Inaan ahay nin-rageed shiishka looga danbeeyo ruux kasta oo deegaankan iyo agagaarkiisa ku uummani waa ogyahay. Qof nool oo iga daba hadlaa ma jiro. Magacaygu waa mid caan ah
oo ay dadku ka baqaan kolka ay maqlaan. Kuwo i raad haya oo intaan jaadka ku mashquulsanahay magacayga dadka ku furta ayaa jira. Dhaca iyo xatooyada inay xaaraan yihiin waa la sheegsheegaa, anigu se iyadaan quutaa oo aan har iyo habeenba calcaliyaa. Dilka sida jees jeeska dadka loo dilo anigu ma qabo. Waxaan kuwa fudeedka wax kudilo uga duwanahay amar kayga kii diido ayaan maar liqsiiyaa, kan ii hoggaansama waa uu iga badbaadaa. Aniga oo sarqaansan oo cir baxsan markaan suuqa soo dhex galo ciddii aan qalad ka fahmo madaxa ayaan ku dhuftaa.
Muddo toban sanno ah ayaan sidaan ku shaqeestaa, xirfad tan ka cabsi badan, kana geesinnimo badan oo ka daqli badan magaalada dhan laguma sheego. Aqoonta aan aan ku shaqeesto mid ciyaar eh maaha. Aabbahey ayaa iiga dhintay oo dhaxal ayaan ku helay. Muddo afartan sannadood ku qiyaasan ayuu qori sitay. Muddooyinkii hore dawladdii kacaanka ayuu dable ka ahaa, laakiin kolkii burburku dhacay ayuu halyey lagu hirto noqday. Tolweynuhu markaas ayuu u wada qiray geesigii i dhalay. Awliyo shiishka taqaan ayay dadku u haysteen ama wadaad cilmiga toogashada ku fiican xilliyada dirirtu socoto ayuu ahaa. Sidii libaaxa oo kale aabbe waxa uu iskaga aaday toban rag ah asaga oo xeelad adeegsanaya. Baqdinta laga qabo aawadeed dadku way ka barakeesan jireen iyaga oo hoos fiirinaya. Aabbe sidoo kale garta nin gooyo ayuu ahaa, hadduu cid amar-diiddo samayso arkana dhulka ayuu la jari jiray. Wax sidaa lagu jiraba, jeer danbe ayay dawlad ku meel gaar ah dalka ka askuntay, geesigii i dhalay markaas ayuu janaraal ciidan noqday, ayadoo sababtu tahay muddada uu qoriga sitay iyo qibradda uu xanbaarsan yahay.
Way iska muuqatay in aabbahay uu dhaqay kuwii horay janannada u ahaa oo dibadaha ka yimid. Sannad qura asaga oo dawlad kusheegga u shaqeenayo ayuu cudur aan la aqoon habeen kaliya ku soo booday. Intuusan fargan ayuu ii yeeray oo ila dardaarmay aabbahay, wuxuuna igu boorriyay sidiisa oo kale in aan halyay noqdo oo aan qof lagu daysado oo laga barakeesto noqdo. Taladii aabbe iyo barakadiisa isla markiiba waan qaatay oo markaynnu soo aasnay subaxii, ayaan anna qoriqii halyaygii i dhalay ka geeriyooday garabka surtay. Manaxe aan baqan ayaan noqday oo dhaxalkaygii waan ku raaxeestay.
Xaafadda nin kale oo aan aabbahay aheen oo laga baqo ayaa joogay. Qamarji ayaa la oran jiray, maxaa se ka rabtaa sow taan dharaar cad madaxa ka tooktay, dharaartii xigtayna gees ka gees deegaanka waa tii la isku kay sheegsheegay. Afganbi ayaan isbaaradii taallay xaafadda kula wareegay.
Far soo taagan ayaan noqday, waxaase iigu yaabka badnaa subaxii la i yiri shalay galabtii afar iyo toban qof ayaad dishay oo adigoo cabsan ayaad suuqa dhexgashay kolkaas ayaad rasaas aan kala go’ lahayn shacabka qaadsiisay. Waan farxad qoslay oo qorigayga ayaan dhunkaday. Qasnaddii ayaan furay mise wax rasaas ah kuma ay jirto. Markaas ayaan shakiyay. Marka hore waxan is iri: ‘shalay adigoo cabsan ayaad rasaasta ummadda ku firdhiday’, mar labaadna waxan is iri: ‘kan xun ee nacamleeyaha kuu ah ayaa rasaasta kaa furtay oo inuu suuqa geesto ayuu rabaa’. Labadaa arrinba waxay isku hirdiyeen maankeyga. Markii aan gorfeeyay labada arrin, tan danbe ayaa feker igu abuurtay. Haddiiba ableydii/toorreydii sinta iigu jirtay ayaan galka kala soo baxay deedna kii nacamleeyaha ii ahaa ayaan rubbadda ka galshay. Qunyar ayuu hortayda is waray, waana ka tillaabsaday.
Saacado kadib ayaa odayaal beesha ka socdo ii yimaaddeen, waxayna igu yiraahdeen; gartii ina Bashiir waan soo xallinnay, saddex iyo tobankii kalena masaakiin aan haybtooda la garan ayay ahaayeen. Galabtaas qurxooni waxa aan dadka u laayay maan garan, xanuun se waxaa igu haya dilka gaban tolkay ah. Anigu Muuse Bashiir dhimashadiisa waan ka xumaa oo gaban ciyaalka xaafadda ah ayuu ahaa, waxaanse ku qanacsanahay in maalin walbo gartayda loo fadhiyo oo la xalliyo. Waxayna Soomaalidu tiraahdaa “kabtaada iyo tolkaaga dhexdaa looga jiraa”. Geesi geesi dhalay ama libaax libaax dhalay inaan ahay adba waad aragtaa. Fartookte ayay dadku iigu yeeraan, waxaana daliil u ah ruux shiishkayga ka badbaaday weli dadku horey uma arag. Oo miyaad aragtay adiguba?
Habluhu anigaas ayay I daba cararaan, waxayna rabaan sidayda oo kale ilmo u geesi ah oo ay ku faanaan inay dhalaan. Xaaskaygu habeenka jimcaha ah ayaan iyada la marqaamaa, habeennada kale asxaabteyda ayaan la soo jabaa. Habeenka jimcaha ah aad ayuu habeennada kale iiga duwan yahay. Ooridaydu marqaanka kuma ay dheeraato oo saq dhexe ayay taqsiinta iska tuftaa, hurdana isku diyaarisaa. Kama yeelo anigu ee waaberiga ayaan gaarsiiyaa inta badan. Habeenkaas cag cilaan leh iyo caleenle ayaan isku darsadaa. Markaas ayaan sidii ruux nafaqo darro hayso oo kale kici waayaa maalinka xiga.
Dhaca, boobka, dilka, kufsiga iyo balwadda waa wax aan ku soo koray, waana wax wanaagsan sida muuqata, waayo waxaa tahay ruux naftiisa ku kalsoon oo naf kale asagoon baryin waxay usoo rafaadday si deggan ku cuna. Dhaxalkii aabbe ayaan weli ku noolahay. Nin baa jira, anigaa jira, ku kale ayaa jira, midkale ayaa jira, kuwo kale ayaa jira, gabi ahaan sidaas ayaa inoo xirfad iyo shaqo ah.
Cabdulqaadir Jaamac Xalane