Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Ay Doorashooyinku U Leeyihiin Masiirka Somaliland Iyo Arrinta Axmed Cismaan Geelle
“Waxaad Moodaa Arrintan In Muran Dheer La Gelinayo Oo La Jaho-Wareerinayo, Hantida Axmed Cismaan Ma Istaahisho In La Reereeyo Ama La Siyaasadeeyo, Laakiin In Garnaqsi Iyo Dacwad Wax Lagu Kala Helo Ayey Ku Habboon Tahay”
***********************************************************************************************
“Cabdiqaadir Jirde Aniga Guddoomiyahaygii Buu Ahaa Golaha Wakiillada, Ragga Aanu Aadka Iskugu Wanaagsaneyn Ayuu Ahaa, Nin Waayeel Ah Oo Qaranimada Somaliland Wax badan Ka Soo Dhisay Buu Ahaa”
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaciyey in Somaliland ay isbeddellada ka socda Mandaqada Geeska Afrika ay kula jaanqaadi karto siday u qabato doorashada Baarlamaanka ee muddo dhaaftay. Waxaanu xisbiga WADDANI u soo jeediyey inay waantoobaan tallaabooyinka ay kaga cago-jiidaan sidii doorashadu ugu qabsoomi laheyd wakhtigii loo cayimay oo ah bisha December ee Sannadkan.
Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kaloo uu ka hadlay deynta Baanka Faransiiska ah ee BCIMR u sheeganayo Ganacsadaha reer Somaliland ee Axmed Cismaan Geelle. Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo ugu horreyn ka hadleyey ahmiyadda ay doorashooyinku u leeyihiin Somaliland wuxuu yidhi; “Maanta waxa hadalkeedu taagan yahay doorasho ayaa la galayaa, wakhti baynu qabanay, Muddo ayaa la kordhiyey waana nidaam dheer oo ah ka Adduunka iyo Afrika innagu majeerato. Talo soo jeedintii ay bixiyeen Weftigii EU-dana way ka dheregsan yihiin dadweynuhu. Ballan ayeynu Weftigaas saddexda xisbi oo wada joogaa u qaadeen. Wali ilaa hadda xisbigii WADDANI talo uu ku middaysan yahay oo uu wax ku soo jeediyey maynu arag.
Doorashadii madaxtooyadu way dhacday oo muran kama taagna oo nin baa madaxweyne ah oo ummaddana u taliya. Doorashadii Golaha Wakiillada ayaa maanta inoo taagane’e ragga gelayaana Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal maahee waa ummad weynta reer Somaliland ciddii ka soo bixi laheyd ee sharci dejinta inoo noqon lahaa, waa 82kii Xildhibaan ee Golaha Wakiillada rag baa doonaya in la doorto oo ay soo baxaan. Qoladii hore kollay muddo ayey joogeen ninkii doonaya inuu soo noqdaa waa halkiisee intooda badani way iska daaleen. Waxaan leeyahay raggaasina doorashada ha galaane yeynaan ka horjoogsanin.”
“Muddadaas la muddeeyey haddii aynu doorashada qabsan wayno kolay wax uun baa innagaga dhacaya. Weftigii inoo yimid ee doorashada qabta yidhi haddii aynu qaban weyno qawad baa imanaya. Waxa loo baahan yahay inaynu dhammaystirno arrimaha doorashooyinka inta inoo hadhsan. Wakhtigu siduu doono ha inoogu yaraadee wixii aynu u dhaqaaqno (Somaliland) waynu qaban jirnay, qarbo-qarbooyinka ayeynu ugu roonaan jirnay, muddadu muddo kooban maahee waa muddo ay doorasho ku dhici karto. Waxaynu isku diidan nahay waa wax aanay sakaaro ka biirsan, hal wax diidani geed ay ku xoqato ma weydo ayaa la yidhi. Diidmo cad ayaanu u aragnaaye arrintu intan way ka fog tahay, waxaan leeyahay ha laga daayo hagardaamada qarankan. Waynu arkaynaa isbeddelada gobolka ka dhacaya, waxaan leeyahay aan la jaanqaadno oo doorasho aynu qabano ayeynu kula jaanqaadi karnaaye aynu doorashada qabano,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse Diiriye.
