Digreeto Amar Xambaarsan Oo MAdaxweyne Siilaanyo Ku Ta’kiidiyey Wareegto Hore Uga Soo Baxday Wasaaradda Hawlaha Guud

0
56

“Waxaa Uu  Madaxweynuhu Si Gaar ah Golaha Wasiirrada U Faray Inay  Ilaaliyaan Nidaamka Dawladnimo Astaamihiisa,   Waxaana Ka Mamnuuca In…..”

Madaxweyne_Siilaanyo2013

Hargeysa (Hubaal) – War-saxaafadeed laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo shalay golaha wasiirradu ku yeesheen qasriga Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey awaamiir ta’kiidinaya wareegto hore uga soo baxday wasaaradda hawlaha guud, taasi oo hay’adaha dawliga ah ka dalbatay in baabuurta dawladda aan lagu xidhi Karin taarikada shacabka. Shirkan oo MAdaxweyne Siilanayo guddoominayay ayaa lagu sheegay qoddobada lagaga wadahadlay mid kamid ah oo ku saabsansidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka gaar ahaanna dhawrista hantiga danta guud oo Baabuurta dawladdu kamid tahay. Warsaxaafadeedka laga soo saaray shirkanoo uu ku saxeexnaa ku simaha afhayeenka Madaxtooyada ahna agaasimaha saxaafadda eemadaxtooyada Naasiir Yuusuf Daahir waxa isaga oodhamaystiran uu u dhignaa sidan:

“Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd 10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta guud ahi. Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuuca in lagu xidho nambarka shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada amniga.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here