Muranada Deegaanada , Daaqa iyo Biyuhu Waa dhaqano iyo caadooyin Soo Jireen Ah Oo Ka Dhex – dhaci j iray Bulshooyin Isku Deegaan ah . khilaafyadaasina waxaa lagu dhamayn jiray Wada Hadalo, Is-afgarad iyo Dhex-dhexaadin Nidaam Dawladnimo Oo Cadaalada Ku Salaysan
Hadaba Waxaan Maanta Maqaanlkan Kaga Hadli Doonaa Khilaafka Ka Soo Cusboonaaday Deegaanka Baliga Diiriye -Guuleed – , Ee U dhexeeyay Labada Beelood Ee IL-maadeekaa khilaafkaasi oo salka ku haya kadib markii ay Beesha Deegaankaasi iska lihi ay Barkado biyaha ay ku shubtaan ay ka Qodoteen Deegaankaasi Taasi Oo ay Beesha Habar -Jeclo Dagaal adag Kala Hor Timid Degaankaasi Oo aanay Isir iyo Abtoona u lahayn Taasi Oo Umada mar Labaad Xasuusinaysa Dhibaatada Xanuunka Badnayd Ee Ka Dhalatay Baraago Hore ay Baashani Uga Qoday Deegaanka Kalshaale Oo Dhibaatooyin badan laga dhaxlay Dagaaladii Halkaasi Dhacay.
Khilaafkan Deegaan Oo Sida Laga wada dharagsan yahay ay xukuumda dhagaha ka furaysatay Markii hore ayaa ah Khilaaf Ku day ah oo Besha Habar jeclo ay raali kaga wada tahay sidii Meesha Looga Qaadi Lahaa Beesha CABDLE ARAB OO KA SOO JEEDA BEESHA HABAR MAGAADO, Oo Badiba Degan deegaanada iyo Gobalada somaliland , waxaan mar labaad xasuusinayaa Nidaamka Qabaliga ah ee Maanta ku Sifoobay Boobka , dhaca iyo DhulbalaadhSiguba inay Beesha Habar Magaado Aanay U dul qaadanayn Isku Dayga Foosha Xun ee ay wadaan Beesha Habar-jeclo ,sidaa darteed Beesha habar Magaadona Ay Maanta Dhan uga soo wada jeedaan wax kasta Oo Falal Noocan ah Kasoo Fula Beeshaasi.
Shalay bay ahayd Markii Uu sida badheedh ah Uu Wasiir Xirsi Amarka Ku bixyay in la laayo dhalinyaro iyo Haween Ka Mudaharaadayay Boobkii iyo dhicii Loo Gaystay Urur Siyaasadeedkii Xaqasoor Taasi Oo ay Cid waliba ay ka dheragsan tahay sidii Arxanka Darnayd ee loo dhaqmay Bulashadaasi Oo Ka Soo Jeeda Beesha Arab Shekh ISaxaaq, Tan Maantuna waxay ina wada xasuusinaysaa inay mar-labaad Boob ay Wadaan Beesh Habar -jeclo Taasi Oo ay Dabada Ka Riixayaan Wasiiro iyo Siyaasiyiin Ka Soo jeeda Beesha Habar-jeclo .Si ay uga faa’iidaystaam waqtiga yar ee u hadhay sidii caadada u ahayd ha ahaato mid maamul, mid Dhuleed, iyo mid aduunba
waxaanan leeyahay Beelweynta Habar- Magaado Waa In si Deg-Deg ah Loogu Gurmadaa Beeshaasi Sida xaqdarada ah loogu soo Duulay ,Ee aanay Ugu Kala Hadhin Beesha Habar-jeclo Oo saami ahaan u dhiganta Beesha Habar-magaado.
Waxaa muuqata inaanay xukuumadu dhex-dhexaad ka hayn khilaafkan oo maanta gaadhay heer nabad galyada deegaankaasi ay faraha ka bixi gaadhay , sababta Oo ah waxad ka dareemaysaa Koox wasiiro ah oo ay xukuumadu u dirtay Deegaankaasi oo ku dhawaaqay inay khilaafkaa soo af- jareen , waxaana aynu halkaa ka wada dareemaynaa inuu mashruucaasi markii horeba uu ahaa mid siyaasadaysan sababta oo ah wasiirada loo diray may ahayn shaqadoodii , Oo waxay ahayd Shaqadii Golaha Guurtida Ee ay umada U hayeen, Taasi oo aanay ilaa maanta ka hadal Golaha Guurtidu .
Bulshadu waa inay ka wada feejignaadaan Dagaalada siyaasadaysan ee ay wadaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada madaxweyne siilaanyo ku waasi oo doonaya inay dalka Khilaafyo iyo dagaalo sokeeye ay ka Ridaan si ay mar-marsiyo ugu helaan inay doorashada dalka ee fooda inagu soo haysaa ay dib u dhacdo.
Doorashaadaa oo sida muuqata aanay diyaar u hayn xukuumada siilaanyo sababta Oo ah iyaga oo ka wada dharagsan inay ku fashilmeen hagidii iyo hoogaamintii dalka Ee lagu aaminay tusaale ahaa, iyaga oo Hir galiyay QABYAALADA , BOOB, XATOOYO XOOLO UMADEED IYO QARAABO KIISHNIMO .
Waxaa Taa ka siidaran in ay xukuumadu wali xadhig ugu dartay mid ka mid ahaa Besha Cabdle arab oo dhaawaca ahaa oo yaalay cusbitaalka guud Burco.
Waxaa la arki jiray Madaxweyne Beeshiisa Culaayska saara marka ay dhibaato cid dhex marto ee waligii inamuu soo marin madaxweyne Beelaha kale U adeegsada Awood Maamul Tusaale ahaan , Kalshaale iyo dhulbahante wixii ku dhacay , maanta Baliga Diiriye -Guuleed
Mudane madaxweyne waxaan marlabaad ku xasuusinayaa inay beesh Cabdale Arab ay Ka Mid Tahay Beel weynta Habar Magaado , Wixii halkaa ka dhaca ay Masuul ka yihiin Adiga iyo Beesha aad ka soo jeedo. Oo aanu dagaalku ku eekaan doonin Baliga Diiye – Guuleed Ee aad Qaxoonti sidaadii ka Noqon Dawladaha Jaarka
Wa bilaahi Tawfiiq
Maxfuud009@hotmail.com
Tell 063 4425453
Hargeisa