“Doorasho Dambe Oo Dimuqraadiyad Kaga Qabsoonta Somaliland  Waxay  Meesha Ka Saari Doontaa  In La Iska Indho Tiro Aqoonsigeeda”

0
33

“Baasaboorka Somaliland waxa laga ogolaaday dalal ku yaalla Afrika, Yurub Iyo Maraykanka….”

Majallada Daily Maverick oo Warbixin  ku Bayaamisay  Dhacdooyinka Somaliland  Kaga Duwan Tahay Dalal ku Yaalla  Mandaqadda…. Waxaa Turjumay Weriye Cumar M. Faarax

Hargeysa(Hubaal):- Majalladda  Daily Maverick  oo fadhigeedu yahay johannesburg, South Africa,ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ka qortay warbixin  dheer oo ay kaga hadashay xaaladda Somaliland, waxaanay qormadeeda  ciwaan uga dhigtay “Dekadda cusubi ma  wax ma ka bedalaysaa mustaqalkii dalka?.”

Warbixinta  Daily Maverick, waxa lagu sheegay in Somaliland ay caalamka ka iibiso nabad-gelyadda iyo deganaanshaha oo labaduba ku yar mandaqadda ay ku taallo. Warbixintan waxa soo akhriyay ka dibna warkan ka soo turjumay  Tifaftiraha guud ee wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

“Himilladda Somaliland  ee mashruuca heshiiska dekadda  Berbera ee DP World, waxa laga yaabaa inuu xoojiyo in dib looga fikiro mustawaha iyo kaalinta Somaliland oo ah mid iibgeynaysa nabadgelyadda iyo deganaanshaheeda oo labaduba ah wax  ku yar mandaqadda ay ku taallo.

DP World, ayaa heshiis  30 sannadood ah  oo ku wajahan dekadda dalka la gashay Somaliland. Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 19960-kii waxase ay ku biirtay  Somalia. sannadkii 1991 ayay  Somaliland  dib u heshay xornimadeedii markii ay dhacday dawladdii Soomaaliya.

sawirka-warka-koowaad25-kii sannadood ee ay xornimadeeda la soo noqotay ma jirto cid u aqoonsatay qaran madax banaan. Inkasta oo ay ku taallo gobolka qalalaasaha, haddana waxay Somaliland leedahay dimuqraadiyad shaqeynaysa oo taabo-gal ah, waxa ka qabsoomay doorashooyin. Waxay leedahay xisbiyo mucaarid ah iyo saxaafad madax-banaan.Heshiiskan cusub ee dekaddu waa kii u weynaa ee ay heshay  tan iyo markii ay madax-banaanideeda ku dhawaaqday.

Waxa ka jira caasimadda Somaliland ee Hargeysa yididiillo ay quudareynayaan  camirnaan iyo xarakaad dhinaca ganacsiga  ah   laga dareemi doono Berbera iyo Hargeysa. Sidoo kale waxay rejaynayaan in isku xidhka ganacsigu uu badhi taari doono aqoonsi  raadintooda.

Baasaboorka Somaliland waxa laga ogolaaday dalal ku yaalla Afrika, Yurub iyo Maraykanka, waxaana jira duulimaadyo  toos ah oo ka yimaada Hargeysa oo taga Dubia, Nairobi iyo Addis-ababa. Dalkan (Somaliland) waxa uu leeyahay ciidan boolis ah  iyo laamaha kale ee ammaanka   oo u gaar ah, waanay ka nabad-gelyo wanaagsan yihiin qaar ka mid ah dalalka jaarkooda sida Soomaaliya.

Kama furna safaarado  magaaladda Hargeysa, laakiin dalal ayaa ku leh xafiisyo daneed, danjireyaal fadhigoodu yahay Addis-ababa iyo Nairobi ayaa yimaada Hargeysa si ay wada hadallo ula yeeshaan dawladda Somaliland.

Waxa Somaliland ahmiyad weyn u leh doorashooyinka ay qabanayaan sannadka fooda innagu soo haya ee 2017-ka. Doorashadii Somaliland ka dhacday sannadkii 2010-kii, waxa lagaga guulaystay xisbigii talladda hayay oo awoodii si nabad-gelyo ah ugu wareejiyay  xisbigii ka adkaaday. Doorasho dambe oo dimuqraadiyad iyo hufnaan kaga qabsoonta Somaliland  ayaa meesha ka saari doonta  in la iska indho tiro aqoonsi raadinteeda.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here