Dib U Habayn Afar Dhinac Saamaysay Oo Lagu Sameeyey Dhismeyaasha Saddexanka Ah Ee Garsoorka Gobolka Maroodi-Jeex

0
38

“Dhismeyaashan Waxaa Dib U Habaynta Lagaga Sameeyey Xagga amaanka, Xagga Adeega, Xagga  Bilicda Iyo Xagga Nidaamka Shaqada Oo Dhammaantoodba La Adkeeyey” –  Guddoomiyaha Guddida Caddaaledda  Ahna Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ee JSL

saylici

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxaman Cabdillaahi ISmaaciil (Seylici) ayaa Xadhiga ka jaray  dhismeyaasha Maxakamadaha degmada, gobolka iyo racfaaanka ee gobolka Maroodi-jeex oo dhawaan dib u habayn balladhan lagu sameeyey. Xafladda xadhig ka jarista dhismeyaashan oo Khamiistii ka dhacday xarunta dhismaha garsoorka gobolka isla markaana   ay kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan XAaji Cali Axmed, Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Jananka Bilayska, guddoomiyeyaasha saddexdan maxakamadood iyo waliba wasiiro ka tirsan xukuumadda, waxaa halkaasi hadallo ka jeediyey ugu horeyn guddoomiyaha guddida caddaaladda ahna guddoomiyaha maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, waxaanu sheegay in dib u habayntan lagu sameeyey dhismeyaasha garsoorka gobolku ay ka kooban tahay dhinacyo kala duwan.

“Madaxweyne kux igeenka waxaan uga mahadnaqayaa in uu inna soo ajiibay oo uu kasoo qayb galay dib u habayn ballaadhan oo lagu sameeyey maxakamadaha gobolka Maroodijeex, saddexda maxakamadood ee kala ah; maxakamadda degmada, maxakamadda gobolka iyo maxakamada racfaanka. Dib u habayntaas oo afar dhinac lagaga sameeyey, xagga amaanka [security-ga] waa la adkeeyey, xagga adeegana waa la adkeeyey, xagga shaqada waa la adkeeyey nidaamkeeda, xagga bilicdana waa la adkeeyey”. Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Maxakamadda sare ee JSL Garyaqaan Aadan XAaji Cali Axmed oo Madaxweyne-kuxigeenka uga warbixinayay qaybaha ay ka kooban tahay dib u habaynta uu xadhiga ka jaray ee lagu sameeyey saddexda dhismeyaasha maxamaddaha saddexanka ah ee gobolka Maroodi-jeex. Waxaana uu guddoomiyuhu intaas ku daray in qorshahan dib u habaynta ee ay sameeyeen loogu talo galay in la gaadhsiiyo dhammaanba dhismeyaasha maxakamaddaha gobollada iyo degmooyinka dalka “dib u habayntani waa Model la doonayo in dhammaanba maxakamada dalkan Jamhuuriyadda Somaliland la wada gaadhsiiyo. Intaas kadib waxaan doonayaa in Md. Madaxweyne ku xigeen aynu halkan uga mahadnaqno dedaalkii ay sameeyeen guddoomiyeyaasha saddexdan maxakamadood iyo hawl-wadeennada kale ee ay ka midka yihiin garsooreyaasha, kaalliyeyaasha iyo shaqaallaha kale ee garsoorka oo iyagu dhabarka u  ritay suurtogelinta arrimahan. Waxaa kale oo aan doonayaa inaan u mahad naqo dawladda Ingiriiska oo iyaguna qayb innaga caawisay dib u habayntan, dib u habayntaasi intii ay socotayna madaxdayada hay’adda cadaalladuna dusha ayaanu ka kormeeraynay.”.

Dr. Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha  guddida caddaaladda ahna guddoomiyaha maxakamadda sare ee JSL Waxa kale oo uu daboolka ka qaaday dib u habayn ballaadhan oo dhawaan ay ku samayn doonaan dhismaha maxakamadda sare ee JSL.  “WAxaanu dhawaan dib u habayn ballaadhan oo dhinaca ammaanka ah iyo dhinaca bilicdaba lagu samayn doonaa oo aanu bilaabi doonaa dhismaha maxakamadda sare ee JSL, run ahaanna dib u habayntan maanta iyo kuwa kale aanu bilaabaynaa waxaa ay tusaale u tahay isbedelka dhabta ah ee garsoorka ku dhacay iyo horumarka dhinaca caddaallada ee uu ku tallaabsaday.”. ayuu yidhi guddoomiyuhu. Waxaa iyaguna hadallo koobkooban oo mahad naq u badan madashaas ka jeediyey wasiirka caddaaladda, wasiir ku xigeenka qorsheynta, jananka bilayska iyo guddoomiyeyaasha saddexda maxakamadood ee dib u habaynta lagu sameeyey. Gebogabadii waxaa halkaasi xadhiga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici isaga oo bahda caddaallada ku bogaadiyey isbedelka horumarineed ee kamuuqda muddooyinkii u dembeeyey.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here