Dhulka Dawladda: Ka Iibiya iyo Ka Iibsadaaba waa Dembiile – W/Q. Prof. Axmed Cabdi Dacar

0
44

 Dawladdu waa ammaano haye; iyadu dhulka ma laha. Dhulka iyo guryaha lagu sheego ’dhulka dawladda’ waxa iska leh dhalinyarada iyo tafiirtooda. Tafiirta dambe iyo

prof axmed cabdidawladahooga ayay kolba dawladda joogtaa ammaano ahaan ugu haysaa dhulka. Dawladda iyo tujaarta dhulkaasi kala iibsanayaa waa inay ka waantoobaan oo ka xishoodaan inay dhacaan dad aan weli dhalannin.

Waa ta koobaad eh, dhulkaasi waa dhex oo tafiirta dambe ee reer Somaliland oo dhan, bari ilaa galbeed, mid jooga iyo mid dhalan doona ayaa baloodh walba iyo guri walba wada leh. Dawladdu waa inay ammanadaasi da’aha iyo dawladaha dambe ku sintaa kumanyaal sanno oo weliba in badan oo siyaado ah ugu biirisa intay goori-goor tahay.

Weedha tidhaahda ’dawladda uun baa dhulka iibin karta’ micnaheedu ma aha dawladdu dhulka ha iibiso. Waxa dawlad walba looga fadhiyaa inay tafiirta dambe dhul u sii dhigto; dhul waddooyin la mariyo, warshado laga dhiso, xafiisyo dawladeed iyo safaarado laga dhigo, garoonno diyaaradeed, iyo fagaarayaal badan oo gogol u noqda horumar, taariikhda iyo dhaxalka ummaddana lagu xafido, iwm.

Dhulku waa wax tirsan, ismana dhalo. Haddii dhawr dawladood iska daba iibiyaan soo maalin uun ma dhammandoono? Xaggee kolkaasi dhul looga heli dad intan maanta joogta ka tiro iyo baahi badankara? Dhulku naqad qadhiidh ah uma dhigmo, qiimahiisu waa wuxuu soo saari lahaa kumanyaal sannadood. Waa in-gaab-aragtinimo in dhul taariikhi ah amma kumanyaal sanno ummad dhan waxtari lahaa lagu beddesho guri yar oo dhaldhalaalaya. Waa inay dawladdu joojisaa kala-iibsigan xaaranta ah intaanu noqonnin tusbax furmay.

Waa ta labaad eh, tujaartuna waa inaanay ka faa’iidaysan xilkas la’aanta ka muuqata dawladda.

Tujaarta dhulka ummadda iibsanaysaa waa inay damiir qabta yeeshaan. Waa inaanay dhulka dhex tafiirta dambe u leedahay u iibsanin si ay ubadkooga oo qudha gooni ugu sii xidhaan. Waa inaanay tujaartu maalkooda u isticmaalin tirtiridda taariikhda ummadda.

Waa ta saddexaad eh, waxa iyana la sheegayaa shakhsiyaad guriyihii ay ku jireen ee dawladda lacag ku beddeshay oo lacagtii guryo gaar ah ku iibsaday. Iyaba waa yaabe, ma aabbahood baa uga tegay guryaha la iska iibsaday? Maalin ay noqotaba kuwii kala iibsaday dhulka iyo hantida ummadda waa la maxkamadeeyn doonaa. Sharciga qabta qof ammaano loo dhiibtay iibiyay iyo ka ka iibsaday tuug ammaano soo xaday ayaa lala tiigsan doonaa.

Ugu dambayntii, waa in mid yar iyo mid weyn la is-hortaaga kala iibsiga dhulka lagu sheego ’dhulka dawladda’. Waddanka looma xoreynaynnin in qaydhinka lagu qaybsado oo tafiirtii loo xoreeyay wax la’aan la diro.

Qoraalkan u gudbiya wasiirka Hawlaha Guud.

Ahmed Abdi Da’ar

Email:ahmed.daar@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here