Qalinkii: Cabdinaasir Axmed Abraham
Tani waa mid ka mid ah arrimaha aan iskaga daayay in tegista xafladaha, qof baa soo hor istaagaya dad tiro ahaan aan ka yarayn (400) oo ruux, markaas ayuu wuxuu afkiisa ku soo dhaca ba odhanayaa, sidii oo dadku Robots ama Aadame-u-ekeyaal yihiin, oo aanay fikirin, waxna iska weydiinayn wuxuu odhanayo.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa munaasibadda noo furay, si wanaagsan buu u hadlay, haddii laga tagi waayana wuxuu tibaaxay in adeegsiga lacagta Zaadku ay hurumar weyn tahay oo aanay saamayn ku lahayn qiime-bararka.
Abwaaan Baarleex baa ku xigay oo ku hadlayay afka abwaanno door ah oo madasha ka soo qayb galay, wuxu na si cad u yidhi; “ Haddii aan Waddani la dooran qiime-barar ka bixi mayno, sidoo kale wuxuu yidhi ammaanteeda ku dheeraaday Shirkadda Telesom.
Aqoon yahan Maxamed Nuur Fadal, ayaa isna ahaa qofkii saddexaad ee goobta ka hadla, wuxuu si wanaagsan u sharxay waayaha dhaqaale ee Somaliland, ku-dhawaad 15 goor ayuu adeegsaday xisaabta boqolley aanu meel na saarin xigashadeeda, marka aad dad waxbartay la hadlaysana, ogow in ay rabaan, waxa aad sheegayso meel laga tixraaci karaa in ay jiraan si laguula soo hubiyo runnimada jiritaankooda. Waxa aanay cilmi-baadheyaashu is-weydiiyaa; Ayo? Sabab? Goorma? Halkee? Sidee ? Fadal wuxuu hadlayay 10 mirir iyo 14 ilbidhiqsi, mana sheegin halka uu ka soo xigtay xogta uu innala wadaagay. Wuxu isaga laftiisu tibaaxay in Zaadku yahay waxa aan saamayn ku lahayn qiime-bararka. Halkaa aniga waxa iiga baxay in Munaasibadda ay Shirkadda Telesom soo agaasintay.
Telesom waa shirkad aan cid gaari lahayn, saamileyda shirkaddana cidkasta way ku jirtaa, xataa, ehelkayga ayaa ku jira, waxa aan rumaysnaa in ay ka mid tahay shirkaddu meelaha faro-ku-tiriska ah ee aqoontu sida rasmiga ah uga shaqayso. Hasa yeeshee, maalmahan dambe waxa aan arkaa, mar ay dumar soo agaasinto, mar ay cuqaal iyo Sulaadiin soo agaasinto, mar ay abwaanno dhabarta taabato.
Shirkadda Telesom haddii lagu xad-gudbo, ehelkeedu waa RUGTA GANACSIGA SOMALILAND. Xafiiskaa ayaa u hadlaya xaqeedana u soo dhicinaya, hasa yeeshee, haddii qabaa’il iyo haween iyo carruur ay u hadlaan, way gabnoobaysaa oo way gumoobaysaa.