Dib U Jaleec Waayaha Dalkaaga. (Q.5aad)

0
21

Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahii dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliyeed. Hadaan halkii hore uga sii socdo,cadaadintii iyo cuna qabatayntii Xamar ku haysay Jamhuuriyadii Somaliland ee hore waxa ka mid ahaa Waxbarashada.Dawladahii Xamar ee isaga danbeeyay hogaaminta 1960 – 1981 waxay afka ood ka saareen horumarinta waxbarasho ee JSL ee 1960kii,waxay god ku rideen kordhinta dhismayaasha Dugsiyada Sare iyo jaamacado loo dhiso.Jamhuuriyadii Somaliland waxaa u dhisnaa markaynu ka hadlayno dugsiyo Sare Sheikh iyo Camuud oo  keli ah,kuwaana waxa dhisay Ingriiskii,jaamacad-na hadal keeda ba daa.Shacabku markay arkeen inay u gacan galeen gumayste madaw oo ay u qabeen walaalahood ayay shirar la galeen masuuliyiintii waxbarashada iyo ganacsatadii,waxay isku raaceen gumaysiga Xamar inuu kala dagaalamayo dhinac walba,waxay goosteen inay iskaa wax u qabso ku dhiseen dugsiyo Sare oo badan.Intaan ka xasuusto Dugsiga Sare ee Faarax Omaar(Hargeysa),Dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir(Burco),Dugsiga Sare ee Sheekh Cali Jawhar(Borama) iyo kuwo kale oo ay ka hir geliyeen gobolada kale.Markaynu dib u jaleecno dhinaca Jaamacadaha,waxa jiray ururkii EC ee ah Eu-da maanta ayaa inoogu deeqday jaamacad waxaanay dhismaheeda ka bilawday Hargeysa.Markay dhamays tireen ayay qalabkiina markab ku soo rareen,kadibna Afweyne ayaa wareegto kula wareegay qalabkii oo weli badda soo socda,waxuu ku wareejiyay jaamacadii Xamar oo ka koob nayd 15 kuliyadood,dhismahii jaamacadii Hargeysa-na waxuu amray in loo bixiyo 1 july! Waana dhismaha jaamacada Hargeysa ee maanta.Waxaan xasuustaa hees uu qaadi jiray AHN Maxamed Mooge liibaan oo ahayd (Maxaa dacar lay walaaqay…waabeeyo ku caafimaaday walaalkay nimaan u haystay maxuu wado ii fadhiistay).Dhinaca kale aminkaa 1960 – 1981 gumastahii madoobaa ee Xamar xagooda waxay ka dhiseen 41 dugsiyo sare,jaamacadii soomaaliyeed oo 15 college ka koobnayd,jaamacadii allaahi iyo tii siyaasada ee afweyne.Waxa kale oo jiray ardayda ka soo baxa dugsiyada sare iyo farsamada gacanta dhamaan waxay u diri jireen Xamar si aqoontu aanay ugu nagaan goboladii jamhuuriyadii Somaliland ee ku dhacday,qorshahaa bedel kiisuna waxuu ahaa ciidamo ay ka soo buuxiyaan dhamaan goboladii waqooyiga la odhan jiray.Sidaa darteed waxa halkaa ka cad Xamar gumaysiga gumayse xeeladaysan oo dhinac walba leh inay ku haysay jamhuuriyadii Somaliland.

Beeraha: Dawladahii mashaariicda beeraha ka caawin jirtay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed ee ay hogaamin jireen reer Xamar waxay qorsheeyeen inay mashaariicda qaybiyaan oo ay Ceerigaabo iyo Gabiley ka sameeyaan beero waaweyn,qaybna ka sameeyaan koonfurta balse dawladahii Xamar ayaa ku gacan saydhay oo ku adkaystay dhamaan mashaariicdaa in laga fuliyo koonfurta marka laga reebo mashruucii wajaale.Talaabadan cuna-qabatayntuna waxay abuurtay goboladii waqooyi inay ku xidhnaadaan beeraha koonfur oo wax kasta xagaa uga yimaadaan,beeralaydii yar-yarayd ee waqooyiga ay yaraadeen wax soo saar koodii ilayn waa sidii loogu talo galaye.Waxa kale oo barbar socday cuna-qabatayn dadban oo lagu hayay ganacsatii waa-weyneed ee waqooyiga si ay ugu suurta geli waydo dhaqaale ee gobolada  waqooyi.Talaabadan ayaa iyagana ku qasabtay inay u guuraan Xamar,xoojiyaana dhaqaalaha Xamar.Waxaan xasuustaa nin Somalilander ah ayaa yidhi (Ninka aan hashaydii hadiyada ugu geeyee…hilbaheedii madhiyee caanaheedii heensaday..ee hadana mar kale ii soo haliilow hootada nabsiga sugo).

Hadaba markaynu dib u jaleecno labadii dal ee is-dhex yaacay lana baxay Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay arrimaha aan soo xusay inooga markhaati kacayaan inay ku danbeeyeen midi inay noqotay jiir uu liqay maroodi oo ku haftay uuskii caloosha maroodiga,ciil-na ku gaaxday oo raadinaya bal siduu uga bixi lahaa oo uu mar uun hawo nadiif ah iyo ifka ugu bixi lahaa,maroodiguna ku talo galay jiir kaasi abid inuu calooshiisa ku jiro.

La Soco qaybta 6aad

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

badmah100@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here