China(Hubaal):- Labo Diyaaradood oo Shiinaha laga leeyahay oo noocoodu yihiin Su-30, ayaa Millateriga Maraykanku sheegay inay carqaladayn ay Xirfad-darro ka muuqato u geysteen Diyaarad uu Maraykanku leeyahay.
Diyaaradda Maraykanka laga leeyahay oo nooceedu yahay WS-135, ayaa ku guda-jirtay hawlgal ay ku ururinaysay macluumaad ku saabsan wasakhawga Hawada, iyada oo maraysay Hawada Caalamiga ah ee ka korraysa Badda Bariga Shiinaha.
Mid ka mid ah Diyaaradaha Ciidammada Cirka ee Shiinaha, ayaa 45 Mtir u jirsatay Diyaaradda Maraykanka, sida Saraakiil Maraykan ah ay ka soo xigatay Warbaahinta CNN, sida ay Galabta baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-du.
“Si aan Xirfadaysnayn ayey Bayloodyada labada Diyaaradood ee Shiinu leeyahay u carqaladeeyeen Diyaaradda Xog-ururinta ee Maraykanka..” sidaa ayaa laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Ciidammada Cirka ee Maraykanka.
Diyaaradaha Shiinaha, ayaa u muuqday kuwo ka shakiyey dhaqdhaqaaqyada diyaaraddaas, waxaanay tallaabadaasi la xidhiidhaa Shakiga ay dawladda China ka qabto dhaqdhaqaaqyada uu Maraykanku ka wado Biyaha caalamiga ah ee Macdantu ka buuxdo, kaas oo horseeday dareen soo kala dhexgalay labadaas waddan.
Haweenay Afhayeen u ah Ciidammada Cirka ee Maraykanka oo lagu magacaabo Lori Hodge, ayaa sheegtay inay arrintan kala hadleen Shiinaha, iyaga oo u sii mariyay habab munaasib ah oo ka mid yihiin kuwo Dublamaasiyadeed iyo kuwo Millateriba. Balse, weli Dawladda Shiinuhu kamay hadal arrintan.
Dawladda Shiinaha, ayaa sidoo kale ka soo horjeedda, dhaqdhaqaaqyada Maraykanku ka wado Gacanka Kuuriya ee uu ku taageerayo Koonfurta Kuuriya, isla markaana kaga soo horjeedo Waqooiga Kuuriya, Hanjabaado culus oo ka dhashay Tijaabooyinka Gantaalo ay Kuuriyada Waqooyi dhawrkii bilood ee u dambeeyey tijaabisay, ayaa dhex-maray Masuuliyiinta Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, taas oo uu Shiinu dhexdhexaadin ka galay, balse aan labada dhinac midna si rasmi ah ugu hoggaansamin, ayaa haddana Shiinuhu sheegay haddii uu Maraykanku dagaal ka bilaabo Gacankaas in uu si toos ah ula safan doono Kuuriyada Waqooyi.