Waa Buug Jawaab U Ah Ballanqaadyadii Cagaarnaa Ee KULMIYE Ku Galay Ololihii Doorashadii Madaxweynaha Ee 2010
Hargeysa (Hubaal)-Munaasibad ballaadhan oo lagu soo bandhigayey Buug cusub oo ka hadlaya wax qabadkii madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo Xukuumaddiisa oo la magac baxay Rejadii Rumawday oo ay qortay Ubax Siciid Cabdi oo ah Gabadh dhalinyaro ah oo ka mi ah Aqoonyahanka Iyo Suxufiyiinta Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay Huteel Green Plaza ee Magaaladda Hargeysa.
Bandhigga Buugan Rejadii Rumawday, ayaa waxa ka qayb galay, Hogaanka Xisbiga Talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Xildhibaanno, Madaxdhaqameed, Aqoonyahan, dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo tiro badan
Qoraaga Buugan qortay Ubax Siciid oo faah faahin ka bixisay Buugan iyo qaabka ay u soo diyaarisay, ayaa waxa ay sheegtay in uu buuggani jawaab u noqonayo buuggii cagaarnaa ee xisbiga kulmiye ololahii doorashooyinka ku galay, isla markaana ay maqaallo kagala qayb qaateen ku dhawaad 15 qof reer Somaliland ah, kuwaas oo isgu jira, Aqoonyahanno, Abwaanno, Suxufiyiin iyo dad kale.
Ubax Siciid Cabdi oo ka halaysa Buuggan ay qortay ee Rejadii Rumawday waxa ay tidhi “Rejadii Rumaway 2010-markii doorashada la galay ee ololihii la soo galay ee uu madaxweyne axmed Siillaanyo gadhwadeenka ka ahaa ee ay keeneen Buuggii Cagaarnaa ee Barnaamijkooda, ayaan akhristay buugaas oo qodobadii ku qornaa waxaan is lahaa malaha afrika kama dhici karto in la fuliyo qodobada buuggaas ku qornaa, waxaanay ahayd rajo aan anigu markaas qabay oo rejadii way rumawday, waxaan arkay rajadii oo rumawday oo la qabtay, waxaan arkay derejadii ciidamada oo lagu taxay, waxaan arkay waxbarashadii oo bilaash laga dhigay, waxaan arkay oo aan buugga ku qoray waddada ceerigaabo oo markii la dhagax dhigay ayaa intaan ooyey ayaan qoray oo habeenkaas ayaan calaamad saday, waxaan arkay Madaarkii Caasimadda Hargeysa oo ah halka ay indhuhu ku dhacayaan oo quruxdiisa la yaabo, waxaan arkay lacagtii Giimbaarta ahayd oo bariga laga bedelay, waxaan arkay dhismeyaashii oo la sameeyey, waxaan u mahad naqayaa oo aanuu buuggani la’aantood soo bexeen laba qof oo kala ah, waa Xildhibaan Ruush Carraale iyo Cabdirisaaq Xasan Jibriil” ayey Tidhi Qoraa Ubax Siciid Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Dibudejinta Somaliland Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu bogaadiyey Buugan Rejadii Rumawday ee ay qortay Ubax Siciid Cabdi, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Markaan Akhriyey Buuggan waxa uu ka hadlayaa wax tegay oo laga daba tegayo, aanuu ahayn wax soo socda oo la sugayo, balse uu yahay wax la ballan qaaday oo la fuliyey, taas oo ah Buuggii Cagaar-naa ee Xisbiga Kulmiye ballan qaadkiisii ahaa, waan u mahad naqayaa qoraaga Buuggan Ubax Siciid Cabdi” ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, Wasiiru Dawlaha Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Xildhibaanno, Madaxdhaqameed, Aqoonyahan iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyey Buugan la magac baxat Rejadii Rumawday iyo Qoraaga Buugan Ubax Siciid Cabdi, waxaanay si isku mid ah uga wada markhaati keceen in buuggani yahay mid ka turjimaya xaqiiqaa dhabta ah ee fulinta ballan qaadyadii Madaxweyne Axmed Siillaanyo Ololaha ku galay wakhtigii Doorashada oo la fuliyey.
Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ahna Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxa uu ku dheeraaday taariikhda mugga iyo miisaanka leh ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siillaanyo, waxaanuu yidhi “Waxaan isku tirinayaa in aan ahay cidda ka agdhow Madaxweyne Axmed Siillaanyo, waxaan ka mid ahaa dadkii la shaqaynayey mar xalado adag iyo marxalado fiican-ba, waxaan isku tirinayaa in aan ahayd ninkii ugu muranka badnaa ee doodaan Xisbiyada qaranka” ayaa ka mid ahaa hadalladii uu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi madasha ka jeediyey, waxaanuu sidoo kale sheegay in Buugani yahay mid lagu soo bandhigay wax dhab ah oo la fuliyey, isla markaana uu ku bogaadiyey qoraagga buugan soo bandhigtay Ubax Siciid Cabdi.
Ugu Dambayntii Abwaan Suxufi Cali Mahdi Jibriil Xasan Sheekh, ayaa halkaasi ku soo bandhigay Gabay ay u bogeen dadkii madasha fadhiyey oo uu kaga hadlayo wax qabaka Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo intii uu xilka Somaliland hayey, kuwaas oo uu Abwaanku qodob qodob u dul istaagay kuna caddeeyey gabaygiisan, waxaana Gabaygan oo ah farriin uu Madaxweynaha u diray tuduc ka mid ah oo aanu ka soo qaadanay u dhignaa sidan:-
Haldoorakaad Qaranka U Dirtaa Deeqay Qarankii Dheh
Dariiqyadii Xidhnaan Jiray Muddaba Daaha Laga Qaad Dheh
Madaaradii Dullaysnaa Haddaa Lagu Dekeeyaa Dheh
Dekeddii Berbera Iyo Haddaan Dubur Ku Faanaa Dheh
Dable Iyo Sarkaal Iyo Wixii Ciidamo Dulloobay Adaa Derejadii Iyo U Sudhay Xidig Dirayskii Dheh
Hadeeray Sidii Dawlad Qaran Kala Dambeeyaan Dheh
Dambiilaha Hadeeray Dhigaan Jeelal Iyo Dayr Dheh
Darafyada Xuduudaha Hadeeray Nacab U Diidaan Dheh
Hadeeray Badaha Daadsan Iyo Badaha Gaadhaan Dhex”