Hargaysa-(Hubaal) waxaa xalay saqbadhkii soo cago dhigatay Gagida Diyaaradaha ee Cigaal International Airport Diyaarad Xamuul sida oo nooceedu yahay AN 24, taas oo u rarnayd muwaadiniin reer Somaliland ah.
Waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe, Iyo Agaasiamaha Guud ee Wasaarada Duulista Cumar C/laahi Aadan, hadal kooban oo ay saxaafada ku siiyeen goobtaas ayaa waxa ay baaq ugu direen Diyaaradaha Adeegsada Madaarka Hargaysa iyo kuwa aan Adeegsanba, in ay ku soo dhiiradaan sidii ay u isticimaali lahaayen Habenkii Madaarka.
Agaasimaha Guud ee Duulista Cumar Zayid oo ugu horayn faahfaahin ka bixiyey qaabka ay u degtay Diyaaradu ayaa yidhi:-“ Caawa(xalay) oo ay Taariikhdu tahay 25.08.2016 Saacadu-na ay tahay 3:50 AM, waxaa Gagida Diyaaradaha ee Hargaysa ka soo degtay Diyaarad AN-24 oo ka soo kacday Dalka Itoobiya ee gaar ahaan Caasimada Dalkaas Adis ababa, oo Dad Muwaadiniin Reer Somaliland ah Allaab u siday Diyaaradaas si Nabad ah ayey u soo fadhiisatay, Halkan waxaa ku sugan Wasiirkii cusubaa ee Wasaarada Duulista Farxaan Aadan iyo Agaasime Siciid Mahdi Ileeye, Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf iyo Hawlwadeenadii Madaarka, dhamaan waxaanu ku faraxsanahay, In Madaarka Cigaal International Airport uu diyaar u yahay in Habeen iyo Maalinba la Adeegsan karo, oo Duulimaadyadu ka kicikaraan.”
Wasiirka Duulista oo fariin dhiiri galin ah u diraaya Diyaaradaha ayaa yidhi:-“Runtii farxad weyn ayey noo tahay iyo qiimo weyn, in ay caawa(xalay) suuro gasho horrena Adeega suuro galinaaya in Diyaaraduhu habeenkii ku dagaan Madaarka loo suuro galiiyey, Cawana tijaabo fiican ayay u tahay, anaga oo ku dhiiri galinayna Diyaaradaha, kuwa nala shaqeeya iyo kuwa kaleba, in aanu sii tayeyn doono, in ay habeenkii shaqadu ay suuro gasho, oo caawaba aad arkaysaan sida agaasimuhu sheegay Diyaarada Saacadaa soo degtay, sidaa Agaasimuhu sheegay, waxa kale oo muhiim noo ah oo aan u mahad celinayaa, Madaxda iyo Saraakiisha kala duwan ee Wasaarada, min Agaasime Guud ilaa waaxyaha, ilaa Maamulaha Madaarka, ilaa shaqaalaha u hooseeya, ee Saacadaas heegan u ah in ay suurto galiyaan, in Diyaaradaasi agabkaas ay keentay loo fudeediyo Muwaadiniintii lahayad.”