DHAWAAQA CUKUSE WAA RAFADKII MADAXWEYNE SIILAANYO

0
59

Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi wuxuu toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa xisbul xaakimka kulmiye ugu tartari doona doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka dhici doonta bisha June 26/215-ka

MAWLIID

Hadaba, dhawaaqa guddoomiye Muuse Biixi ee musharaxnimadiisu wuxuu noqday mid bahweynta taageerta xisbiga kulmiye u iftiimiyey inaan guddoomiye Biixi hankiisu ku koobnay guddoomiyenimada xisbul-xaakimka, balse damaciisu yahay musharraxa madaxweyne ee doorashadda labaad xisbigu gali doono sannadka 2015-ka.

 

Sidaas, awgeed iyadoo bishii hore 28/04/2014 uu qabsoomay shirweynihii saddexaad ee xisbul xaakimka kulmiye ajandihiisanna lagu soo koobay in ergooyinku ay dib u doortaan hogaankii hore ee xisbiga iyadoon cidna la tartami karin iyo ansixinta tiradda xubnaha golaha dhexe noqon doono oo duuduub ah.Iyadoon shirweynaha laga akhriyin liiska xubnaha loo xulay golaha dhexe, waxan leeyahay waa khiyaamo jaban oo xitaa siyaasad aan ku dhisnayn oo lagula kacay bahweyntii kulmiye iyo sharciga xisbiga kulmiye uu ku dhisan yahay.

 

Sidaas, darteed waxaan leeyahay hogaanka xisbulka kulmiye way la socdaan waxgaradka iyo bahweynta kulmiye taageertaa in xukuumadii xisbiga ka timid iyo madaxweynihii xisbiga lagu doortay ay hormood ka yihiin burburtina xisbiga kulmiye iyo takoorida hogaanka xisbiga, waxanaan leeyahay guddoomiyaha xisbiga kulmiye ku abshir in musharaxnimadaada ay taageersan yihiin waxgaradka iyo bahwynta Kulmiye.

Balse dhawaaqa C/laahi Cukuse ee musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo waa rafadkii xisbiga uu ku burburinayey Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisu, kulmiyena wuxuu ku dambayn doonaa magac uu ka yimid.

Haddii madaxweyne Siilaanyo uu ka baxo axdigii guddoomiye muuse uu la galay doorashaddii hore 2010-kii xisbigu soo galay

 

Mowliid Aadan Cumar

 

Hargeysa/Somaliland

 

Tell: 4410898

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here