Xaflahada Hudheellada lagu marti-qaadi jiray “inta lala doonanayo Hoolkaa yar intaas le’eeg maxaa loogu qaban waayay Barxadaas banana ee Dooga iyo Geeduhu isqabsadeen? Dee  waa nidaam xumo inteeda leeg oo aan loo meel dayin” sidaas waxa Wariyaha Yool u sheegay mid kamida ka qayb-galeyaasha oo ka biyo-diidsan qoldhada yar ee martida qaadi wayday. Waxaana masuuliyada gol-daloolladaas lagu eeddeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde iyo Cabdicasiis Maxamed Samaaale oo sida la sheegay ku khilaafay Wasiirka cusub ee Maaliyada in Munaasibada lagu qabto Banaanka dooga badan ee Barxada dhismaha. “wuxuu dadkii ku xereeyay meel aan qaadayn boqol qof” ayuu raaciyey goob-jooge kale. “Meesha cudurbaa lagu qaybinayaa” ayay raaciyeen kuwo kale oo dibada taagnaa.

Dhacdooyinkii Gudaha Hoolka

Way adkayd in la wada ogaado dhaqdhaqaaqyadii ka socday gudaha hoolka, hase ahaatee  si guud marka loo dul-maro laba dhacdo ayuunbaa saameyn badnaa. Ta koowaad waxay ahayd baxaad-degii Marti-sharafta oo dad badan ku sigteen inay sirirraan.  Dhacdada labaad oo ahayd tan ugu xiisaha badnayd ayaa waxay ahayd Dhawaaqii, faadhidii iyo guuxii hoose ee isqabsaday madasha, kaddib markii la karahsaday khudbad nusasaac ku dhawaad socotay oo uu halkaa ka jeediyey  Wasiirka hore ee Xilka wareejiyey Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wasiir Samaalle oo ay khudbadiisu nuxur beeshay, qaybteedii dambe, balse ku-talo-galkiisu ahaa  sida muuqatay inuu u hadlo sidii markii uu xilka hayay  ee laga dambeyn jiray isla markaana filaayey in loo tumi doono  sacabkii iyo Mushxaradii loo laysugu dari jiray, ee uu wajiyada dadka ku kala qiimeyn jiray, ayaa markii uu hadlayay wakhti ku qiyaasan dhowr 20 daqiiqo Hal mar lagu boobay eryo gaagixin ah iyo qaylo “Soo gaabi soo koob … fii—fii (foodhi) “ ayaa mar qudha is-qabsaday Madasha. Cabdicasiis Samaale ayaa isna waxa uu diidmadan qayaxan ee uu kala kulmay Munaasibada , kaga jawaabay amar toosa oo uu siiyey Martidii  masuuliyiinta Qaran u badnayd ee goobta fadhiday, waxaanu Il-bidhiqsiyo uu aamusay kaddib yidhi “hal la is-dhegeysto … ha la-isdhegeysto..”. weedhahaas ayaa fursad u siiyey in dhowr daqiiqadood dhegaha la amaaneeyo. Waxaanay diidmada noocaas ahi sawir bilowa ka bixinaysaa Wayda Siyaasaddeed ee uu waajahay Wasiirkii Shalay loo hanka waynaa markuu xilka hayay, taasoo waji-gabax ugu filan shakhsiyadiisa iyo saaxiibadiisa siyaasadda ee inay ka daba-tagaan tuhunku ku gedaaman yahay.

Dhamaadkii Xaflada iyo ubaxii Dhiig-joojinta

Markii ay dhamaatay Munaasibadda xil-wareejintu,waxa uu qof waliba boobay albaabka Hoolka. Dadka qaar ayaa daqiiqado u samray inay  sugaan inta uu albaabku mashquulka ka baxayo. Xubno uu ka mid yahay

Wasiirka Xilka la wareegtay iyo Ex-Wasiir Samaalle, ayaa ka mid ahaa dadkii Hoolka ku sii yar negaaday. Markii ay marti-sharafta badankeedu u soo baxday barxada hore ee dhismaha, ayaa albaabka waxa ka soo baxay labada Masuul oo mid kasta  gaarkiisa loogu xoonsanyahay.

“Wasiir Sam-sameey nooloow, Geesiyad-baad tahay alle hakuu fududeeyo xilka”ayaa cod dheer lagu yidhi markii ay si hal-haleel ah, isla markaana taxadir badani ku jiro waddada u boobtay Wasiirka cusub ee  Maaliyadu. Koox gacmaha iyo Garbaha ka laallaaday oo Rag u badan, ayaa si deg-deg ah ugu dallaan-daliyey dhinaca Gaadhiga ay raacday oo taagnaa meel  shan talaabo u jirta  afaafka laga galo Guriga Xaflada lagu qabtay.

Koox kale oo ku xoonsanayd, ayaa wasiirkii hore ee shaqada wareejiyey Mr. Samaale u gelbisey  markuu albaabka ka soo baxay, meel la siman oo ka soo horjeeda  halka ay wasiir samsam Baabuurka kaga booday, halkaasoo ay muddo daqiiqad ku siman dad kale oo dibada taagnaa ku sal-salaamayeen intaanu gaadhiga fuulin.

Qaar kamida dadkii sugayey ayaa waxa nasiibku u saamaxay inay socodka kula faqaan oo ay daqiiqadiiba ka fulaan, kuwo kale ayaa ku sii dhegsanaa intaanu fuulin gaadhi yar oo nooca Raaxada ah oo halkaa ka qaaday. Waxa cajiib ahayd oo mar qudha Indhaha iyo Mujtamicii minnankaas joogay ku kediyey weedho ka soo yeedhayey Haweenay aannu Xiskeedu dhamayn oo ku soo booday Daaqadii uu gaadhiga ka fuullay, taasoo ku tirowday “Walaahi Waanu gaajoonaynaaye wax na sii Samaallow. Ha naga dhaqaaqine wax na sii Inaadeer”.  Waxa kale oo isla goobtaas Gaadhiga Wasiirka hore raacay Ubax iyo Caleemo  qoyan ku shiiday Koox Xaawalley ah oo tiradoodda lagu qiyaasay shan Afar Dumar ah, kuwaasoo wajiyadoodu aanay ku cusbayn Munaasibadaha Xisbiyada iyo goobaha kale ee Raggu u badanyahay, balse doorkoodu aanu dhaafsanayn Jiibta Mushxarada.

Mid kamida Gabdhahaas, ayaa iyaduna ku tirowday “nooloow nooloow, wallee Madaxweynaad tahay Walee Madaxweynaad tahay!!”. Ficillada Gabdhaha Dibada joogay ku sagootiyeen Masuulkan lagu foodhyey khudbadii uu Xaflada ka jeediyey, ayaa kicisay dareenkii goob-joogeyaasha, isla markaana qosol iyo dhoola-caddeyn kaddib, dhowr qof oo kor u dhawaaqday yidhaahdeen “Wallee Samaalle wali wuu nool-yahay”. Kelmadaas ayaa u dambeysay dhacdooyinkii guud ee Munaasibada ay xilka kulak ala wareegeen Wasiirkii hore iyo ka cusub ee Wasaarada Maaliyaddu, taasoo ahayd mid micno weyn u samaynaysay dhinacyada Siyaasadda Waddanka.

Warbixintii Saleebaan Kalshaale

Tifaftiraha shabakadda wararka ee Gobanimo News Agency

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here