Hilaaddii 2002 ayaa xisbul xaakimka Kulmiye lagaga dhawaaqay carriga Ingiriiska, ku dhawaaqistaa ka dib, xisbigu waxa uu soo maray maraaxil kala duwan, taas oo la jaad ahayd marba xilliga iyo goorta la marayey.
Kulmiye waxa ka mid noqday hal-doorkii ummadda, taas oo xisbiga u suuragalisay in uu guusha uu maanta ku fadhiyo hantiyo, waxa ka mid ahaa dadka ugu mudan xisbiga Kulmiye guddoomiyaha xilligan ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi. Muuse kaliya muu ahayn xubin ka tirsan kulmiye, se waxa uu ahaa mishiinka ugu wayn ee xisbigu ku socdo marka laga tago Madaxweyne Siilanyo, taa waxa uu u noqday in Madaxweynaha iyo guddoomiyuhu ahaayeen rag asxaab ah oo muddo dheer dhib iyo dheef ba jaal ku ahaa. Waxa ay isku ahaayeen qof iyo gacantiisa midig, marka loo eego saaxiibtinimadooda walaaltinimo ee ka dhaxaysay, waa ta keensatay Muuse in uu garab iyo gaashaan u noqdo. Halgankii Kulmiye waxa uu dhalay guusha xisbiga ee xilligan uu ku faanayo. Kulmiye waa ka dharagsanaa waxa xisbigii Udub baabiiyey, taas oo ahayd markii awooddii xisbigu ku soo ururtay xukuumadda, cidhib xumadii ay keensatay na waa midda maanta la wada ogyahay. aragtidii Udub kabta u rogtay ayaa rag suxufiyiin ah maanta ugu calaacalayaan waxa uu Kulmiye ugu dhici waayey dabinkaa.
Somalilandtoday, waa warsidaha ku hadla inta badan afka Wasiirka Madaxtooyada, ayaa waayadan dambe warkiisii ku soo ururay dad wada jira sidii loo kala durkin lahaa, kuwa ay rabaan in dhexdooda dab laga shidaa waa Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga.
5/08/2010 ayey ahayd xilligii Muuse Biixi xilka guddoomiyenimo uu kala wareegay madaxweynaha, waxa ay ku timid na waa heshiis hoosaad sheegaya haddii guddoomiyaha xisibiga oo ahaa Axmed Maxamed Siilanyo ku guulaysto madaxtinimda dalka in uu ku-xigeenkiisu xilka guddoomiyanimo ku wareegayo, waxana xilkaa hayey Muuse Biixi.
Is wayddiintu waxa ay tahay Kulmiye ma ku faa’iday in xukuumadda iyo xisbiga la kala reebo? aragtiyo badan ayaa jira, se waxa aan qabaa in uu xisbigu ku faa’iday kala saarka labada awoodood. Guddoomiyaha xisbigu waxa uu ku hadhay guri dhowr qol ka kooban, calanka xisbigu sudhan yahay, kuraas iyo miisas aad mooddo kuwii dugsiyada lagu dhigan jiray xilliyo hore yaalliin, wax inta u dheer oo magaca xisbiga ahayn lama wareegin.
Iyada oo sidaa tahay oo raggii xisbiga la soo waday lana soo kifaaxay intoodii badnayd xukuumadda ku biiray kana mid noqday, ayaa uu haddana dhexda u xidhay in xisbiga lagu ilaaliyo xisbinimadiisa isaga oo wax loo reebay oo dhaqaalle ahi jirin, waana ta illaa maanta uu ku ilaashanyahay ee xisibinimo uu ku jiro, ma raacin waana waxa uu kaga duwannaaday xisbigii ugu da’da waynaa xisbiyada qaranka ee Udub.
Kulmiye wali waxa uu isku haystaa xisbinimo, isaga oo nidaamkiisii iyo kala dambayntisii taagantahay, hoggaanka uu u hayo Muuse Biixi oo howl kale aan gacmaha la galin.
Madaxweyne Siilanyo markii uu ahaa guddoomiyaha ma ay jirin wax la isku jiito, waayo wax meesha dhexyaallay oo la isku qabsan karayey ma ay jirin, hayaan ayaa lagu socday iyo sidii dalka hoggaankiisa gacanta loogu dhigi lahaa, taas oo loo arkayey in xisbigu wax badan oo bulshada baahiyaheeda ah horumar xisbigu ka samayn doono. wax la isku jiito iyo wax la isku qabqabsado ama lagu sii ficiltamo ma ay jirin, wallow khilaaftyo jiri jireen, haddana isku tanaasul iyo in odeyga kursiga madaxtinimada lagu hubsado ayaa rag badan oo Muuse kow ka yahay ka go’nayd.
Haddii Muuse Biixi lagu reebay xisbiga, miyuu hoggaamin kari waayey waa sida uu u dhigayo Somalilandtoday e’ qoraalkii ugu dambeeyey ee ciwaankiisu ahaa Duruufaha hoggaamineed ee Kulmiye, Dedaalkii xukuumadda iyo dareenkii shacabka?
