Dhimo Adiga oo Faaruq ah!, Hassan Maal

0
34

Nin ahaa Agaasime Guud oo u dhashey Markeykan, ayaa saaxiibadii weydiiyey mar ay ku jireen shir-shaqo: Waa kee dhulka adduunka uugu qiimaha badani? Waxa ku bilaabmey jawaabo iska soo daba dhacaya, qaarbaa yidhi dee waa dhulka Khaliijka Carabta ee baatroolku ka buuxo, kuwo kalena waxa ay yidhaahdeen dee waa dhulka Afrika ee uu dheemanku ka buuxo gaar ahaan Somaliland!

Iyaga1-150x150

Markuu jawaabihii wada dhegeystey ayuu yidh: Waar waa khaldantihiin. Jawaabtu waa Xabaasha! Waxa uu faahfaahiyey sida xabaalaha ay uuga buuxaan malaayiin dad ah oo wada curdan dhadhey ama geeriyoodey iyaka oo wali maskaxda ku haya fikrado qaaliya oo aan ifka u soo bixin. Markuu sidaa lahaa Agaasimuhu, waxa nasiib wanaag maqlayey ‘Tedd Hanary’ oo ah Mu’alif ama qoraa da’ yar oo aad iyo aad uula dhacey fikradda Agaasimaha Guud.

Waxa uu markiiba qorey buugiisa caan-baxey ee uu u bixiyey <Dhimo Adiga oo Faaruq ah> ama (Die Empty) waxaana uu soo ban-dhigey hab iyo fikrado cilmiyeysan oo qofka ka caawinaaya, sidii uu maalin walba u qori lahaa wixii fikir, aqoon, dardaaran ama talo iyo tusaale kale ah ee wax u taraya, naftiisa, qoyskiisa iyo bulshadiisa.

Hadaad u fiirsato taladan, waxa aad dareemeysaa, in arrintani ay tahey, mid waaqici ah.

Imisuu wedku inaga qaadey, qof yar oo cilmi iyo aqoon lagu maneystey, ka hor intaanuu uuga faa’iideyn dadkiisa, ileyn shaqadii uu maanta qaban lahaa ayuu berri dib uugu dhigee.

Waxa ka jira caalamka Nolosha iyo Ganacsiga(wadamada hore-u-marey) dad loo yaqaan hagayaal ama kuwii xikmadda iyo khibradda badnaa (Mentor) oo u tababaran sidii ay dadka uugu toosin lahaayeen jidka loo maro hormarka iyo dowga toosan ee ay soo tijaabiyeen.

Hadii aaney hagayaashu ka soo dhalaaleen kaalintooda, waxa dhici laheyd in dad badani ay seegaan kheyr badan.

Waxa taa ka sii daran, marka madaxda sare ee wasaaradaha iyo shirkadahu ay la dagaalamaan ama cunaqabateeyaan khubadan, iyaga oo ka hinaasan ama joogitaankoodu dareensiinayo naaqusnimo badan!

Madaxda dagaalka kula jirta hagayaashu(Mentor) ma garanayaan in ay godob ka gelayaan, dadkii ka faa’iideysan lahaa aqoontooda iyo dalkaba. Kuwa dadkaa aqoonta badan la dagaalamaa, waxa ay ilowsanyihiin ama is-ilowsiinayaan in ay shirkad wal iyo wasaarad walba ay u baahan tahey dad aqoon iyo khibrad leh kana madax banaan siyaasad iyo qabyaalad oo hore-u- mariya dalka iyo dadka. Hagayaashu waxa ay dadka ku hagaan nolosha iyo wadada horumarka, ma geyaan in la cunaqabateeyo oo sanado aan mushahar la siin si ay u yaacaan ama halkii ay aheyd, in la dhiiri galiyo oo la dalacsiiyo, si aaney u gabin kaalintooda wax soo saar ee dadka iyo duunyaduba u baahantahey maalin walba. Waxa laga yaabaa, hadii qof kasta oo dunida ku nooli uu maanta debedda u soo saari lahaa wxii kheyr hoosta ku haysto, in ay nolosha cusubi ay noqon laheyd mid farxad iyo reyn-reyn badan oo aad aynu u soo dhaweyno!

Marka ay hawl ama muraad uu kaa galo wasaarad ama shirkad gaar ah ee

arrimuhu kaa galaan cidhiidhi ama sollo u baahan samir iyo dhiraan dhiris badan, marka adiga oo lugeynaya aad habeyn madow ku dhacdo god aan la daboolin, marka uu leydh iyo waayiradiisa oo dabeysani ay hoygaaga iyo dariiqii aad mareyseyba dusha kaga soo go’aan, marka gaadhi jaad sida oo aan ka baqeyn Alle iyo askari habranaya oo hadana tarafi sheeganaya, ama marka ay cillad farsamo iyo dadaal xumo ay dayuuraddi aad raaci laheyd u habsaameyso, waxa hubaal ah in markiiba ay maskaxdda ku soo dhacayso, in mashaqeyste aan damiir laheyni uu shaqadii gabey, sidaa darteedna, aanuu ILLAAHEY iyo ummadiisa midna raali galin

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here