Waxa la sheega in galaydhku noolaan karo 70 sanno oo gaw ah. Noloshaas dheer wuxuu ku mutaa dhib iyo rafaad badan oo noloshiisa min bilaw illaa dhammaad ku ladhan. Dhibkaas iyo rafaadkaasi
waa ka xardha ee qaabeeya nolosha qab waynidu ku suntan tahay ee galaydhku ku naalloodo! Marka uu mujayga yahay, hooyadii waxay ka soo tuurtaa cushka sare waxay na ku sii daysaa hawada isagoo heehaabaya. Sidan waxay u yeesha laba sababood labadaba; waa midda hore e inuu barto duulimaadka iyo inuu yaraanta ku barto nolosha ISKU FILNAANSHAHA. Inta uu ka maqan yahay cushkii uu ka dhacay hooyadu waxay xas iyo xansas ugu sii daadiisa baradiisii si marka uu soo noqdo uu u dareemo xanuun meeshana uga digo rogto. Galaydhka lab, isna waa ka qayb tababarkan, wuxuu kor ka ilaaleeyaa galaydhka yar marka hooyadu ka tuurto cushka soona qabtaa marka uu arko inuu halis u dhaw yahay. Tani kama aha naxariis darro ay galaydhka lab iyo kan dhedig kula kacayaan galaydhkooda dhashay. Se waxay ka tahay inay baraan SIDA LOO NOOLAADO.
Galaydhku marka uu gaadho 40 jir wuxuu noqdaa talax gab, ciddiyihiisii golxobka ahaa way isku soo laabmaan, kamana caawiyaan qabsashada ugaadhii uu aad yar halabsan jiray oo la haadi jiray. Afkiisii middida ka awood badnaa isna wuu qaloocsamaa heer uu hilibka ku goosan kari waayo. Baalashiisina waxay la cuslaadaan cufka iyo dufka faraha batay ee fuulay. Galaydhkii waxa soo food saarta laba daran mid dooro! Inuu dhinto o uu is dhiibo iyo inuu u halgamo sidii uu u sii noolaan lahaa. Dabadeed wuxuu doorta doorashada danbe, waxaanu u cafaariigsadaa is bedel aad u dhib badan una xanuun badan oo qaata ku dhawaad shan bilood. Bilawga horeba waxa uu galaa diyaar garaw, wuxuu cush ka samaysta figta sare ee buur aad u dheer. Halkaas ayuu ku negaadaa muddada uu dib u dhalashada ku jiro. Dabadeed wuxuu bilaabaa inuu dhagaxaanta la dhaco afkiisa ilaa uu ka jabayo afka qalloocan. Haddana wuxuu sugaa inta af cusub oo curdin ahi u soo baxayo. Haddana wuxuu afkiisa ku jaffaa cidiyaha gamuur may ee gaboobay, waxaanu rifaa baalashiisa si uu isaga dhigo heeryada cuslaysay. Muddo ayuu sugaa intay u soo baxayaan baalal cusub oo fudud iyo cidiyo cusub. Waqtigan galaydhkii dib ayuu u dhashay, waxaanu sii noolaan karaa 30 sanno oo kale.
Soomaalidu way ka hibo iyo hoodaba sarreeyaan Galaydhka, haddana way ka han iyo hibasho hooseeyaan. Bal aan idhaahdo in badan oo inaga mid ahi waynu ka karti iyo tamar liidannaa xayawaankaas. Bani aadamku wuxuu dhasha isagoo ooyaya, hooyo iyo aabbo jecel ayaa haba oo haya oo ka ilaaliya hiif iyo hagardaamo. Waa la koriya oo la koolkooliyaa, loona diyaariyaa sidii uu u noqon lahaa kaalin gal nolosha mustaqbalka meel ka soo mudha. Arrintani way socotaa ilaa inta uu kaalin qaad noqonayo, oo uu kashiisa ka keenayo sida uu maaraynayo noloshiisa. Waxa Iyana ku lammaan aadamaha laba majaraha ka rida; waa nafta iyo shaydaanka. Meel dhexe marka uu marayo ayay u horseedaan inuu jaran jarada ka siibto oo nolosha ka dhaco, dabadeed saaqido oo silloonaado. Ninkii la korinayay ee la koolkoolinayay wuxuu dib u raacay raadkiisii! Wuxuu ka leexday wadadii saxda ahayd, oo uu galay nolol mugdi iyo madaw badan. Damiirkiisu wuu ogyahay inuu lumay oo anbaday, se wuxuu isku qanciyaa ma joogtid meel aad iska soo qabatid “Nin qoyani biyo iskama dhawro”. Waxa uu aaminaa in aanu xaq u lahayn nolosha quruxda badan ee intay dugsi iyo deris wadaagga ahaayeen ku naaloonayaan, wuxuu ka quusta rajada wuxuu lumiyaa hanka, wuxuu yasa naftiisa, dabadeed isu dhiibaa waayaha.
Waxa qumman qofkaasi inuu naftii la shiro oo la shawro. Dabadeed sidii galaydhka kala doorto inuu dhinto ama u diyaar garoobo isbedel adag oo dhib badan. Waa inuu sameeyo gololaysi balaadhan ka hor is bedelka, isagoo samaynaya hage uu dib ugu qaabaynayo noloshiisa. Waxa mudan inuu saxo wixii ka qaldamay isaga oo ka faa’idaysanaya khibradiisii hore, haddana bilaabo fulinta qaabayntaas.
Waxa jirta sheeko kaftan ah, waxa la yidhi maqaaxi ku taallay Berbera oo ay fadhiisan jireen qolada nolosha ka dhacday, ayaa mar alle marka uu qofku is yidhaahdo waa saq badh oo waad habsaantay waxay daarin jireen Idaacaddii BBC da oo ay duubeen, dabadeed kii isla lahaa kac ba jiqilkuu sii aastaa!. Reer Berbera waxay u bixiyeen maqaaxidaa HABEEN KAAMA TEGIN. Inagu se sida fiican ayay nu u adeegsanaynaa odhaahdaas, waxaynu leenahay saaxiibkeenna balwaddu dishootay ee nolosha ka dhacay ama ku siganaya inuu jaran jarada waydaarto HABEEN KAAMA TEGIN! Waxan hadal ku soo koobay, saaxiib dib u dhalo gallaydh ka kama liidatide.
Mustafe Axmed Xasan
Email: mustafeh2@gmail.com