Dil-dillaaca WADDANI Oo Wadne-gariir Ku Riday Hoggaanka Xisbiga,Rayte Oo Is-casilay Iyo Cirro Oo Dibno Jiitamaya Kaga Dareen Celiyey

0
58

“Waa laga yaabaa in dad badani isweydiinayaan sababta aan xisbiga WADDANI uga tegay, laakiin sababaha aan go’aanka u qaatay waa kuwo……….” Xildhibaan Rayte.

“Rayte haddii uu xisbigan kusoo noqonayo diyaar baanu u nahay mar labaad, waana ku ixtiraamaynaa ra’yigiisa,…”Gudd. Cirro

cirro & reyte

Hargeysa:(Hubaal)-Muranka, is-fahan waaga iyo is-maandhaafka ka dhex taagan saraakiisha ugu sarraysa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa meel sare maraysa, waxana iscasilaadiisa shaaca ka qaaday Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo kamid ahaa saraakiisha xisbigaas hormoodka u ahaa, iyada oo guddoomiye Cirro-na si taxadar leh uga hadlay dareenka uu ka qabo is-casilaadda xildhibaanka.

Ugu Horrayn Xildhibaan Rayte oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu in badan afkiisa ka haystay ka hadalka shakiga laga muujinayey kasii mid ahaanshihiisa xisbiga WADDANI, balse uu haatan go’aansaday inuu shaaciyo go’aanka uu xisbigaas kaga baxayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Saxaafaddu beryahanba way I hadal haysay oo meelo badan baa wax lagu qorayey, laakiin anigu maanta ka hor meel aan ka hadlay may jirin, waxana aan go’aansaday inaan ka baxo xisbigii WADDANI ee aan kamidka ahaan jirey.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay asbaabta ku kalliftay inuu xisbiga WADDANI iskaga tago, isaga oo taageerayaashiisiina baaq u diray, “Waa laga yaabaa in dad badani isweydiinayaan sababta aan xisbiga uga tegay, laakiin sababaha aan go’aanka u qaatay waa kuwo shakhsi ah oo iigaar ah aniga, mana aha wax aan waqtigan la joogo aan cid la wadaagayo, laakiin waxa aan umadda reer Somaliland, saaxiibadaydii aanu xisbiga ku wada jirney iyo taageerayaashaydiiba ogaysiinayaa inaan maanta laga bilaabo xisbigii WADDANI ka baxay,” ayuu yidhi xildhibaan Rayte.

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali Rayte waxa uu xusay inuu xaq u leeyahay go’aanka uu WADDANI kaga baxay, waxana uu yidhi, “Waan ka xumahay asxaabtaas aanu maan-wadaagta ahayn ee aanu hawsha soo wada wadnay aan ka baydho, laakiin qof waliba mar buu noloshiisa go’aamo gaadhaa, ama xisbi ha galo ama mid kale haka baxee noloshiisa mar buu wax ka beddelaa, anigana maanta taasay iga taagan tahay, waxana aan jecelahay in ciddii ka xumi iga raalli ahaato, ciddii ku faraxsanina haku faraxdo.”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo isagu waxyar kadib markii uu xildhibaan Rayte istiqaaladiisa shaaciyey warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu u madax bannaan yahay ra’yigiisa, waxase uu caddeeyey qiimaha iyo miisaankii uu xisbiga ku lahaa iyo halgankii ay soo wada galeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xildhibaan Ibraahim waa nin qiimo leh oo aanu Baarlamaanka ku wada jirney muddo 10-sano ka badan, xisbigana aanu ku wada jirney, muddadaasna hawlo badan aanu soo wada qabanay, waana nin aqoonyahan ah oo fikradiisa u madax bannaan weeye, markii horena axsaab kale ayuu ka tirsanaan jirey oo ikhtiyaarkiisa ayuu ku yimi, imikana xor buu u yahay inuu xisbigii uu doono uu galo.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay xildhibaan Rayte soo dhaweeyaan haddiiba uu go’aansado inuu xisbiga dib ugu soo noqdo, “Rayte haddii uu xisbigan kusoo noqonayo diyaar baanu u nahay mar labaad, waana ku ixtiraamaynaa ra’yigiisa,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Dildillaaca ku habsaday xisbiga WADDANI, ayaa dhulgariir ku riday hoggaanka sare ee xisbiga, waxana soo baxaya warar sheegaya inay jiraan saraakiil kale oo dhawaan iscasilaadooda muujin doona, kuwaas oo uu kamid yahay xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo aan in muddo ah lagu arkin fagaarayaasha xisbiga WADDANI isugu yimaaddo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here