Wasiirka Warfaafinta oo si gaar ah ula hadlayey Guddoomiyaha Ku-meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Jirde, waxaanu yidhi; “Cabdiqaadir Jirde aniga Guddoomiyahaygii buu ahaa Golaha Wakiillada ragga aanu aadka iskugu wanaagsaneyn ayuu ahaa, nin waayeel ah oo qaranimada Somaliland wax ka soo dhisay buu ahaa, Guddidii dastuurkan imika ayeynu ku naaloonayno Xoghayn u ahaa oo halbowle u ahaa ayuu ahaa. Waxaan leeyahay Cabdiqaadirow wixii aad dalkan u soo qabatay waa laguu hayaa ee bi’waaye yaanay bahashu meel kale innaga gelin lexjecladii aad ka qabi jirtay dalku maantana way taallaa. Waan ogahay marar badan oo aad hadashay hiilka aad u geysatay Qaranimadda intii imika aynu ka soo baxnay doorashada sidaad ugu hiilisay qarankan maantana tii ayaa lagaa filayaa. Waxaan leeyahay waar aan arrinta halkaas ka soo celinno.”
Wasiirka Warfaafintu waxa kaloo uu ka hadlay Arrinta Axmed Cismaan Geelle, waxaanu yidhi; “Waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo arrinta maalmahan muranka dhalisay ee cid waliba ka hadashay ee ah hantida muwaadinka Axmed Cismaan Geelle oo uu ugu dambeeyey dadkii ka hadlay Cabdiqaadir Jirde, arrintaas iyada ah anigu ma jecli in muwaadinka reer Somaliland ee hantida badan halkan ku leh in wixiisa muran la geliyo aan kala saarnana muranka u dhexeeya isaga iyo dawladda Jabuuti iyo ka u dhexeeya isaga (Axmed) iyo Baanka BCIMR. Jabuuti waa dal uu deganaa oo uu muwaadin ka ahaa, ama ka yahay, Baanka BCI qaybtiisa Jabuuti iyo xafiis madaxeedkiisa Paris labaduba qoraal ayey soo gudbiyeen ay deyn ku sheeganayaan way dacweeyeen haddii ay tahay xafiiska Jabuuti iyo Paris soo rideen xukun. Xukunnadoodii dawladda Somaliland waxay tidhi nama khuseeyaan waa muwaadin reer Somaliland ah (Axmed Cismaan) Maxkamad Somaliland ka dhacda oo xukun kaga rida uun baa na khuseeya. Waxaanu ku nidhi baankaas haddii aad deyn u haysataan iska ilooba waxa kaloo Somaliland maxkamad ka furta oo Qareenkiina ka qabsada wixii ka soo baxa ayaad leedihiin, nidaamkii ayey mareen oo waa la iska arkay haddii ay Xukuumadda tahay iyo haddii ay Axmed Cismaan tahayba, waa inuu halkaas isna iska difaaco oo Looyarkiisa qabsado.”
“Waxaad moodaa arrintan in muran dheer la gelinayo oo la jaho-wareerinayo oo la siyaasaddeynayo oo la reerayno. Hantida Axmed Cismaan ma istaahisho in la reereeyo ama la siyaasadeeyo, laakiin waa in garnaqsi iyo dacwad wax lagu kala helo ayey ku habboon tahay. Hantidu haddii ay siyaasad gasho way xumaataa.laakiin haddii wax la igu haysto inaan dacwoodo ama la I dacweeyo ayaa meesha taalla. Maanta waxa ka hadlay siyaasiyiintii iyo madax-dhaqameedkii, waxaan leeyahay siyaasiyiinta, madaxdhaqameedka iyo dadweynaha ciddii ka hadlaysaa Axmed iyo hantidiisa ha isku dayso. Axmed waa nin wax garad ah, waa nin dariiqa uu hantidiisa ku hananayo garanaaya. Haddi ay nimankii xukuno Somaliland la yimaadeen oo la yidhi xukunnadiinu ma khuseeyaan ee Somaliland ayaa dalkan la yidhaahdaa ee haddii aad wax ku haysato dacwadaada ka furo dalkan haddii la yidhaahdo wax ceeb ah oo ku jiraa ma jiraan baan u malaynayaa.
Cabdiqaadir Jirde wuxuu yidhi ‘cid bay is haystaane dawladdu inay dhex gasho maaha, arrinta Jabuuti xukuumaddu may geline, Axmed dalkaas muwaadin buu ka ahaaye haddii ay wax ka yaallaana ama uu cid wax uga baahan yahayna wixii lagala qaban karo waa laga qaban, laakiin cid socota oo leh cid baanu wax ku leenahay dawladda Somaliland waxba kuma lihid odhan kari mayso, dacwad ha furanna odhan kari mayso,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Muuse Diiriye.