Diiwaan Koobaya Sooyaalkii Dublamaasiyadeed Ee Danjire QEYBE Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
173

“Dadka Waan Ka Quustee Dunida Show Ragbaa Nool,  Maxaa Diricyo soo kacay”

AKHRI: Boobe Yuusuf Ducaale Oo Tifaftirey Buugga “DANJIRE QEYBE IYO CAALAMKA”

Hargeysa (Hubaal)-Buug uu qoray alle haw naxariistee guddoomiyihii hore ee golaha wakiillada Somaliland Danjire Axmed Maxamed Aadan [Qaybe]  ayaa lagu soo bandhigay   magaalada Hargeysa.  qaybeMunaasibadan lagu soo bandhigayey  buuggan oo lagu qabtay Hotel Laalays ee magaalada Hargeysa  waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha debada Somaliland, guddoomiyaha golaha wakiillada,  Boobe Yuusuf Ducaale, Ciise Maxamed Aadan oo ay walaalo ahaayeen Danjire Qaybe, Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada iyo marti sharaf kale.  Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale(Boobe)  oo tifaf-tir ku sameeyey buugan oo munaasibadan ka hadlay ayaa ka warramay taariikhda Marxuum Danjire Qaybe iyo  sooyaalka taariikheed ee uu ku lahaa saaxadda siyaasadda iyo dublamaasiyadda, waxaanu yidhi “ Joogista aan halkan caawa joogaa waxay markhaati u tahay  dhumucda iyo dib u heshiisiinta dalka ka dhacday intay le’eg tahay, halkan waxaynu ku xusaynaa  Danjire Axmed Maxamede Aadan loo yaqaanay  Qaybe kaas oo 25 sanadood danjire ahaa, waxa uu dhashay 1930, markii ugu horaysay waxaan ku arkay magaalada Moscow isaga oo safiir ah, arag kalana waxa ii xigay intii uu halkan  [Somaliland] joogay, maalin ayuu ii soo diray Email dagaalkii qaboobaa markii uu socday, gantaalihii kuuba la dhigay qoraal ka hadlaya ayuu igu yidhi Afsoomaali iigu soo turjun, waxaanu ku qori jiray wargayska Geeska Afrika, waan u turjumay dabadeedna waan u diray waxaanan ugu qoray bayd uu lahaa nin Dheeg la yidhaa  oo ku jiray Deelley  kaas oo ahaa “Dadka Waan Ka Quustee Dunida Show Ragbaa Nool,  Maxaa Diricyo soo kacay”. Aniga oo uga jeeday inaanay ila ahayn in dad noocaas wax u qoraaba aanay dalka joogin sidaas ayaanu isku baranay Qaybe dabadeedna markii uu dhawr qoraal qoray ayaan ku idhi miyaad buugba ka dhigtid.” Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dabadeed waxaan nasiib u helay in 8-dii bilood ee ugu danbeeyey  noloshiisa inaan maalin walba 10:30 gurigiisa la joogo, sidaas ayuuna Qaybe ku bilaabay xusuustiisa 25 sanadood,  January 1961 ayaa loo magacaabay safiir, 1985 ayuu xilkaas dhigay oo uu noqday xoghayihii guud ee wasaarada arimaha dibada, 1990 wasiirka arrimaha dibada ayuu noqday, xogogaal ayuu ahaa wax badana wuu ogaa, wax badan oo uu iiga sheekeeyey buuga kumuu qorin aniguna cidna ugama sheekeeyo”.  Gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay taariikhda Marxuun Qaybe waxaanu yidhi “Alle haw naxariisto Axmed Maxamed Aadan Qaybe  aniga xusuus gaar ah ayuu ii leeyahay taariikh badana waanu soo wada marnay, waxa uu ii noqday xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibada waxaanan la shaqaynayey mudo sadex sano ah markii danbana wasiir ayuu ii noqday, waxaanan markii danbe ka badalay xilka gudoomiye-nimada golaha wakiilada.” Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Ciise Maxamed Aadan oo ay walaalo ahaayeen Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe kaas oo ka sheekeeyey kaalinta uu kaga jiray qoyskooda, waxaanu guud ahaan u mahad celiyey dadkii ka soo shaqeeyey inuu buugaani soo baxo.   Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo gaba gabadii munaasibadan ka hadlay ayaa ka waramay taariikhda ay wadaagaan alle haw naxariistee Danjire Axmed Maxamed Aadan Qaybe.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here