Nairobi (Hubaal) Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar. Waxayna gudiga doorashooyinka Kenya doonayaan in wax laga badalo howlaha doorashada.Doorashada Kenya ayaa awal loo qorsheeyey in la qabto 17-ka Octobar. Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa maxkamada saree e dalka ku eedeeyey inay inqilaabeen dadka reer Kenya. Maxkamada sare ee Kenya ayaa waxba kama jirraan ka soo qaaday oo laallay natiijooyinkii doorashadii horray u dhacday. Korjoogayaasha caalamiga ah ayaa muujinaya cabsi laga qabo xiisadaha siyaasadeed ee haatan jirra. Sanadii 2007-dii ayaa rabshadihii dhacay doorashada ka dib waxaa lagu dilat 1200 oo qof. Madaxweyne Uhuru ayaa yiri ‘ Waxaa dalkan inqilaab ka sameeyey afar qof oo maxkamada sare jooga ‘. Gudiga doorashooyinka ayaa natiijooyinka doorashadii hore ku sheegay in Uhuru Kenyata uu hellay boqolkiiba 54. Halka Raila Odingana la sheegay inuu hellay boqolkiiba 44. Xaalka hadda taagan ayaa la saadaalinayaa hadaysan siyaasiyiintu xakamayn taageerayaashooda inay xiisadu soo ballaaran doonto