Berigii duurka la galay ee laga dagaalamay heeryadii dhiig miiratadii uu hogaaminaayey Ina Siyaad Bare, maxaa loo dhiidhiyey? Su’aasha jawaabteeda gadaal ayaan ka ogaan doonaaye ama waad ogtihiine, ilaa hada dad badan oo jooga Somaliland ayaa aamisan in xaqu dirirku u halgamay sidii umadooda ay uga qaadi lahaayeen heeryada cadawgu saartay ee dulmiga iyo cadaalad darada ahaa.
Somaliland dawladaa Ina Siyaad Bare waxay ku lahayd dadkii ugu mudnaa xaga aqoonta, iyadoo mar kasta la door biday jiray in shaqaalaha ugu sareeya Hargeysa iyo nawaaxigeeda laga qaato, waxay ahayd fikir dheeri ay reer koonfurkii dalwada ku jirtay intooda badan ay dheeraayeen umada Somaliland.
Dadka aqoontoodu xiligaa halkaa taagnayd miyey garan waayeen inay la shaqaystaan dawladda? Jawaabteedu waa maya, laakin waxay arkeen oo ay aqoontoodu tustay cadaaladd darro iyo dulmigii reer koonfureedka inay ka hortagaan oo ay naftooda u huraan.
Wada maqasheen inay rag u caydhoobeen oo ay Itoobiya qamadiidii iyo boorashkii marti uga noqdeen, qaar kalena ku leedeen noloshii adkayd ee duurka. Ilaahay mahdii laakin maanta taas bedelkeeda reer Somaliland way wada dareemayaan oo waxay haystaan dawladd, nabad, horumar, dhaqaale iyo hogaamiye daacad ah.
Madaxweynaha Somaliland hadii uu doonaayo inuu Somaliland jiritaankeeda baabiyo saacad kumay qaadateen, sababtoo ah wuxuu markii uu damiirkiisu u diiday xadgudubka lagu hayo umadiisa ahaa wasiir awood badan ku leh rajiimkii Siyaad Bare.
Ka soo gudub, dhisitaanka dawladdnimo ee Somaliland kaalinta uu ka soo qaatay Dr Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) way muuqataa, maalintii uu 80-ka cod kaga dhaqaaqay doorashadii lagaga guulaystay ee xiligii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayuu Somaliland meel daran ka tuuri lahaa.
Madaxweyne Siilaanyo xiligaas wuxuu taageero iyo taakulo ka helaayey shacabka reer Somaliland oo hiil iyo hooba la garab taagnaa, maanta oo uu maxweyne yahay ma kula tahay inay gees kale u kici doonaan? Daranyo iyo dhib ayey la soo mareen, isna abaalkoodii waakaa maanta u celiyey ee ay nimcada Rabbi siiyey ku wada naaloonaya.
Maanta hadii ay doorasho dhacdo iyo hadii ay dhici weydo anigu waxaan qabaa in aan Siilaanyo looga baqayn Somaliland, waxaanu samayn doonaa is bedel muuqda xiliga la gaadho dhamaadka mudo xileedkiisa, waayo hore ayaa loo yidhi gobtu isma qariso, hore ayuu isku muujiyey kuna kasbaday quluubta reer Somaliland.
Qallinkii:- Weli Cabsiiye