Dhismaha Masjid Ay Dekedda Berberi Hirgelisay Oo Shalay Afurkii Xadhiga Laga Jaray

0
58

Berbera (Hubaal)- Xaflad balaadhan oo Afur ah ayaa  shalay xadhiga lagaga jarayay Masaajid cusub oo uu dhisay maareeyaha Dekeda Berbera waxana lagu qabtay gudaha masaajidkaasi oo ku yaala xaafada barwaaqo ee magaalada berbera. Mubaasibada xafladaasi waxa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Maareeyaha dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (xoor-xoor) badhasaabka gobolka saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, Isuduwaha diinta iyo Awqaafta ee gobolka saaxil, culimo u diinta Magaalada iyo Dadweyne fara badan.  cali xoorxoor oo majid ka dhisay dekedaHadal uu halkaasi ka jeediyay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Xoor Xoor ) waxa uu ka waramay qiimaha uu xaafadan iyo magaalada berbera u leeyahay masaajidkan oo uu sheegay in looga baahan yahay in la soo camiro isla markaana lagu dedaalo sidii looga ilaalin lahaa dayaca loogana shaqayn  lahaa nadaafadiisa, Eng Cali Xoor-Xoor waxa uu sheegay in masaajidkani maanta laga bilaabo uu noqon doono mid ka mid ah kuwa lagu cibaadaysto ee magaalada berbera ilaalintiisa iyo soo camiridiisuna tahay mid u taala dadka xaafadan. Waxana uu Ilaahay uga baryay in uu ka aqbalo acmaasha saalixa ah ee ay samaynayaan bishan barakaysan ee Ramadaan.  Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Oo ka Hadlayey Dhismaha Misaajidkan Waxa uu yidhi “Amaanta iyo Ducada Misaajidkan waxa iska leh Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Maadaama uu Kharashkiisa iyo Ogolaanshihiisa iyo hawshiisaba isaga uu iska lahaa alle haku ilaaliyo Cimrigiisa Caafimaadkisa iyo Xaaskisa iyo Ubadkiisa Khayrka Misaajidkan, waa arin heer qaran ah Dhismayaasha Masaajidu waa arin Dawladaha Lagu yaqaanay Inay ku dadaalaan hagaajinta diinta in loo dadaalo, inta badan misaajida waxa lagu dhisa qaadhaan bulshada dhexdeeda ah laakiin lacagta misaajidkan lagu dhisay waa lacag dawladeed boqolkiiba boqol, Madaxweynaha ayaa amarkeeda Lahaa anguna qabashadeeda ayaanu lahayn” ayuu yidhi Maareeye Cali Xoor Xoor waxaanu isgaoo hadalkisa sii wata yidhi “Dhismaha Misaajida illaahay baa wax lagaga doonaya waxaynu ognahay in dadkii misaajidada berbera dhisay kuwi dayactiray ay dhinteen maanta inaga ayaa joognaa waxa la doonayaa inay misaajida xil iska saarno waxaana lagu eegi doono dadka wax gacanta ku haya ee awooda” ayuu yidhi maareeyaha dekeda berbera eng cali xoor xoor.  Badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar ayaa isna sheegay in ay farxad u tahay in reer berbera maanta helaan masjid noocan oo kale ah . waxana uu  dadka xaafada barwaaqo ku booriyay in  looga baahan yahay in ay masaajidkan ka faa`iidaystaan sidii ay ugu cibaadaysan lahaayeen.una soo camiri lahaayeen, waxaanu uga mahadnaqay Maareeyaha Dekeda Berbera Hirgalinta Misaajid kan Ka Dekeda ahaan”.   Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin Ayaa Isna hadlay Ahmiyada uu leeyahay Misaajidkani iyo faa;iidooyinka wax ku oolka ah ee dadka xaafada iyo guud ahaan Magaalada Berbera Kuso Kordhinayo waxaanu yidhi “waxa weeye misaajidku bogcada ugu khayrka badan koonkan ku taala ee eebe leeyahay waxaanu illaahay uga baryeynaa cidkasta oo ka qeybqaadatay in eebe misaanka xasanaadkiisa ugu daro inagana waxa la inooga baahanyahay inay ka qeyb qaadano ku cibaadeysigiisa iyo ka faaiideysigiisa bisha barakeysan ee ramadaan ee aynu ku jirno, sidii horeba loo sheegay misaajidkan sidii uu ahaa iyo sida hada laga dhigay waynu garanaynaa dadka xaafadan waxaan ugu baaqayaa inay ka faaiideystaan oo misaajidkan camiraan guryaha illaahay waxa lagu cimaraa waa cibaado weeyeen, qofka dhisa guri ilaahay waxa janada looga dhisaa guri aynaan malayn karin sida rasuulku sheegay csw” ayuu yidhi Maayarka Berbera.  Isu duwaha wasaarada diinta iyo awqaafta ee gobolka saaxil Sheekh Maxamed ayaa isna ka waramay fadliga iyo faa`iidada uu leeyahay cida dhista masaajidada iyo goobaha cibaadada waxana uu sheegay in cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismaha masjidkan oo uu ugu horeeyo Maareeye Cali uu ilaahay Miisaanka xasanaadka ugu daro khayrka iyo ajarkiisa.  Sheekh Ibraahim Boqore Ayaa isna ka waramay Xasanaadka uu leeyahay Dhismayaasha misaajid illaahay iyo ajarka uu eebe ku bixiyo waxaanu dadka xaafadaasi degan ugu baaqay inay soo camiraan misaajidkaasi oo ku cibaadeystaan.  Masaajidkan ayaa ah mid ka kooban laba dabaq, oo si qurux badan loo dhisay isla markaana loo dhamaystiray dhamaan wixii looga baahnaa masaajid,  Dadweynaha ku dhaqan magaalada berbera ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhisma masaajidkan oo ay sheegeen in ay u baahnaayeen,  waxgaradka xaafada laga dhisay masaajidkan ee Barwaaqo ayaa sheegay in  aad ugu riyaaqeen dhismaha masaajidkan. Iyaga oo alle uga baryay in uu khayr siiyo cid kasta oo gacan weyn ka gaysatay dhismaha masaajidkan oo uu ugu horeeyo Maareeye Cali Xoor-Xoor iyo Xukuumada Uu Gadhwadeenka Ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.  Misaajidkan Dabaqa ah Ayaa noqonaya Kii U Horeeyey ee Noociisa ah ee Laga Dhiso Magaalada Berbera inkastoo uu jiro mid kale ka dhisan Gudaha dekeda Caalamiga ah ee Berbera Laguna Magacaabo Masjid MAdaxweyne Siilaanyo oo ka kooban Dabaq, Maareeyaha Dekeda Berbera Ayaa Tan iyo intii Uu hayay Xilka Marsada Dekeda Berbera Qeyb weyn ka qaatay Dhismayaasha Masajida Waaweyn ee Magaalada Berbera waxaanu dhisay kuwo halka uu dayactir ku sameeyey kuwo hore u jiray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here