Dhiig Mar 3aad Ku Daadaatay Deegaankii Ay Hore Ugu Bururtay Xinjirtu ee Ay Labada Beellood Ku Dirireen

0
27

Waxay Ku Soo beegantay Xilli AY Xukuumaddu dhawr Maalmood Ka Hor Go’aamo Culus Ka Soo Saartay, Ciidammada Qarankuna Ku Kala Dhex Jiraan

ceel-afweynSincarro/Ceel-af-weyn (Hubaal)- Dagaaal kale ayaa shalay mar sadexaad dib uga qarxay deegaanka Sincarro ee degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacba. dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ay dagaalkaas oo u dhexeeya labadii beelood ee dhawaan lagu heshiisiinayey deegaankaasi ee ku dagaalamay Dararweyne ay hadana shalay dib ugu dagaalameen deegaankaasi, taas oo meesha ka saarta qodobadii lagu heshiisyey beellahaasi ee ay dorraad xukuumaddu ka soo saartay.

Dagaalkan shalay duhurkii dib uga qarxay deegaanka Sincarro ee gobolka sanaag, ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada dad lagu qiyaasay 3 qof iyo dhaawac kale oo tiro badan, waxaanay warar deegaankaasi ka imanayaa sheegayaan in ay ciidamadu kala dhex galeen oo ay ku dedaalayaan sidii xaaladda ka soo cusboonaatay deegankaasi loo dejin lahaa. Wararka ka imanaya deegaanka Sin carro ee ay beelahaasi ku dagaalameen ayaa sheegaya in ay kala dhex galeen ciidanka somaliland oo ay hadda xaaladda nabad ku soo dabaaleen, balse ay halkaasi ka taagan tahay xaalad colaadeed oo laga cabsi qabo in ay wakhti kasta ka dhici karto colaadda labadan beelood ee soo noqnoqotay.

Xukuumadda somaliland, ayaa maalmihii u dambeeyey ku dedaalaysay sidii ay labadaas beelood nabad u dhex dhigi lahayd, kuwaas oo ay hadda ku kala dhinteen dad gaadhaya toban qof oo shacab ah iyo dhaawac dad kale, waxaana lagu sheegay qodobadii laga soo saaray in lagu heshiisiiyey beelahaasi oo xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto ciddii jebisa, balse arrinkaasi uu noqday mid aan hir gelin oo la jebiyey, lamana garanayo allaabada ay xukuumaddu qaadi doonto. Labadan beelood ayaa hore ugu dagaalamay deegaamada Dadweyne iyo deegaamo kale, iyada dagaalkan labada beelood yahay mid in badan soo noqnoqday oo sababay dhimasho iyo dhaawac, balse xukuumadda ayaa ku ku guuldaraysatay in ay xal ka gaadho collaaddaasi oo ay heshiisiiso labadan beelood ee deegaanka dararweyne lku dagaalamay. Maamulka Gobolka Sanaag oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno si aanu wax uga waydiinno dagaalkan dib uga qarxay deegaanka Ceelafweyn, xilli ay weli masuuliyiintii dawladdu ku sugan yihiin gobolka sanaag oo aanay ka iman illaa intii ay heshiisiinta kala dhex dhigeen beelahaasi, ayaanay noo suurta gelin in aanu helno.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here