Madaxweyne Biixi oo ka hadlay tabashada mucaaradka iyo khilaafka doorashooyinka
“Diyaar baan u ahay inaan walaalladay qanciyo faq iyo fagaareba wixii ay rabaan ee aynu kala gar qaadanno. Doorashadii Madaxweynaha waqtigeedii ha la qabto ayey yidhaahdeen, taasna cidna ma diidanee Guddidii Doorashooyinka ee shaqadaa lahayd oo dhexdooda dhib ka timi degdeg baan u soo magacaabay, laakiin saddex xubnood ayuu Baarlamaanku reebay, cidda diidayna waxay wada ahaayeen xildhibaannada xisbiyada mucaaridka ah.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo fagaare ka hadlay maanta.