Heestii aad 2017 sugayseen waa tan! Ereyada Sakariye Awaare, Laxanka Labsalah iyo Luuqda Cabdi-Hani…
Dhooleey kalgacaylku wuu igu dhibcoo,
Dharaarahan waan is dhalan-rogayoo,
Jacayl dhab ah baa i dhabanaanshoo,
Dheehiyo midabkaagu waa dhalanoo,
Dhabeel waxaad tahay dhammaystiranoo,
Ku dheggan dhaqankii runta ahaa!
Haweenka dhammaan dhiggaaga
Dheg iyo qurux baad wax dheer tahay,
Mid aan ku dhigaa dunida may dhalan