WQ: Cabdirashiid Xasan Mataan, Xoghayaha Warfaafinta Ee WADDANI
1991 -2000
Somaliland waxa ka hirgalay dib-u-heshiin, gooni isu taag, aayo ka tashi, dhisme haykal dawladeed intaasiba waxay ahayd kor-usocod iyo higsi wanaagsan oo mustaqbal leh oo qaran hiigsanaysa. Waxa Sabab u ah alleh ka sokow ammaanteedana leh hoggaankii waqtiqaa madaxtooyo, baarlamaan iyo guurtiba.
Halka ay Somalia la kacaa kufaysay dagaalo sokeeye iyo amni darro hadheeyey.
2001-2010
Somaliland waxa u qabsoomay dastuurk SL, hirgalinta dimuqraadiyadda, dhimaha hay’adaha dawliga ah, xisbiyo iyo doorashooyin xor ah oo nabada oo lagu soo doortay golayaal deegaan, baarlamaan iyo madaxwaynayaal isu beddelay doorasho shacab si nabada. Sharaf kii somaliland wuxu gaadhay halkii igu sarreeysey indhaha caalamka. Waxa sabab u ah alleh ka sokow ammaanteedana leh hoggaankii waqtiqaa oo abuuuray qaranimo kor usii socota.
Halka Somalia ay la tacaalayeen soo afjaridda dagaaladii iyo samayn hoggaan dawlad Unoqda si ay uga soo kabtaan dawlad la’aanta.
2011 – 2017
Somaliland waxay hoos uga dhacday meeshii ay joogtay, waxa qabsoomay doorasho qudha oo deegaan oo dhiig badan ku daatay, khilaaf badanna abuurtay. Waxa Kor u kacay qof jeclaysigii, Kala qoqobkii shacbiga, boobkii hantiga umadda, qabyaaladdii, burburinta xisbiyada, caddaalad darro, sicir barar , abaaro iwm, waxa wiiqmay qaranimadii, waxa qoonmay aaminkii dawladnimada waxaana cidhiidhi ku jira mustaqbalkii dadka iyo dalka Somaliland. Eed iyo ammaan mid ay noqotaba waxa leh hoggaanka waqtigeeda.
Halka ay Somalia qabsatay laba doorasho gole shacab iyo laba doorasho madaxtooyo oo dalka gudihiisa uga qabsoomay. Taasoo doorashadii madaxwaynaha cusub ee Mudane Farmaajo lagu doortay rabitaanka shacabka oo ay ka turjumeen inta ku matalaysay golayaashii dooranayey, doorashadaasi waxay ka maydhnayd gabi ahaanba qabyaalad, hunguri iyo danaysi gaara. Waxa isqabsaday dal iyo dibadba hambalyada.
Waa wax aan la dafiri karin in hoggaanka ummadi leedahay uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu hiilin karo ama uu hagardaamo ugu noqon karo.
Waynu u hannaynaynaa Somalia horumarka waxa an ugu ducaynaynaa in ilaahay ku garab galo dawladnimo amni iyo horumar.
Somalilandna waxan ilaahay wayddiisanaynaa in uu inoo badbaadiyo hogga ay kusii dhacaysana kasoo saaro.
Wabillaahi tawfiiq