Mudaneyaasha aqalka Wakiillada Oo Wixii ka Dembeeyey furitaankii Kalfadhigooda 34aad, subax Walba Kasoo Xaadira Golaha Haddana Aan Wax Fadhi Ah Yeellan Oo Kala Dareera
Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada Oo Ku Xabeebtay Soo Xaraynta Xildhibaanno Afaafka Tuban iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Waajibaadkiisii Dastuuriga Ahaa Kaga Mashquulay Olole Aan Sharciyad Waafaqsanayn Oo Xisbigiisu Ku Jiro
Hargeysa (Hubaal) – Kalfadhigii 34aad ee Golaha wakiillada Somaliland ayaa saddexdii toddobaad ee u dembeeyey suurto geli waayay in uu si rasmi ah u furmo, si goluhu uga doodo qoddobada ku jira ajendaha kalfadhigooda oo loo qaybiyey kaasi ooay ku jiraan qoddobo muhiim ah xilligan kala guurka in ay mudaneyaashu waajibkooda dastuuriga ah ka gutaan. Tan iyo bilowgii bishan July oo ku beegnayd markii uu mudaneyaashu kasoo noqdeen fasax dheer oo ay ku jireen waxaa golaha u suurto geli waayay in fadhiyada kal-fadhigoodan 34aad uu sharciyan si rasmi ah u gudo geli kari waayo waajibaadkooda, taasoo sababta ugu weyni tahay iyadoo subax walba uu kooramka fadhiga goluhu ku furmayo uu buuxsami waayo, isla markaana uu hoggaankii golaha iyo badiba mudaneyaasha taabacsani kasoo xaadiri waayaan fadhiyada sidaasina lagu kala dareero. Kalfadhiga 34aad ee golaha ayaa tan iyo markii uu furmay 1dii bishan aynu ku jirno ee July waxaa aan kasoo xaadirin guddoomiyaha golahaasi ahna murashaxa xisbiga WADDANI MD. Cadbiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaga uu sharcigu siinayo in uu goob joog ahaado furitaanka kalfadhiyada golihiisa, haddii cudurdaar la’aan uu ku maqan yahay, sidaasi oo ay tahayna waxaa Md. Cirro iyo badiba xildhibaanno xisbiga WADDANi ka tirsan oo taabacasan guddoomiyuhu ay toddobaadyadii u dembeeyey shaqadii iyo waajibaadkii loo igmaday ay kaga mashquuleen dano gaar ah iyo hawlo kaambayn oo khuseeya xisbiga WADDANi, iyaga oo sida laga war qabo safarro ololeysan ku maraya deegaannada ay kaadh qaybintu kasocotay ee gobollada Hargeysa iyo togdheer. Sidaasi oo ay tahay furitaankii kal fadhiga golaha oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golahaasi Md. Baashe Maxamed Faarax kaaso o mudaneyaasha loogu qaybiyey ajendaha kal fadhigooda, si ay uga soo doodaan ansixintiisa ayaa fadhigiisii labaad oo ay kasoo xaadireen 42 mudane waxa lagu meel mariyey ansixintiisa kadib markii ay soo lafo gureen qoddobada uu huwanyahay. Haddaba wixii ka dembeeyey fadhigii labaad ee kalfadhigaas oo ku beegnaa July 2, 2017 kaasoo lagu ansixiyey ajandahoda waxaa shaqadii goluhu gashay hakad iyada oo ay meesha ka baxeen hoggaamintii fadhiyada iyo dhegonuglaantii looga baahnaa mudaneyaasha waxaana tiraba dhawr maalmood ooshirguddoonku isku dayay in fadhigu furmo uu ku suuro geli waayay kooram la’aan awgeed.
Sida ilo wareedyo u dhaw goluhu ay u sheegeen wargeyska HUBAAL oo arrintan dabagal ku sameeyey waxa shalay oo ud embeysay oo sabti ahayd ay xildhibaannada intii kasoo xaadirtay golahu ku kala dareereen meesha kadib markii waqtigu kagadhacay intay naawilayeen in kooramku buuxsamo, taasoo xataa xildhibaanno door ah ooiyagu kaamboolka golaha soo galay balsse hoolka fadhiga hortiisa tubnaa uu guddoomiye ku xigeenka 1aad oo shir guddoomin lahaa fadhigu ku xiiqay in tuu u yeedhay kolbamudane dibada taagan.