“Distoorka Meelna Kagama Qorna Haddii Lagaa Tiro Bato Dambiilaad Tahay Waraaqdaasna Waxan U Arkaa Mid Waad Na Khilaaftay Uun Ah”

0
30

Xildhibaan Guurti Ah Oo Indho La’aan Ku Tilmaamay Dacwad Anshax Marin Ah Guddoomiyaha Goluhu Ku Ka Gudbiyey

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) oo kamid ah Golaha Guurtida, ayaa ka fal celiyey Waraaq anshax marin ah oo uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ku amray inay Guddida Joogtada ahi Waajibkooda kaga gutaan, kadib markii lagu eedeeyey inuu jabiyey xeerarka Golaha. Xildhibaan Obsiiye oo saxaafadda la Hadlay, ayaa sheegay inaan waxba ka jirin eedaha lagu eedeeyey ee anshax-marinta loogu diray, waxana uu ku adkaystay inuu ku tallaabsaday waxyaabo uu xaq u leeyahay oo distoorku siiyey,“Dacwadda Guddoomiye Saleebaan iga Gudbiyey waxa uu cuskaday Qoddobka 83—aad ee distoorka, Distoorkiina waanigan gacanta ku haya, waxana aan u arkaa inuu arrinkaasi gef yahay oo aanan ku xad-gudbin qodobka 83-aad iyo midkale toona, marka horena xildhibaan baan ahay, distoorkuna waxa uu xaq ii siinayaa inaan ra’yigayga Gudbin karo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Gacan. Xildhibaanku waxa ka horyimi Muddo-kordhinta Guurtidu samaysay oo ah halka haatan arrintiisu salka ku hayso, waxana uu sheegay inaanay jirinba wax duruuf ah oo Goluhu muddo-kordhin ku samayn karo xilligan la joogo, waxana uu yidhi, “qodobka la yidhi waad ku xad-gudubtay laftiisa haddii aan soo qaato waxa uu leeyahay haddii Doorashada madaxweynah iyo ku-xigeenku dhici weydo arrin nabadgelyo oo baahsan aawadeed arrinta waxa xaq u leh inay eegaan oo qiyaasaan wakhtiga lagaga baxayo arrimo nabadgelyo la’aantaas Golaha Guurtida, Maantana wax nabadgelyo la’aan oo jirta mid baahsan iyo mid koban midna ma jiro.”

xildhibaan-obsiiyeAxmed Muuse Obsiiye waxa uu sheegay inuu taageeray Go’aankii Saddexda Xisbi iyo Xukuumaddu isku raaceen maadaama uu u arko arrin nabadda iyo degenaanshaha waddanka taageeraysa, “Maanta Waxa dhacay Heshiis oo saddexda xisbi iyo xukuumadda ayaa heshiis ay wadaagaan samaystay annaguna Maslaxaddaanu u qaabilsanahay. Waliba anigu Guddoomiyaha Arrimaha Nabadgelyadaan ahay, markaa Haddii Nabadgelyo lagu heshiiyo inaanu annagu ka hor nimaadno nabadgelyadii oo khilaafno oo noqono kuwa iyagu wax abuurayo waajib ma ah, in ray’igaygii la igu dacweeyo waxan u arkaa indho la’aan.” Ayuu yidhi xildhibaaan obsiiyo, waxana uu intaas ku daray, “Distoorka qaranka meelna kagama qorna Haddii lagaa tiro bato Marka Codka la qaado Haddaad kasoo horjeedsato Dambiilaad tahay adeer meelna kagama qorna.waraaqdaasna waxan u arkaa mid sharcidarro ah oo waad na khilaaftay uun ah.” Xildhibaanku waxa uu ka Hadlay waxa sharcigu ka sheeay dembi uu kursigiisa ku waayi karo, kaas oo aanu haatan ku kicin, waxana uu yidhi,“waxan dembi ku geli karaa marka anigoo dembi saddex sanadood u dhigma anigoo gacanta kula jira iyadoo la igu qabto, taas uun baanan xilka ku waayi karaa, waxa aan taageerayna waa waa nabadgelyadii ay Dawladda iyo Saddexda Xisbiba ku heshiiyeen.” Hadalka Xildhibaan Gacan, ayaa ka dambeeyey markii uu maalintii shalay Guddoomiye Saleebaan Soo Saaray Waraaq anshax marin ah oo uu u gudbiyey Guddi Hoosaadka Golaha ee Arrimahaas ku shaqada leh, taas oo laba xildhibaan uu magacyadooda ku gudbiyey, kuwaas oo uu sheegay inay xeerarka iyo anshaxa Golaha ku xad-gudbeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here