DOOD FURAN:-Fikirkaaga Ka Dhiibo Asbaabaha Ay Xukuumadda Siiraanyo U Hagratay Fanaaniinta Dalka Iyo Sida Ay Ugu Sacabo-tumayso Fanaaniinta Qurbaha iyo Kuwa Kale ee Dalalka Jaarka Ah ka Soo Boqoolla

0
81

 

DOOD FURAN:-Fikirkaaga Ka Dhiibo Asbaabaha Ay Xukuumadda Siiraanyo U Hagratay Fanaaniinta Dalka Iyo Sida Ay Ugu Sacabo-tumayso Fanaaniinta Qurbaha iyo Kuwa Kale ee Dalalka Jaarka Ah ka Soo Boqoolla

Si aanu u soo daabacno Fikirkaaga fadlan ku soo dir qoraalka fikirkaaga Emailka Ciwaankiisu yahay Email: Hubaal100@hotmail.com, hubaalmedia@hotmail.com,

 

Hargaysa (Hubaal):-Waxa beryahan danbe si weyn u soo if-baxaya dhalliilo baaxad leh oo ku saabsan sida ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mudnaanta u siiso Fanaaniinta ka soo boqoolla Dalalka Somaliland la jaarka ah iyo kuwa Qurbaha shishe ka yimaada, iyadoo ay ahayd in Mudnaanta koowaad la siiyo Fanaaniinta Qaranka Somaliland ku dhaato ee goor walba hareero taagan, isla markaana halabuura Suugaanta aan mar-naba duugaabayn ee Waddaniyada ka hadlaaya.

Waxaad in badan aragtaan amaba maqashaan Koox Fanaaniin ah oo Qurbaha ka yimi amaba dalalka jaarka ayaa lagu Marti-qaaday Madaxtooyada halaq mareenka ee cid welba lagu soo dhaweeyo, iyadoo ay joogaan kuwo ka mudan oo Qaranka Somaliland uga tacab iyo lexo-jeclo badan, waxaanad moodaa in dayacii ay markii hore qabeen Fanaaniinta Qaranka Somaliland loogu daray niyad-jab ay Xukuumaddu Masuul ka tahay.

 

 

13270.jpg

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale, Waxa Muddooyinkan danbe laga arkaayay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aan u kala hadhin u sacab tumista fanaaniinta ka soo baqoola qaar ka mid ah dalalka ay Somaliland Jaarka yihiin, iyo kuwa ka yimaada qurbaha, kuwaas oo ay u sameeyaan Casuumado is-daba joog ah oo ay ku dhiiri-gelinayaan iyo weliba bandhig fanneedyo ay lacag adagi ka soo gasho iyadoo ay ahayd inay Mudnaanta koowaad siiyaan Fanaaniinta qaranka oo ay ugu mudan yihiin Fanaaniinta dalka oo ay ugu horeeyaan kooxda caanka ah ee Xiddigaha Geeska. iyada oo bandhig fanneedkii u danbeeyay ee noocaas ahi oo ay sida xoogga leh u soo abaabushay Xukuumaddu uu caawa ka socdo Hotel GUULEED, ee Magaalada Hargeysa, madashaas oo ay goob-joog ka yihiin tiradii ugu badnayd ee ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Siilaanyo oo ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta oo Waaxdii dhaqanka ee Wasaaradiisa uu la wareegay Telefishanka Horn Cable TV. Bandhig fanneedkan oo lagu soo marti qaaday sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo arrimahan u dhuun daloola oo lagu kalsoonaan karo in madashan si rasmi ah ay xukuumaddu ugu soo marti qaaday kooxda fannaniinta hiddaha iyo dhaqanka ee dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Haddaba, Akriste fikirkaaga ka soo dhiibo sida aad u aragto in Xukuumadda Somaliland mudnaanta siiso  Fanaaniinta ka soo boqaalla dalalka Qurbaha iyo Dalalka aynu jaarka nahay, iyadoo ay Caasimadda Hargaysa joogaan Fanaaniin tayadooda iyo wax-soorkoodaba  ay Soomaalidu guud ahaan-ba la dhacsan tahay, kuwaasoo ay ugu horeeyaan Kooxda caan-baxday ee Xiddigaha Geeska

Si aanu u soo daabacno Fikirkaaga fadlan ku soo dir qoraalka fikirkaaga Emailka Ciwaankiisu yahay Email: Hubaal100@hotmail.com, hubaalmedia@hotmail.com,

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here