Hargeysa(Hubaal) Guddoomiyayaasha Labada Aqal ee sharci dajinta Somaliland Wakiiladda iyo Guurtidda ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo usoo qoray Codsi uu kaga dalbanayo kulan wadajir ah oo lagaga hadlayo arrimaha Amniga Dalka, sida uu midkood sheegay.
Hase yeeshee warar xog-ogaal ah oo soo baxaya ayaa ujeedada kulanka ku sheegaya mid la xidhiidha Ansixinta mashruuca ay Xukuumadda Somaliland Saldhig Milatari kula galayso Madaarka Berbera in ay kaga kirayso Dalka Imaaraadka.
Ilo wareed rasmi ah oo Isha soo mariyey qoraalka Madaxweyne Axmed Siilaanyo u kala diray shirguddoonada Labada Aqal ee sharci dajinta ayaa sheegaya in uu u soo cuskaday qoddobka 46aad , faqradiisa 2aad oo sheegayso cida awooda u leh in ay isugu yeedho Golaha Wakiiladda oo kali ah.Qoddobka 42aad, faqradiisa 2aad-na waxay sheegaysaa in Golaha Wakiiladda la isugu yeedhi karo:-
- Codsi Madaxweyne.
- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda.
- Sadex meeloodow meel (3/1) xubnaha Golaha Wakiiladda oo Qoraal ku soo codsada.
Hadaba; marka ay sidaasa tahay Doodaha ka soo baxaya Codisga Madaxweynaha ee ka soo baxaya Xildhibaanada Labada Aqal ayaa Iftiiminaya in Codsiga Madaxweynuhu aanu khusayn Golaha Guurtidda, Maadaama Qoddobka Madaxweynuhu cuskaday aanu Golahaasi ku waajibinayn in uu fadhi wadajir ah kala qayb galo Wakiiladda.
Illaa hada labada Gole Xildhibaanadooda iyo shirguddoonkoodu toona si cad ugamay hadal waxa ay ka yeelayaan Codsiga Madaxweynaha, hasae yeeshee waxa jira Guux hoose oo lagu falanqaynayo codsiga Madaxweynuhiu sharciyan in uu waafaqsan yahay Dastuurka iyo Ujeedadiisa rasmiga ah ba.