Xuseen Cali Nuur
Nabaddu waa u saldhig, Aasaas iyo laf-dhabarta nolosha hagaagsan oo horumar leh, sidii loo heli lahaana waxa xaqiiqo ah in nabaddu dan u tahay Qofka, Qoyska iyo Qarankaba. Si arrintani suurtogal iyo xaqiiq jirta u noqoto, waxa loo baahan yahay in loo helo dhawrsanaan gaar ah iyo mid guudba.
Dhawrsanaantu waxay qofka ka badbaadisaa wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya. Dhawrsanaanta waxa ugu horreeya, inuu qofku ka baxo jahliga oo uu wax barto. Aqoontuna waxay qofka u tahay shaandho uu ku kala garan karo, ku kala saarana waxa xun iyo waxa wanaagsanba.
Waa hub uu adeegsan karo hadh iyo habeen oo uu waxyaabaha dhibaatada u geysan kara uu kaga hortagi karo. Waxa xaaraanta iyo waxa xalaasha ah, wuxuu ku kala sooci karaa waa aqoonta iyo dhawrsanaanta. Wixii waxtar u leh iyo wixii dhibaato u lehna sidaas ayuu kaga badbaadayaa.
Dhawrsanaantu waxay qofka ku abuuraysaa dareen ah, in gacanta la hoorsado qof kale, oo nooc kasta oo loogu hoorsanayo iyo ujeeddo kasta oo laga leeyahay, aanay marnaba si qoto-dheer in loo eego in aanay waxba ku kala duwanayn. Waxa kaliya ee lagu tilmaami karaana gacan hoorsigaas baryo bini’aadam oo aan ahayn tii ILAAHAY uu lahaa. Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu innaga dhigo dadka ka badbaada in aan gacmahayaga qof kale hoos dhigano.
Dhawrsanaantu waxay qofka ku dhalinaysaa inuu u dedaalo inuu shaqeysto, wuxuu ka badbaadayaa culayska waalidka ku hayo. Wuxuu awood u helayaa oo uu noqonayaa qof xaqii waalidkii soo koriyey ku lahaa uu wax uun ka guto.
Dakhliga shaqada ka soo galayaa wuxuu ka xoraynayaa gacan hoorsiga. Waxa u dheer inuu ku noolaanayo sharaf. Waxa kaloo intaas dheer in aanu qofku lahaanaynin wakhti badan oo firaaqo ah oo uu waxyaabo badan oo uu shaydaanku la hoos roori karo uu ku kaco. Firaaqada badan ee qofku uu u baahdo inuu buuxiyo ayuu ka badbaadayaa. Waxaanay naftu u horseedaysaa haddii uu firaaqo badan yeesho wuxuu u baahanayaa wax kasta oo mashquulinaya oo uu wakhtigaas ku soo baxsaday uu ku buuxiyo.
Casrigan aan ku nool nahay waxay u horseedi kartaa, inuu shaqo ka dhigto, kuna mashquulo Telefoonada laab-sallaaxa oo if iyo aakhiraba seejin kara, haddii aanu ka fogaanin, una adeegsanin Tiknoolajiyada wixii dan u ah naftiisa iyo diintiisaba. Wuxuu qofku noqon karaa lahayste dhaqan shisheeye leh oo badankoodu wuxuu Eebe innaga reebay iyo wixii kale aanay u kala soocnayn oo siday doonayaanba u dhaqma, una yaqaana inay tahay arrintaasi xornimada qofku uu leeyahay.Waxa uu qofku ha u badnaadaan da’yartuye dhaqan xumo nooc kasta oo ay tahay uu ku dhici karo.
Duruufaha dhaqaale iyo wakhtiga badaniba waxay ku keeni karaan inuu gurigooda uu marka u horreysa wax ka xado oo gacmihiisu edebtii ay lahaayeen ay ka baxaan. Heerkaas wuxuu ku bilaabayaa tuugnimo, waxana u raaci doona budhcadnimo nabadgelyada xataa wax u dhimaysa.
Waxa wakhtigaas firaaqada ahi ku kalifi doonaa lacagtaas sida khaladka ah u soo galaysa inuu u isticmaalo Maandooriyeyaasha kala duwan, taasi oo dhaxalsiinaysa inuu noqdo qof nolosha ka dhaca.
Waxay ila tahay in dhawrsanaan la’aantu ay qofka u horseedi karto baryo toos ah ama mid dadban, weji-gabax, tuugo, budhcadnimo iyo nolosha oo laga dhaco.
Waxaan leeyahay waxa loo baahan yahay, in aan ogaano in dhawrsanaantu ay dan u tahay qoyska waxtarna u leedahay qoyska oo ay badbaaddiisana ay tahay, hase ahaatee dhawrsanaan la’aantu waxay dhallin karaa in qofku nolosha ka dhaco, qoyskuna burburo, qarankana dhibaatada gaadhaysaa way ka badnaanaysaa. Hala ogaado inay dhawrsanaan la’aantu inay dalka u horseedi karto shirqoolada shisheeye iyo danaha gaar ah ee la doonayo inay dad gaar ah fuliyaan. Hala ogaado dhawrsanaanta hana la xoojiyo ku dhaqankeeda.