Muuse ma hoggaamin kari waayen, xisbiga xisbi nimo ayuu iskugu hayaa, wali na waa u heellanyahay in xisbigu guushiisa sii xejisto, se warriyaha warka noocaa ah qoray ee qoraalkiisa ku sheegay in Muuse tahli waayey xibiga in uu hoggaamiyo, waxa uuna ogsoonayn in xisbiga ay carqalad ku ahaayeen qaybo ka mid ah xukuumadda oo uu isaga laftiisu u shaqeeyo, kuwaas oo lacag iyo xilal la soo dhex galay gaadiriinta xisbiga, waa kuwa bilaabay in xisbiga ay burburiyaan, iyaga oo khilaafyo abuuraya, ujeeddada ay ka leeyihiinna daarantahay xisbigaa sidii saaxadda looga saari lahaa. Muuse waxa uu intaa ku waday dhabar adayg iyo deganaansho, duruuf kasta oo la soo daristay waxa uu ahaa mid u dhabar adayga oo dulqaad kaga gudba carqaladihii joogtada ahaa ee koox xukuumadda ahi ku wadday, kuwaas oo walina sii wada wallow ay tamar darreeyeen. Kuwaa warriyuhu dhabarka saarayo, marna umay suuragalin in xisbiga sida ay rabeen noqdo , waxa uu kaga bedbaaday hoggaaminta degan ee guddoomiyaha.
Hadduu Muuse yahay nin guddoon jilicsan, xisbugu heerkaa ma soo gaadheen, isna wali xisbiga isku muu wadeen, se khibrad, aqoon iyo deganaansho ayuu ku waday.
Waa kuwa dacaayaadka iyo been abuurka sameeyey, iyaga oo hadh iyo habeen la taagnaa in gudoomiyuhu mucaarid ku yahay madaxweynaha. kuwa waxaa risiq ka dhigtay ma oga Siilanyo iyo Muuse sida ay siyaasaddoodu iskugu lammaantahay, in uu Muuse goor wal ba iyo goob wal ba uu gaashaan u yahay madaxweynaha. waa hubaal in badan oo dhallinyar ah oo xilliyo kuwa wax kala dila ee imikana sii birixbirix lihi shidayeen in uu isagu ahaa ka cagta u dhigayey, iyaguna rabeen in meesha lagu kala yaaco.
Muuse ma ahayn nin ganacsato iyo beel hoosta ka galay, se kuwo dabshiddo ah, una xadhko xidhnaa sidii Madaxweyne Siilanyo iyo guddoomiye Muuse u kala dhiman lahaayeen ayaa jeclaa in taasi dhacdo oo Muuse Xisbiga isaga huleello. khibrad la’aan siyaasadeed oo haysay ayey la xisaab xumoobeen, waxa ay moodeen iyaga oo siyaasaddoodu la dhallatay xukuumadda shanta sanno jirtay in si dhib yar u kala kaxayn karaan labada odey ee 40ka sanno saaxiibka soo ahaa. Muuse waa gartay sidii u u dhisi lahaa Siilanyo, waa ku guulaystay, walina gacan ayuu u yahay, waana ta ay ka xunyihiin kuwa afka Somalilandtoday ku hadla. sooyaalka Kulmiye in ay moogyihiin ayaa ka muuqata, shirkii gollaha dhexe ee Burco ka dhacay, khilaafkii iyo dudmadii ka dhalatay shirkaa, Muuse waxa uu ahaa ka gacantiisa ku kala badbaadiyey sidii uuna shirkaasi u fashilmi lahayn.
kooxdan maanta hadlaysa, ee wali sii xiiqsani, hadalkoogu kama duwana Sayid Maxamed kii marka uu jabay marmarsiiyada sii dhiibayey ee lahaa:
Cirkiiyo Dhulkiibaa Isqabsaday cadha-dhacdoodiiye
Coomaadi duullayey Cadan Ka keeneene
Adiguba Caqlaad Leedahee carar maxaa dhaama
Niman filimkoodii la fahmay oo imika si fiican ay ugu gudhay ayaa cagaha sii meermeerinaya, waana kooxdii marka hore ba ka ganacsanasay khilaafka Kulmiye, ee abuurasay kala tagga iyo sawir xumaynta Madaxweyne Siilanyo Iyo guddoomiye Muuse. Shacabkii kulmiye wada jirka ugu coddeeyey way ogyhiin in docwareenka xisbugu ka imanayo dad aan xisbiga u soo dhididin
Kulmiye iyo Xukuumaddu uma baahna kala irdhayn iyo isku diris, samayn warar been ah iyo borobogaando, Kulmiye waxa uu ka shaqaynayaa sidii wadajirka iyo midnimada looga shaqayn lahaa, kooxda waxan ku kacdana, waxa aan qabaa in Kulmiye wali gacan u fidinayo, ah in la ilaalliyo wadajirka xukuumadda iyo Xisbiga, in aan meel aan khilaaf iyo isku diris iman karin wax laga dayo, in qaranka loo shaqeeyo oo qof waliba shaqadiisa ku koobnaado.
W/Q: Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen
Hargeysa