Roma (Hubaal) Dhul gariir ku dhuftay jasiiradda Ischia ee dalka Talyaaniga ayaa galaaftay nolosha labo dumar ah dhaawacayna 39 ruux oo kale.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa burburka ka soo badbaadiyay ilmo toddobo bilood jira, waxayna wali ka shaqaynayaan sidii ay ku soo saari lahaayeen labo ilmood oo kale oo ay waloolo yihiin, sida ay saraakiishu sheegeen. Waalidkood ayaa burburka ka baxsaday iyaga oo nool.
Dhulgariirkan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 4.0 ayaa Isniintii halkaas ku dhuftay, wuxuuna burburiyay kiniisad iyo isbitaal. Jasiiraddan oo ku taalla xeebta Naples waxaa ku nool 50,000, waxayse caan ku tahay dalxiiseyaasha. Dad badan ayaa makhaayado ka cuntaynayay markii uu dhulgariirku dhacay.
“Khibrad argagax leh ayay ahayd, wax walbana wuu gilgilanayay, dhulkii mugdi ayuu noqday, dhismayaashuna way dumayaan, cabsi aad u badan ayaana jirta ayuu qof ku soo qoray Twitter-ka.