Doorashaddii ka dhacday wadanka Nofembar 13dii , 2017 waxay lahayd muuqaal aan sina looga duwi Karin kuwa caalamiga ah ee dunida talaabsatay ku dhaadato, doorasho xor iyo xalaala ah (free and fair election.) Ma dhabaa sidaasi? Jawaabta su’aashaasi waa waayo badan! Marka laga eego komisionkii aynu igmanay iyo awooda xuquuqeed ee ay lahaayeen haa waa mid u dhacday si xor iyo xalaal ah. Wareegtadii madaxwaynuhu waxay joojisay in aan lagu hawl gelin hantida qaranka iyo weliba shaqaalaha dawladda. Iyadoo warbaahinta qarankana ay mucaaridku si xoogan uga hawl galeen, isla markaana aanay jirin cid laga laga horjoogsaday in ay warqadda codka ku rido sanduuqa.
Si aynu u saafno su’aasheena iswaydiintu waxay tahay ma cid baa laga horjoogsaday in ay codayso, waa maya. Sidee baynu markaa su’aal u gelin karaa xor iyo xalaalnimadda doorashadda! Aadamiga fahamkiisa garashadda ayay ka timaadaa tilmaanta ama jawaabta uu bixiyaa, taasna wuxuu u gar-gaarsadaa aaladaha Illaahay inoogu deeqay ee loo yaqaan shanta dareeme. Bal waxaad ka soo qaadaa in muraayad lagaaga soo cawaray meel 20m kuu jirta, ma ku doodii kartaa in falaadhihii qoraxdu xiligaas kaa qariyeen in aad si qumaati ah wax u aragto? Waa hubanti. Ma u arki kartaa in cidda ku cawartay kugu xad gudubtay? Oo haddaase! Xiligaas haddii laba qof oo aad eegaysay wax isu gaystaan markhaatina maxkamadda horteeda lagu soo taago, ma kala furdaamin lahayd; mise waxaad odhon lahayd, mid habaar qabe ah ayaa muraayad igu cawarayay? Dee haa! Sidaas waxaa la mida maqalka oo haddii agtaada bawdaan laga tumo aanad maqasheen wixii lagu yidhi ama cid kale is tidhi.
Aynu taas ku xidhiidhino halbeegga lagu codeeyay. Maxaa ka soo baxaya haddii dadkii codeeyay la waydiisto in ay is dabataagan qof waliba murashaxii uu u codeeyay. Markhaati ma doontadu waa in taageeraddu ku dhisnayd qabiil. Xiligii ololaha waynu arkaynay in maalinba dadku xaafad ka soo sunsumayay. Aragtidu waxay ahayd in taageeruhu la qoys yahay murashaxa ama ninkale oo madax ah oo la socda. Tiro aad u yar baa jirtay kuwaas oo la shawray maankooda dabadeedna go’aan saday in ay murashax codka siiyaan. Halkaa waxaa ka muuqda in qofku aanu madax banaanayn oo maankiisa la daba fadhiyay, dan guudna aan laga talin. Waxay inoo sheegaysaa in laga gudbay dareemayaashii uu qofku miciinsan lahaa lagana dheereeyay, si toos ah ayaa loola wareegay maankiisii waxaana lagu shubtay warkii loo baahnaa. Miyaanay arinkaasi inoo muujinayn in aanu qofku xor ahayn xiligii cod bixinta.
Xiligii doorashaddii degaanka ayaan la hawl galay koox ka mid ah goob joogayaashii caalamiga ahaa, habeenkii labaad doorashadda ka dib ayaanu fadhiisanay hudheelka City Plaza, nin ka mid ah madaxdii goobjoogayaasha ayaan ku idhi, xiliagan naguma haboona dimuqraadiyaddu, wuxuu ku jawaabay oo lixdankii ayaaba is dooranayseen, waxaan ugu warceliyay haa Siyaad Barre ayaa sameeyay –big interruption. Haweenay Ingiriis ah oo goobta joogtay ayaa qosol dheer la dhacday.
Waxaan uga socdaa Dimuqraadiyaddu ma waxay u baahan tahay in bulshadda loo diyaariyo misee waa ku rid codkaaga. Dimuqraadiyaddu waa geed hadhwayn oo ku baxa ciida Reer Galbeedka, kaasi wuxuu ahaa cinwaankii maqaal aan qoray muddo haatan laga joogo 20 –sano.
La socxo
Waxaa qoray: Yousuf Goodir Maxamed