Donald Trump Oo Qirtay WArbixin Ay CIA-du Ku Shaacisay In Ruushka Qeyb Ka haa Guushii Madaxweynimo ee Uu Helay

0
37

Donald Trump Oo Qirtay Farogelin Ay CIA-du Ku eedaysay In Ruushka Lug Ku Lahaa Doorashadii Uu Guusha Ku Helay

Washington(Hubaal/ANN) Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay warbixin ay soo saartay hayadaha sirdoonka Maraykanka ee CIA oo sheegaysa in Ruushka uu u dhacay doorashadii guushu ku raacday ee madaxweynenimada dalka Maraykanka.
Sidaana waxa sheegay Reince Priebus, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Trump.

“Waxaan u malaynayaa inuu aqbalay, waxa lagu helay warbixinta ” ayuu madaxa shaqaala madaxtooyada ee xilka la wareegaysa, Reince Priebus, u sheegay Fox News.

Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha inay ka danbaysay in la jabsado emailada xisbiga Dimoqoraadiga si wax loogu dhimo Hillary Clinton oo la tartamaysay Trump.

Afhayeenka Aqalka Ruushka ee Kremlin Dmitry Peskov, ayaa sheegay maanta in eedeymaha noocaas ah ee la doonayo in dad lagu raadsado aanay lahayn wax cadayn ah.

Madaxweynaha la doortay ee Trump ayaa loo soo bandhigay waxyaabaha lagu helay warbixinta madaxda sirdoonka Jimcihii.

“Ma diidana in dad Ruush ah ay ka danbeeyeen ololahan gaarka ah,” ayuu sheegay Mr Priebus Axadii.

Laakiin muu cadayn in Mr rump uu aamisan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, uu si toos ah u amray jabsiga kombutarada iyo in kale sida lagu sheegay warbixinta aan la cadayn. the report (an unclassified version).

Kadib markii uu la kulmay Agaasimaha sirdoonka Maraykanka, CIA, John Brennan iyo Agaasimaha FBI James Comey, Mr Trump ayaa kulanka ku tilmaamay mid si fiican u dhacay.

Hadal uu soo saaray Trump ayuu ku sheegay in 90 maalmood gudaheed markuu xafiiska la wareego uu waydiisan doono qorshe ah sida lagu joojin karo weerarka kombutarada ee dhanka Ruushka kaga yimi dalkiisa.

reince-priebus

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here