Waxaa Curiyey Abwaan Cawil Ismaaciil Aadan
Maansadani waxa ay jawaab u tahay Tix uu Tiriyey (Cawil Ismaaciiil Aadan) kuna soo baxaday wargeyska Himilo cadadkiisii 471 kuna taariikhsiineyd 03/Nov/2015, taas oo uu wax kaga sheegayey nimanka korneylada ah ee dalkan usoo halgmey iyo guud ahaan askartaba waxaana maansadani magaceedu yahay (Diwaanada Dib U raac) waxaana curiyey ^Cabdi Iidan Xasan^.
*Dib unoqo Dharaaraha
*Diiwanada Dib uraac
*Fogee daymadaadoo
*maalmihii darraa iyo
*wixii daalna soo maray
*xusuus Daawadsiiyoo
*Daalaco wixii Tegay
*ina ruux dareen lihi
*Askari diidimaayo
*waa kaan ku degenoo
*dalka noo xoreeyoo
*dabkii ina siyaadiyo
*diyaaradii kacaayiyo
*dabaabadii cartemyeyba
*isagaa dabaalaye
*Dunidaa u taagaanoo
*dabcigeeda weeyee
*bal haduu dagal dhaco
*dalka waan usimanee
*ninka debeda aadee
*diyaaradaha raacee
*dib kusoo jaleecayn
*iyo dirica wiilkee
*dabka qoriga qaatee
*dalka daafacayee
*dartaa iil udubuq yidhi
*dar ilaahay eegoo
*markay doorashada tahay
*keebaad udayn lahayd
*afartaa dareeshee
*dockalaan udhaafiye
*duunyadii laynaga dhacay
*duhur kii dareersaday
*ragii duurka ugalay
*haday soo dabaaleen
*markay dihatey maandeeq
*dumarkiyo caruurtii
*danbarkeedii sugayaan
*nimaan daal usoo marin
*haddii uu doraad yimid
*doorashana inaga rabo
*ma dawbaad u aragtaa
*hadaad doontey kuma darin
*ilayn waa dareenkaa
*kuuna diidi maayee
*dunidaa utaaganoo
*dabcigeeda weeyee
*bal hadduu dagaal dhaco
*dalka waan usimanee
*ninka debada aadee
*diyaaradaha raacee
*dib kuu soo jaleecayn
*iyo dirica wiilkee
*dabka qoriga qaatee
*dalka daafcayee
*dartaa iil udubuq yidhi
*dar ilaahay eegoo
*markay doorashada tahay
*keebaad udayn lahayd
*afartaa dareeshee
*dockalaan udhaafiye
*bal dib aan u milicsado
*dabuubtaad doraad tidhi
*ee aad hal doorkii
*kornayladan duqayada ah
*markay dirirtu taagnayd
*dahab kuu ahaa shalay
*doqomada ku sheegtee
*dusha aad ka saartee
*dagaaladii sokeeyiyo
*dirirtii dhexdeenee
*doqonimadu keentee
*rabi naga daweeyey
*kaagan dacartu jiiftee
*dib usoo fadhfadhyow
*adigaa dayaboo
*dadku kuu sinaynoo
*daacadnimo ka dheertee
*dunidaa u taaganoo
*dabcigeeda weeyee
*bal hadduu dagaal dhaco
*dalka waan usimanee
*ninka debeda aadee
*diyaaradaha raacee
*dib kuu soo jaleecayn
*iyo dirica wiilkee
*dabka qoriga qaatee
*dalka daafcayee
*dartaa iil udubuq yidhi
*dar ilaahay eegoo
*markay doorashada tahay
*keebaad udayn lahayd
*afartaa dareershee
*dockalaan udhaafiye
*weli dalkii badhbaa maqan
*doondoonistiisaan
*duurka ugu jiraayoo
*cadowbaa ku dayranoo
*daba dhilifyadii iyo
*kuwii doogta geystaa
*wali aan ku daynoo
*dusduskay barteeniyo
*wixii ay daldalan jireen
*wali doonyaa jira
*ana diiday leeyahay
*balse waa digniinoo
*adaa iiga sii daran
*waxa taa daliil u ah
*markaad kii darka ugalay
*doonimaayo aad tidhi
*dana aanad ka lahayn
*ana doorkan maanta ah
*askaraan dan moodee
*dayr buu ii yahee daa
*dugsuu ii yahee dee
*dadbaan ugu jeclee daa
*dunidaa u taaganoo
*dabcigeeda weeyee
*bal hadduu dagaal dhaco
*dalka waan usimanee
*ninka debeda aadee
*diyaaradaha raacee
*dib kuu soo jaleecayn
*iyo dirica wiilkee
*dabka qoriga qaatee
*dalka daafcayee
*dartaa iil udubuq yidhi
*dar ilaahay eegoo
*markay doorashada tahay
*keebaad udayn lahayd