Dhawaqa Rasaas Xoog Badan Oo Caawa Saqdii Dhexe Hurdada Ka Kicisay Dadweynaha Magaaladda Boorama

0
23

Borama (Hubaal) Magaaladda boorama ayaa caawa saqdii dhexe waxa ka bilaabantay rasaas xoog badan oo askarta RRU ee ku sugan magaaladda ay ridayeen,waxaana dhawaqa rasaasta laga maqlayay inta badan magaaladda Boorama gaar ahaan badhtamaha suuqa magaaladda oo dayaanka iyo dhawaqa rasaasta ay ciidamada RRU-du ridayeen ay dadweynaha reer Boorama hurdada ka kicisay.

Dad ku sugnaa magaaladda oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegaya in dhawaqa Rasaastu socotay ugu yaraan shan iyo toban daqiiqo islamarkaana ay ridayeen ciidanka RRU oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa magaaladda Borama balse noomay xaqiijin waxa keenay iyo cida is weydaarsanayeen rasaasta, ilaa hadana war rasmi ah kama soo bixin sababta rasaasta u dhacaysay iyo cida ay ciidanku RRU-du ku ridaysay.

Breaking_News1Dhanka kale mar aanu isku deynay inaanu wax ka weydiino masuuliyiinta gobolka ee ku sugan magaaladda Boorama ayaaney noo suurto gelin maadaama oo ay tahay xili saq dhexe ah oo isgaadhsiintooda gacmahu xidhnaayeen

Wixii war ka soo kordha warar kayaga dambe ayaanu idin kala socod siin doonaa

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here