Jakarta: (Hubaal):Dhul-gariir ku dhuftay Gobolka Aceh ee Waddanka Indonesia, ayaa dilay ugu yaraan 97-qof, sida ay sheegeen Saraakiisha Millateriga Dalkaas.
Cabirka dhul-gariirka, ayaa waxaa lagu Qiyaasay 6.5 Rector, Dhismeyaal badan ayaa Bur-buray, waxaana laga cabsi qabaa in ay dad badan ku hoos xayiran yihiin burburka hoostiisa.
“dhul-gariirka waxaa illaa hadda ku dhintay 97 ruux, waxaana laga baqdin qabaa in tirada dhimashadu ay intaas ka sare marto,” ayey qaar ka mid ah saraakiisha Millateriga Indonesia u sheegeen Warbaahinta.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Millateriga Gobolka Aceh, ayaa Waraysi uu bixiyay oo si Toos ah looga baahiyay TV-ga, Wuxuu ku sheegay in tirada Dhimashadu ay sii kordhayso weli.
Afhayeen u hadlay hay’ada Musiibooyinka ee waddanka Indonesia ayaa sheegtay in tiro ka badan 200 oo Dukaamo iyo Guryo isugu jira ay dhulgariirkan ku burbureen, kuwaasoo ay ku jiraan 14 Masaajid. Isbitaal iyo iskuul ayaa sidoo kale waxyeelo wayn soo gaadhay.
Ugu dambeyn, Sanadkii 2004-tii ayaa dhul-gariir badda hoosteeda ka dhacay oo ku dhuftay Xeebaha Gobolka Aceh, ayaa Sababay Tsunami Waxaana Dalka Indonesia oo kali ah kaga dhintay 160,000 oo qof.