Dharaarihii Xabsiga Inta Aan Ka Faa’iiday!

0
29

Ugaas Jaamac Jiir

Akhristayaal waxaan jeclaan lahaa inaan idiinka warramo xadhigii xaq-darrada ahaa ee la igula kacay haddii aan ahay Ugaas Jaamac Jiir. Waxaan si habsami ah u qori jiray maqaallo aan bulshada ugu iftiimin jiray habka iyo hannaanka ay wax u socdaan, ayaa waxa ay xukuumaddu igula kacday xadhig xaq-darro ah oo aan u cuntamayn muwaadin dalkan u dhashay oo dalkan iyo dadkan danihiisa ka shaqeeya. Kol ay goor-sheegtu ku beegnayd toddobadii fiidnimo ayaa si ka fog bani aadannimada la iiga qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa, halkaana waxa iiga bilaabmay dharaaro mugdi ku ahaa noloshayda, tacaddiyo badanna waa la ii geystay. Muddo ah laba sanno ayaan xadhigaa ku jiray, yadoo markii danbe la ii fidiyay cafis. Xadhigaas waxaan ka faaiday sumcad ballaadhan iyo waaya aragnimo dheeri ah. Geesinnimo ayaan ka faaiday. Mahad ballaadhan waxaan u soo jeedinayaa shacbiga Soomaalilaand dedaalladii joogtada ahaa ee ay ila garabtaagnaayeen, waxaanan u sheegayaa in aan ahay ruux aan qaadan laaluush ee xaqa ku kiciya iyo wixii uu arko ee uu saluugo habka ay u socdaan. Guntii iyo gebagabadii waxaan si mug leh uga mahadnaqayaa saxaafadda Soomaalilaand oo si kulul u cambaaraysay xadhigaas, ururrada Xuquuqal Insaanka, Shacbiga Soomaalilaand oo aan u kala hadhin iyo guud ahaan cid kasta oo ka qayb qaadatay siidayntiidii.

Mahadsanidiin Dhammaantiin.

Wa Billaahi al-Tawfiiq

Ugaas Jaamac Jiir

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here