Xukuumadda KULMIYE Halkee Bay Dhigtay Hankii Ay Ummaddu Ku Hiigsanaysay Aqoonsi Caalami Ah?. W/Q: Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
“Waxaan akhriyeey warbixin ay qortey warsidaha caanka ah ee (Wiki leaks ) ka soo jabsatay safaaradda Mareykan ee Addis Ababa oo cinwaankeedu yahay “Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Itoobiya Hon. Meles Zenawi oo u ololeynaya in Jamhuuriyadda Somaliland Ictiraaf gaar ah ama xadidan ka hesho beesha caalamka “The late Prime minister of Ethiopia Mr. Meles Zenawi lobbying for a semi autonomous recognition’ status for Somaliland”. Waxaaney sheegeysa warbixintani in Meles la shirey wasiir ku xigeenka mareykanka arrimaha dibedda Phil Carter january 30, 2009, una sheegey inuu la soo hadal qaadey Madaxweyne Rayaale Ictiraafka gaarka ah sida dawladda Falastiin, isagoo ka helay dareen celin fiican.
Markaa in talaabada labaad looga baahan yahey beesha caalamka iney ku qanciso Rayaale faa’iidada ay u leedahey siyaasadan S/L , waxaanu ku dooday Zenawi in S/L oo hesha ictiraafkaa xadidan iney u fududeyneyso beesha caalamka la macaamilka iyo taageerida S/L dhinacyo badan sida nabad gelyada gobolka, iyo horumarinta arrimaha dimoqraadiyada S/L . Waxaanu carabka ku adkeyey inaan la aqbali Karin heerka xidhiidka S/L iyo beesha caalamku ku sugan yahey waqtigaas oo loo bahan farsamo sharci oo lagu la macaamilo karo S/L .Inkasto uu Meles ka dhegestey wasiir ku xigeenka dhaliilo uu dhaliilaayo Rayaale daahidda qabsoomidda doorashada ( Taaso doorashadi qabsoontey 26 june 2010 si nabad gelya ahna loogu wareejiyey madaxweyne Silaanyo ). Meles wuxuu u soo jeediyey wasiir ku xigeenka in S/L uu baahantahey cid uga olooleysa uruurka midnimada Afrika si loogu qanciyo arrintaa ,waxaanu carabaabey Ismaaciil Cumar Geelle madaxweynaha Djibouti,isaga oo isagu iska fogeeynaya arrintaa si’ aan loo odhan Ethopia kala go’ goyneysa Somalia, Mareykankana iyo Igriiskana wuxu ka codsadey iney beesha caalamka qanciyaan marka Afrika lasoo ogoleysiyo . Waxa nasiib darro ah markaad dib u jeleecdo heerka aynu waqtigaa mareyney iyo waxa dhaceya maanta sida muddo kordhinti ay guurtidu u sameeysey Silaanyo iyo barlamaanka iyo ku xadgudubka saxaafadda iyo xuquuq al insaa’nka oo sababtey in Mareykanku cadaadis saaro dawladda Saudi Arabia si ay visada iyo kaalme dhaqaale oo boqol million ah ( siday qortey warsidaha India Ocean) ugu diido Silaanyo iyo S/L ,maantana albaabada loo laabey xafiiski EU-da.
Alla mahad leh,
Qalinkii: Eng. Baashe Cabdi Gaboobe
Email: gaboobe _3 @hotmail.com