Dhaqan-galka Xeer-nidaamiye Uu Madaxweyne MBC Qalinka Ku Duugay Oo Saamaynaya Hay’adaha Dawladda & Wasaaraddaha Laysku Raray

0
150

“Markaan Go’aansaday;  Inay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda,  si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015; Waxaan Soo SAaray…”

 

 

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xeer nidaamiye loogu talo galay in uu is waafajiyo isla markaana lagu dhaqo hay’adaha dawliga ah ee xukuumaddiisa cusubi ka kooban tahay iyo sida  loo maamulayo. Xeer nidaamiyahan ayaa sharraxaya qaabka ay u wada shaqayn doonaan iyo sida loo maamulayo wasaaradaha laysku daray, kuwa magacayada laga badalay iyo kuwo halkoodii hay’admo madax banaan laga dhigay. Sidaasi waxaa lagu sheegay wareegto madaxweyne oo shalay kasoo baxday aqalka madaxtooyada, taasi oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, waxaanay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalailand waxaa uu shalay  xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018  uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo, Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray. Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay;              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay:              Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka   Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay;              Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

Markaan Ku Qancay;       Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

Markaan Go’aansaday;     In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

Waxaan Soo-saaray: Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here