Diintii waa la beddelay! – W/Q. Faarax Xuseen Maxamed

0
44

Maalmaha toddobaadka waxan ugu jecelahay kuwa aan anigu maamusho, ee aan cid kale wax ii diran. Qorshahayga maanta kuma jirin in aan cid la doodo ama aan su’aalo falsafad

microscopeiyo hawlahaa ku saabsan galo. Waxay ahayd abaara 2dii duhurnimo, waxan ka soo degay tareen kuwa dusha sare mara ah. Markaan debedda u soo baxay ee aan dhaafay geydhkii istaanka, intaan tabaakayo yar oo sharaabka iyo ubaxa lagu iibiyo quraarad biyo ah ka soo iibsaday ayaan hore u soo socday, anigoo deydayaya meel aan fadhiisto, waxan ku soo ku baydhay barxad weyn oo bannaan. Dad aan badnayn ayaa agagaarka mar maraya oo mid waliba si gooni ah naftiisa ula sheekaysanayo. Qaar kalena kaabado hareera ku teedsan ayay fadhiyaan oo waxa ay ku mashquulsanyihiin aaladaha tiknoolajiga ee hore u maray; mid waliba waxa uu is hor hayaa telefoon ballaadhan oo cagta geela le’eg ama ka sii weyn. Kuwo kale dhegahaa waxa ugu jiraan, waxay u muuqdaan dad mashquul ah oo duni kale la haysta. Laftayda waxa ii qorshaysnayd in aan intaan kaabadahaa yar fadhiisto nin aan ballansanayn ku sugo. Haddii uu soo raagona waxan ku tala galay in aan naftayda la sheekaysto. Inkasta oo aan dhowr jeer jeebka gacanta geliyay oo u holladay in aan telefoonakyga la soo baxo, oo farriimo iyo wax yaalo kale yar eeg eego haddana waxan ka doorbiday in aan iska baxo oo fikiro.

Intii aanan fadhiisan ayaa waxa igu soo baxday gabadh madow oo si qurux badan u lebbisan. Markaan wejiga ku dhuftay ayay dhoolla caddeysay sidii oo ay i garanayso. Weligeed ima ay arag se waa xeelad ay rabto in ay igu soo jiidato, waxay ii soo taagtay, buug yar oo joornaal u eg. Aniga oo aan akhriyin ayaan gartay ula jeeddada waxa ku yaal. Waa dhambaallo si qurux badan loo daabacay oo dadka loo qaybiyo si diinta masiixiga loogu soo jiito. Weliba madhabta ay gabadhani ka tirsan tahay oo la yidhaa Johav’s Witnesses. Inbadan ayaan arkay iyaga oo dadka guryaha ku soo garaaca maalinta axad ah. Waa koox diinta masiixiga si casri ah u fidiya oo ka soo aasaasmay arday Baybalka baran jirtay oo reer Maraykan ah. Waxyaabaha ay dadka ku soo jiitaan ama ay rumaysan yihiin waxa ka mid ah; in ay ka soo horjeedaan waxyaabo badan oo maanta dunida ka dhacay; sida; dagaallada, colaadaha, cudurrada iyo aafooyinka kale. Waxa ay rumaysan yihiin in dadka lagu ciqaabayo aafooyinka markay ka eexdeen dariiqii diinta (sida ay iyagu u arkaan).

Waxa kale oo ay rumaysan yihiin “in uu dhici doono dagaalkii kama danbeysta ahaa ee loogu magacdaray “Armegeddon”. Jannadii ilaahayna ay ifka iman doonto, si ay u xalliso mushkiladaha adduunka maanta yaalla oo dhan”

Inta badan waa iska dhaafaa qolyaha xayeysiiyka suuqa la taagan, maanta se wax ii geeyey mooyee waan ka qaaday oo welib su’aalo weydiiyey. Waan gartay in ay qaaraddaan ka imi ay iyana cidhifkeeda galbeed ka timid. In hawshan ay shaqo u tahay iyo in ay hor ilaahay u qabanayso oo ay ajar ka doonay ma kala garan, laakiin waxa ay u muuqatay qof si niyad ah ugu jajaban shaqadeeda.

Waa ay dareentay in aan Muslim ahay, haddana waxa ay isku dayday in ay sheekada si kale u dhigto, waxay tidhi; “sow ma ogid in ay dad badani ka tageen barashadii iyo ku dhaqankii diinta, sow ma aragtid waxa dunida maanta dhiig daadanaya, waxas oo dhan waxa u sabab ah bani’aadamka iyo damiirkooda ku salaysan adduun iyo awood jacaylka”.

Intii aanan diyaarsan jawaab u dhiganta, su’aaleheeda aan jawaabta u baahneyn. Ayaan xusuustay, qiso kale oo maalin dhoweyd nin aan saaxiib nahay ii soo diray oo iyana yaabkeeda lahayd. Waa qiso ku saabsanayd; qolo diintii islaamka beddalay iyaga oo malaha u ekaysiinaya diin kale! (ta masiixiga)

Waxa jirta in dadyow badan oo diimo kala duwan haystaa ay si qurux badan u soo bandhigaan aragtida diintooda. Inkasta oo ay mararka qaar adag tahay in ay tusaale fiican keenaan. Gabadhii si aanan waqti uga beerdarayn waxan u xaqiijiyey in aan anigu ahay muslim; nebi Ciisena (cs) uu ahaa nebi Eebbe soo diray sida nebi Maxamed iyo Nebi Ibraahin (cs). Wax jawaab ah igama ay siin dooddaydii guud marka ahayd, waayo iyada waxa loo tababaray in ay wax gudbiso oo keliya, wixii tafaasiil ahna ay kuu tilmaanto halka laga helayo.

Markii ay iga tagtay ayaan keligay fadhiistay oo fekeray. “sida la ogyahay asalkii hore  diinta Masiixigu waxa ay ahayd diin nadiif ah oo aan saddex iyo laba toona ha la caabudo odhan, hase ahaatee dad qarniyo ka dib yimi, oo aan xitaa iyaga looba soo dejin diintaas ay dooriyeen oo wax ku dareen. Waxan kaloo ka fekeray haddii diinta islaamka si wanaagsan oo miyir qabta loo soo bandhigi lahaa tolow maanta sawirka reer galbeedku ka haysto, wax ma iska beddeli lahaayeen, in diinta islaamka iyo qoriga Ak- 47 ka la walaaleeyey, oo sidaa argagaxa leh loo soo bandhigo, mise muslimiinta ayaa ka mas’uul ah arrinkaa, ee gaaladu sawirka uun bay ku soo celceliyaan!

Waxan kaloo is wey diiyey haddii aan maanta rabo in aan qoom aan muslim ahayn diinta islaamka u soo bandhigo tolow yaan tusaale u soo qaadan lahaa dunida maanta; Ma Afghaanistaan mise Maleesiya?.

Mise sidaa gabadhaa ayaan diyaarsadaa joornaallo iyo buugaag si wanaagsan loogu qeexayo nuxurka diintayda oo muslimiinta dunida oo dhan waa iska illaawaa.

Fikraddan danbe ayaan ku qancay oo waxan goostay in aan diyaarsado agab si wanaagsan u sharraxaya diinta islaamka oo aan sidaa gabadhaa dadka u qaybiyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here