Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Baaq Xummad-Jebin Sharci Ah Kasoo Saaray Xaallada Ololuhu U Socdo

0
120

Waxaa Ay Ku Baaqeen In Si Dhawrsoon Loogu Diyaar-garoobo Doorashada

Hargeysa (Hubaal)- Shir ay shalay warbaahinta u qabteen kooxda u dooda xuquuqal insaanka Somaliland ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland. Shirkan oo ay ka qayb galeen jileyaasha ururrada   u dooda xuquuqal insaanka waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadashay   Faysa Aw Cali oo ah gudoomiyaha koox ay samaysteen ururadu inta doorashadu socoto, iyo Jamaal Xuseen Axmed oo ah af-hayeenka kooxdaas. Waxa kale oo joogay xubno kale oo uu ka mid yahay Guleid Ahmed Jama, gudoomiya Xarunta Xuquuqal Insaanka, Liibaan Cabdi Xasan oo ka tirsan ururka suxufiyiinta ee SOLJa iyo Werda Mooge oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa arimaha bulshada. Kooxda Difaacayaasha Xuquuqal Insaanka oo ka kooban ururada ka hawl gala ilaalinta xuquuqal insaanka ee Somaliland oo beryahan kulamo is dabo joog ah ku lahaa magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama waxaay u midoobeen in ay si midaysan uga wada shaqeeyaan arimaha xuquuqal insaanka ee la xidhiidha doorashada. Kooxdu waxaay kormeer joogto ah ku sameeyn doonaaan hanaanka uu u socdo ololuhu si loo hubiyo inaan wax xad gudub ha loo gaysan xuquuqda iyo xorriyaadka dadka. Hadaba, wada tashi badan iyo kulamo is dabo joog ah oo aanu la yeelanay dhamaan dhinacyada ay khuseeyso arimaha doorashooyinku oo ay ka mid yihiin xisbiyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah iyo Gudida Qaran ee Doorashooyinku, waxaanu ugu baaqaynaa.  Dhamaan xisbiyada Somaliland inay dhawraan dastuurka, xeerarka dalka, go’aamada Gudida Doorashooyinka iyo Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyada.

In si buuxda loo fuliyo go’aamadii Gudida Doorashadu soo saartay ee la xidhiidhay saacadaha olaha, anshaxa iyo bad qabka shacabka iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo waxyeelo u gaysan kara taageerayaasha asxaabta iyo shacabka kaleba In madaxda xisbiyadu ay ka joojiyaan taageerayaashooda inay waxyeelo ama hagardaamo u gaystaan astaamaha, xafiisyada iyo calaamadaha xisbiyada kale In ay ololaha ka saaraan cunfiga, hadalada iyo wax kasta oo bulshada kala fogayn kara Difaacayaashu waxaay ugu baaqayaan laamaha kala duwan ee dawladda inay si siman oo caddaaladi ku jirto ula dhaqmaan sadexda xisbi; iyo in la fuliyo go’aamadii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, lana dhawro shuruucda dalka oo aan lagu ololayn hantida qaranka Waxaanu ku baaqaynaa in shaqaalaha dawladdu ay ka fogaadaan siyaasadda sida ku cad shuruucda dalka u taal In la fuliyo go’aamada Gudida Anshaxa Doorashooyinka  Waxaanu ugu baaqaynaa laamaha amniga inay hubiyaan in xisbiyadu si madax banaan oo siman u qabsadaan ololaha iyo hawlohooda doorasho oo aan wax caqabad ah la hor dhigin. Waxaanu warbaahinta ka codsanaynaa inay si buuxda u fuliyaan Xeerka Ansaxa Warbaahinta ee xiliga doorashadaee waa in garoonka dib loogu soo noqdo”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here