Dhismeyaal Saddexan Oo Ay Shirkadda AL-NAJAX Ka Binaynayso Barxadda U Dhaxaysa Labada Gole Ee Baarlamaanka

0
58

Dhisme Koobsaday Maktabad, Madbacad Iyo Makhaayad Casri Ah Oo Laga Binaynayo Barxadda U Dhaxaysa Labada Gole Ee Baarlamaankabaarlamanka

Hargeysa (Hubaal)- Shirgudoonka labada gole qaran ee guurtida iyo wakiillada Somaliland ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme cusub oo laga dhisayo barxadda u dhaxaysa  labada aqal ee guurtida iyo wakiillada. Dhismahan oo qandaraaskiisa ay ku tartameen shirkaddo wadani ah oo dhismaha qaabilsan ayaa waxaa ku guulaysatay  fulintiisa shirkadda dhismaha iyo nashqadaha casriga ah ee NAXAJ Construction Co. Munaasibad kooban oo dorraad loo sameeyey dhagax dhigga dhismahan waxa aka qayb galay shirguddoonka golaha wakiillada, xoghayihii hore ee golaha guurtida  haatanna ah wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada, madaxda shirkadda qaadatay qandaraaska ee Najax iyo dadweyne kale. Waxaana si wada jir ah u dhagax dhigay dhismahaas Guddoomiyaha Golaha Wakiillada C/raxman Cirro , Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil Iyo Mulkiilaha Shirkadda Dhismaha Ee Najax C/raxman Maxamed Ciise. Waxaana Halkaasi ka Hadlay Masuuliyiin kala duwan kuwaas oo ku dheeraaday Muhimadda Dhismahani u yeelan Doono Barlamaanka. Mulkiilaha Shirkadda Najax Construction Companay C/raxman Maxamed Ciise oo ah shirkadda ku guuleestay Dhismahaa Aqalkan ayaa ka waramay Sida ay ugu guuleesteen Dhismahan Aqalkan waxaanu Yidhi “ Waxaa Ku Tartamay horta shirkado badan, Tartan adag ayaa meesha ka dhacay oo xor ah oo xalaal ah ka dibna annaga ayaa ku guuleesannay.  Sideeddaba Najax Contruction waxaa astaan u ah Haddii la tartamo oo si xor ah loo tartamo in ay iyadu koobka qaado sida Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee innagu xigtaa ee halkaa ka socotaa annaga ku guuleysannay , annaguna ballan qaadkii aanu sameynay waanu ka soo baxaynaa”. Ayuu yidhi xaqlaha Najax Co. Shirkaddan ayaa ka mid ah Shirkadaha ugu waawayn Dalka iyadoo wax ka dhista badiba Gobolada Dalka Somaliland, sidoo kale Shirkaddan ayaa ah shirkadda Binneysay  saraha Dhaadheer ee bilicda iyo quruxdaba u soo kordhiyay Caasimadda Hargaysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here