Cabdillaahi-Jawaan Oo Khudbad Jiib & Jaan Leh Shalay Ku Hoga-tusaaleeyey Natiijada Tartan Waa Hore Jawhar Ka Dhacay Iyo Jewiga Siyaasadeed ee Shirka KULMIYE
Hargeysa (Hubaal)- Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan)oo kamid ah Siyaasiyiinta Ruug caddaaga ah ee Reer Somaliland, ayaa farriin adag u diray Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu usoo jeediyey inuu Maanka ku hayo Abaalkii uu hore ugu galay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ay muddo dheer Siyaasadda Ood-wagaag kusoo ahaayeen.
Cabdilaahi Jawaan waxa uu sheegay in Madaxweynaha looga Baahan yahay inuu Taageerada Musharraxnimada Muuse Biixi Muujiyo, isla-markaana meel mariyo Axdigii siyaasadeed ee ay hore usoo wada galeen, “Dimuqraaddiyada adduunku dhaqan bay leedahay adduunkana ma dhacdo in Guddoomiyaha Xisbiga Musharraxnimada lagula tartamo, Kulmiyena Axmed Siilaanyaa Musharrax u ahaa, muuse Biixi bayna Axdi kala saxeexdeen, Waan ku dhisaaye idhis baana u taallay, Laakiin Muuse Biixi wuu kasoo baxay Waajibkiisii Axmed-na waxan leeyahay Madaxweyne adiga iyo ciddii ku taageeraysaba sidii uu Muuse Kuugu lisay ugu hambee Waliba uga Badi waayo Dawladdii baad haysaa, Waliba waxa uu kuu oggol yahay inuu Gees kaaga joogsado haddii aad isku dayeyso.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan.
Cabdilaahi Jawaan waxa uu ceeb ku tilmaamay in Madaxweynihii qaranka oo wali hoggaanka dalka haya ay soo baxaan wasiirro xilal haya oo Kursigiisa hamuunta ay u qabaan dibadda soo dhigayaa, waxana uu yidhi,
“Aniga waxa isku kay qaban weday laba wasiir oo xukuumad qudha ka wada tirsan oo wasiirkii Warfaafintuna leeyahay madaweynahaa musharrax ah, Kii Arrimaha Dibadduna leeyahay Anigaa Musharrax ah oo madaxweynihii la hor taagan yahay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdilaahi Jawaan, waxaanu intaas ku daray “orod Maharatoon ah baa Waa La qabanayay 40km ah oo berigii Soomaaliya ka jiray, meel Balcad iyo u dhaxaysa Jawhar oo layidhaa Qalimu baa laga ordi jirey, oo garoonyar oo Talyaanigu dhisay oo layidhaa Stadium ayaa la tagayey, ragii oo isdaba yaacaya oo guclaynaya ayaa meel Ceel Cirfiid la yidhaa ee Xamar laga galayay markii ragii soo gaadhay ayuu mid dhiil caano ah sidaa yidhi; waar heedhe raggan yaacayaa maxay yihiin. Markaas baa lagu yidhi meel Stadium la yidhaa baa lagu ordayaa. Maxaa jira. Lacag aa la kala dheefaa. Aa CALASOW DHIISHA II QABO uun buun yidhi. Bababbbaba!!,orod baabu hor galay, ilayn halkii uun buu kaga dhacaye, sidii uu u ordaayay ayuu galay, bustihii uun baa lagu laabay, markii la eegay ayaa Numberkii laga waayay. Waar xageed ka timid baa la weydiiyay, markaas buu yidhi dee Imikaan Imid. Oo halkeed soo raacday?. Dee halkan Ceel Cirfiid baan kaga soo dhacay Bahalka (Orodka)…….markaa waxaan leeyay waar Somaliland orod dheer baa lasoo galay, mid halgan baa soo galay, mid walaalayn baa lasoo galay, mid laba kooxood oo iska soo horjeeda, la is garaacayay oo la mideeyay baa lasoo galay. Intaas oo dhan ninka ka maqnaa, dee wixii ka yimaadaa galay imika Waa CALASOW DHIISHA II QABO” ayuu hadalkiisa kusoo xidhay