Loolanka siyaasadeed ee kooxba koox garbinayso ayaa inta badan abuura xafiiltan aan tudhaale lahayn. Wax la dhibsado maaha in tab iyo xeelad aan waxba layskula hadhin laysku adeegsado, iyadoo kooxaha hirdamayaa midba midka kale u maleegayo dibindaabyo siyaasadeed, waase nin iyo xeeladii.
Haddaba markay sidaas tahay, waxa hanaqaadka siyaasiga iyo libta loolanka siyaasadeedba ku jiraan in la helo dabar xakameeya caadifada hirdanka iyo kala duwanaanshaha afkaarta siyaasiga ah si aynaan uga gudbin xayndaabka isla markaasna loolankaasi aanu inoo dhaxalsiin utun iyo dhaqan taban oo inoo horseedikara meel aynaan kasoo waaqsan.
Haddaan si mawduuci ah ugu soo durko dulucda maqaalkaygan, wadar ahaan waxaynu isla waafaqsanahay in debciga siyaasadu wato loolan kala riixasho oo wixii wanaag iyo sumcad lagu kasbanayo laysku garbiyo, sidoo kalana laysku riix riixo wixii magac xumo iyo fadeexad siyaasadeed ah. Ogaalkaaga ku darsoo, dadkeenu waxay u dabranyihiin rabitaanka siyaasiga danaystaha ah oo markasta ku hawlan wax alle wixii uu ku hananayo halka abaartiisu tahay. Bal adba ! siyaasigani waa mid ku foogan inuu cadaawad, caadifad iyo caloolxumo ku abuuro inta isaga u furan, isagoo waliba fogaynaya intii kale ee uu masiirkooda ku hirdamayay. Wuxu ina gashanayaa inaynu si taban u deedafayno ficil iyo fikradkasta oo aan ahayn tiisa kana soo horjeeda. Dhanka kale, maanta waxa laysla marayaa in uu inoo yeedhiyo amase isagu adeegsado inuu cambaareeyo sidoo kalana bahdilo shakhsiyadda iyo qiyamka qof ahaaneed. Nasiibdarose waxa maanta ay gaadhay in mabaa’diidii qaranimo ee samaynta ku lahaa qadiyada qarankan aynu wada leenahay laysku garbiyo si dareenka dadka loogu isticmaalo ‘Tool’ wax lagu kala riixdo amase laysku challenge-gareeyo.
Dhaqankan siyaasadeed ee inagu cusub ayaa ah mid qudh-gooyo iyo adhaxjab ku ah dhawaaqeenii ahaa inaynu horumar wax ku ool ah ka gaadhnay loolanka damaca kursiga iyo dimuqraadiyadaba. Macno buuran samaynmeyso in kursiga lagu hanto loolan lagu riiqmay oo hadhow ninka amase kooxda guulaysataa caqabad kala kulanto inay horusocod sameyso, sidoo kalana ku adkaato in shacabka ay masiirkooda majaraha u qabteen ku jiheeyaan bartilmaameed sugan oo wadajirkooda iyo isku tiirsanaantoodu wax badan ka tari lahayd. Haddiise aynu indhaha ka qarsano halkan ay maanta marayso, oo ah in been abuur iyo foojari dhaawacaya sumcada qadiyada qarankeenan aynu ku naaloonayno laysku adeegsado. Waxa hubaal ah in ay arinta tani horseedo wakhti aynaan waxba ka qabankarin balse farta dhexda ka qaniino. Isweydiintu waxay tahay miyaynu mooganahay wacdiga iyo waayaha inagu xeeran ee damaca iyo loolankan qadhaadh ee fogaaday oo kale ku ragaadiyay ummado inala mid ah? Ma garaadkii ummadani lahayd ayaa siyaasi danayste ahi ku ciyaarayaa oo caayayaa? Mise shacabka aniga iyo adiga ah ayaa ogol raalina ka ah loolankan guracan iyo cawaaqibxumadiisa?
Waxa tusaale dhaw inoogu filan marxalada ay Soomaaliyi ku jirto maanta, shalay qaran taabogalay oo la aqoonsanyahay, cudud iyo cirdina leh ayay ahaayeen maantase qadarjab ayay dhaxleen. Loolan siyaasadeed ayaa la fogaaday, waxay isla gaadheen in badhkood dano shisheeye soo xambaartaan oo ETHIOPIA oo cadaawad gaamurtay ka dhaxaysay garabsadaan. Kuye ! Badhkii kale ma iyagaa gaal-gaal dhalay iyo gaashaanbuur ah. Waxay lasoo safteen KENYA. Bal adba! Dib u milicso oo fahan nuxurka ku duugan iyo casharka aynu ka korodhsankarno. Mudadii aynu qaranka ahayn, waxaynu ka madhnayn gacmo shisheeye oo inasoo farogeliya, balse haddii maanta ay halkan marayso wax walba filo.
Guntii iyo Geba-gabadii, waa laysku soo biyaysanayaa waana la hirdamayaa balse waxa inala gudboon inaynu ka feejignaano wixii inakala fogaynaya ee mustaqbalka dhaw siyaasadeena raad aynaan mahadin dhaxalsiinkara. Siyaasiga damacu ladhayo waxa looga baahanyahay inuu xafiiltan ceeb ka saliim ah oo ku qotoma dood, naqdin iyo isbedel togan la goole yimaado kuna garbiyo cida tartanka uu kula jiro. Bilaahi calaykum siyaasi waxaad dhawrtaa diinta iyo dhaqankeena dadnimo ee marjiciyada u ah xayndaabka aynaan ka gudbikarin. Adigiyo dareenkaa, isku day inaad ‘Political Legacy’ la mahadiyo dhaxal uga tagto ummadaada oo aayahooda siyaasadeed ka taliso. Iskana dhaafto ‘Character Assassination” iyo wixii la hal maalaba. Waxaan kuu dhaafayaa labadan tuduc ee hoos ku xusan.
“Dunjiga Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane,
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey,
Mar uun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya”
Wa bilaahi tawfiiq.
Fouad Abdisalam
Fuad.salam@yahoo.com