Maraykanku wax ay wadaanba u gu dambayn gantaal bay la heleen hoggaamiyihii al-Shabaab Axmed Aw Cabdi Godane. Sida ay sheegeen hawshaa muddo dheer ayay soo wadeen oo awoodo badan isu gu geeyeen. Dadyow badan oo shisheeye iyo soomaaliba leh ayuu warkaasi taabtay oo siyaalo ka la duwan u dhadhansaday. Dareenno is ku mulaaqan oo diin, dadnimo iyo danba leh ayay dhacdadu abuurtay. Nin soomaaliyeed oo quwad shisheeye dhulkiisa ku dishay, Sheekh muslin ah oo gaalo dishay, argagixiso caalami ah oo dunida la ga qabtay, macangag waalan oo Ilaahay ina dhaafiyay, halgamaa weyn oo taariikhda galay, intaas oo dareen iyo in kaleba dhimashada ninkani waa ay dhalisay. Quwadihii ay is hayeen gudo iyo debedba aad ayay u nefiseen. Hambalyo iyo bogaadin baa la is wada dhaafsanayaa. Gantaalkii la gu dhuftayna dayaankiisu dhegaha taariikhda ayuu ka sii yeedhayaa.
Waa run oo ninkaa waxaa la ga soo maray gumaad iyo argagixin, waana run oo dad badan oo aan dembi lahayn buu laayay. Waa run oo fikirkiisu ma ahayn mid dunida la noolaan kara, waana run oo sida uu wax u waday soomaalida dan u ma ahayn. Laba masalo ayaa se door ah in dhimashadiisa ka dib la is wayddiiyo, ama la is xuuusiyo. Axmed Cabdi Godane iyo dadka la midka ah asalkaba maxaa nacabnimada intaa la’eg geliyay? Dilka Godane Geeska Afrika ma ka dhammayn doonaa dagaalka xagjirka, amaba xitaa ma ka yarayn doonaa?
Sida la wada og yahay dagaalka al-Shabaab iyo fikirka Godane ka ma bilaaban ku mana koobna Geeska Afrika waa se qaddiyad caalami ah. Waa kacdoon aad u baaxad weyn oo ka dhashay kuna taxan loollanka aydoolojiyadeed ee dunida. Xagjirnimadan iyo firfircoonida caynkan ahi, fikir ha ku ekaato ama fal ha u gudubtee, waa dadaal ay dad muslin ahi ku doonayaan in ay Dunida Islaamka ka ga difaacaan quwadaha kale. Waa xeerka nolosha iyo wax dabiici ah goor walba in ay soo baxdo karti diiddan islaweynida iyo dullaysiga. Markaa haddii la is diidsiiyo iyo haddii kaleba, loollanka caynkan ahi wuu jirayaa inta aadamigu jiro. Maalinta cid qudha damaceedu socdo ee wax ka hor yimaaddo la waayo mooyi sida ay dunidu noqon doonto.
Sababta labaad ee fikirka al-Shabaab iyo ka la midka ahi muslinka u gu dhex faafay waa foolxumada iyo dulmiga bulsheed ee ka jira Dunida Islaamka. Ta soomaalida oo qudha haddii aynnu eegno, afartankii sannadood ee tegay sida ay ahayd nolosha siyaasadeed, caddaaladeed, nabadgelyo iyo dhaqaale, iyo sidii ay dadnimada soomaalidu u duntay, wax la fili waayo ma aha al-Shabaab oo kale in ay soo baxaan.
Kol haddii ay dunidu sidaa tahay, al-Shabaabna halkaa ku abtirsato, waa nacasnimo in la moodo fikirkani in uu la dhimanayo dhimashada Axmed Godane. Kol haddii noloshii ifku cadaab noqotay, waa la garan karaa kumannaan dhallinyaro ahi in ay naftooda ku halligaan dagaal ay ku doonayaan shahiidnimo iyo janno aakhiro. Inta dhulka soomaalida la gu saxariirayo, inta boqollaal kun xeryo qaxooti ku silcayaan, inta dhallinyaradu mustaqbalka quus ka joogto, inta siyaasadda soomaalidu tahay dulmi iyo budhcadnimo, inta ay quwadaha waaweyni faragelin taban ku hayaan bulshooyinka itaalka daran, ha ka yaabin in xagjirnimada iyo dagaalkeedu joogsado. Ha ka yaabin nin ciil qabaa in uu dagaallami waayo. Haddii la doonayo dhaqankani in uu baabba’o waa in dal iyo duniba la helaa caddaalad, sinnaan iyo nolol la eexaysto.
Email: Ibraahinhawd@hotmail.com