Diyaarada JUBBA Airways Oo Rakaab Ay Hargeysa Ka Qaadi Lahayd Maanta Uga Tagtay Qaadista Madaxweynaha Soomaaliya

0
147

Hargeysa (Hubaal) Diyaarada jubba Airways ayaa rakaab ay Hargeysa ka qaadi lahayd Maanta u baajisay safarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo maanta u duulayay dalka Sucuudiga si uu uga qayb galo aaska boqorkii dalka Sucuudiga ee geeriyooday.

Diyaaradan oo asal ahaanteeda laga leeyahay dalka Soomaaliya islamar ahaantaana ka mid ah diyaaradaha ka adeega dalka Somaliland ayaa waxa booking-ka ugu go’naa ilaa Kontomeeyo rakaab reer Somaliland ah kuwaas oo qorshuhu ahaa in maanta ay diyaaradu kala duusho magaaladda Hargeysa.

jubbaDad ka mid ahaa rakaabka ku qornaa duulimaadka diyaarada Jubba ee maanta isaga tagtay gebi ahaanba rakiibkii ay Hargeysa ka qaadi lahayd ayaa noo sheegay inay diyaaradu mar qudha ay ka tagtay rakaabkii waxaana ay magaaladda Muqdisho ka qaaday madaxweynaha Soomaaliya.

jubba airSifaha ay diyaarada Jubba Airways kaga tagtay rakaabkii u booking-garaysnaa ayaa ah mid sharciga iyo qaanuunka baal marsan Waxaanay meel ka dhac ku tahay karaamadii iyo ixtiraamkii muwaadiniinta Somaliland oo dhanka kalena ahaa macmiisha diyaaradaas ee danaha kala duwan lahaa islamarkaana ay diyaarada Jubba ka door biday muwaadiniintan ay lacagahoodii qaadatay qaadista madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Wasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland  ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan ay diyaaradda Jubba airways kula kacday muwaadiniinta Somaliland ee ay cidlada kaga tagtay

Hubaal Media

M.M.C

Hargeysa Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here