Hargaysa-(Hubaal)- Magaalada hargaysa ee caasimadda Somaliland waxa habeen hore lagu soo bandhigay buug laga qoray taariikhda madaxweynaayshii u kala danbeeyay Somaliland,aqoonyahano iyo ganacsato kala duwan buugan ayaa koobsanayay taariikhda iyo halgankii nololeed ee 17 kamida haldoorka Somaliland , xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu daah-furay buugani waxaana xafladaasi kasoo qayb galay, salaadiin,cuqaal,dhalinyaro iyo 15 kamida 17 haldoor ee buugani lagu xusay.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe)oo madasha hadalka furay ayaa si weyn ugu hambalyeeyay una bogaadiyay qoraaga buuga isagoo sido kalana dhalinyaradda ugu baaqay inay ku dadalaan wax akhriska iyo qoraalka.
Guddomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, Prof:Cali Khaliif Galaydh,Dr.Adna Aadan Ismaaciil,iyo Wasiir Sacad Cali shire oo iyana dhankooda hadalo kooban xafladaasi ka jeediyay ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay wax-akhriska iyo qoraalku,iyagoo qoraagana ku hambalyeeyay sida uu ugu soo dhabar adaygay hawsha tan.
Qoraaga Buuga Cabdijibaar Aadan Cabdi (Cabdijibaar Qarni) oo isna hadal kooban ka jeediyay xafaladda daah furka buuga halyeeyadii hantay himiladooda ayaa si weyn u faah-faahiyay macnaha guud ee buuga isagoo is dul taagay in baahi weyn loo qabo in la barto taariikhda iyo halgankii kala duwanaa ee haldoorka Somaliland waxaanu yidhi”Haldoorka Somaliland maaha inta aan buugan ku qoray oo kaliya,way ka badan yihiin waxaanse intan usoo qaatay waa inta safka hore ku jirta,waxa jirta haldoor badan oo aanan xusin sida Cali Khaliif Galaydh waxaanan balan qaadayaa inaan kusoo daro buugaagta tanbe ee aan soo saari doono inshalaaah”ayuu yidhi qoraaga buugu.