Madaxweynaha Somaliland Oo ka hadlay Xaaladda Dalka, Caddeeyeyna In Xisbiga WADDANI Si Cad Isu Hortaagay Qorshayaashii Hirgelinta Doorashooyinka
Hargeysa-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada si waafi ah ula wadaagay xaaladda guud ee dalka, horumarka la gaadhay, isaga oo sidoo kalena deedafeeyey eedaymo aan sal lahayn oo hoggaanka axsaabta mucaaridku ku wiiqayaan midminada iyo wada-jirka shacabka, isla-markaana ku dabrayaan geeddi-socodka Dimuqraaddiyadeed ee dalka.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtoyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa bulshada la wadaagay dedaalka uu madaxweyne ahaan u galay sidii doorashooyinka wakiillada iyo deegaanku u qabsoomi lahaayeen iyo sida axsaabta mucaaridku, gaar ahaan xisbiga WADDANI u ragaadiyey qabsoomidda doorashooyinkaas, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Doorasho in la qabtaa waxa ay u baahan tahay in toban bilood loo diyaar garoobo, markii aynnu doorashadii hore kasoo baxnay ee aynnu xukuumadda dhisnay komishanku waxa ay isugu yeedheen axsaabta, waxana ay nasoo hor dhigeen Barnaamujkii doorashada lagu geli lahaa oo toban bilood ah iyo maalin, bil iyo toddobaad walba wixii la qaban lahaa, saddex arrimood oo kala ah laba doorasho oo isku sidkan oo tii Baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose ah oo mid waliba sharci gaar ah hore u lahayd sidii loo midayn lahaa labadooda sharci, ka labaadna wuxuu ahaa in lacagtii doorashadaas lagu qaban lahaa in la keeno, ta saddexaadna waxa ay ahayd in saddexda xisbi iyagaa doorasho galaye wixii saxmay iyo wixii qaldamayba iyagaa laga doonayaa inay keenaan soo jeedin ah halkaas waynnu ku qaldannee aynnu ka baydhno, halkaasina way wacnayde aynnu sii xoojinno.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arrimaha la xidhiidha qorshaha iyo xeer isku duwidda loo xilsaaray xukuumadda, ta lacagtana waxa loo igmaday qolooyinka doorashooyinka innaga caawiya iyo xukuumadda, xisbiyadana loo diray inay doorashadii lasoo dhaafay wixii ka qaldamay iyo wixii saxmay inay keenaan, iyada loo asteeyey inay arrimahaasi soo dhammaadaan bishii lixaad (June) ee lasoo dhaafay ay dhammaadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhammaanba qorshayaashii lagu hirgelinayey inay doorashooyinkaasi qabsoomaan uu xisbiga WADDANI si cad isu hor taagay, carqaladayntaasina kasoo bilaabantay khudbaddii uu guddoomiyaha xisbigaas, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) jeediyey markii lagu dhaqaaqay natiijadii doorashadii madaxweynenimada ee dalka ka qabsoontay sannadkii hore ee 2017-kii, waxana uu yidhi, “Wixii intaas ka dambeeyey xisbiga WADDANI waxa uu saaray qaraar uu leeyahay la shaqayn maynno komishankaas jooga iyada oo la kala diro mooyaane, sababtoo ah doorashadii hore ee madaxweynaha ayaannu wax ka tirsanaynaa, afar ilaa shan shirna waannu wada yeelannay WADDANI iyo UCID-ba, arrintaasna waannu ka doodnay oo waxan idhi taasi waa dib-u-noqosho, waxana aannu dib u baadhnay khudbaddii uu guddoomiye Cirro akhriyey maalintii natiijada doorashada madaxweynaha, dabadeedna waxannu ku nidhi taageerayaashaadii umaad sheegin in doorashadii la helayo meel dhexaad ku qabatay, waxana uu khudbaddiisaas ku bilaabay, “Umaan tanaasulin doorasho gacan-ku-rimis ah, umaan tanaasulin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, umanaan tanaasulin xisbiga KULMIYE, laakiin waxan u tanaasulay danta qaranka.”
Madaxweynuhu isaga oo sharraxaya sida weedhahaas guddoomiyaha WADDANI bulshada tashuushka iyo kala qaybinta ugu rideen, waxa uu intaas ku daray, “Weedha hore waxa ay deedafaysay inuu u tanaasulay xisbigii ay tartamayeen, waxana ay caddaysay inaanu u tanaasulin murrashaxii ay tartamayeen, haddii aanay labadii murrashax isu tanaasulinna tanaasul muu dhicin. Muu fasaxin doorashadii oo muu odhanin sidaas la igaga helay baan u hanneeyee wuxuu yidhi umaan tanaasulin doorasho gacan-ku-rimis ah, shaki baanu geliyey doorashadii,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu xusay inaannu madaxweyne ahaan awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka, balse ay arrintaasi sharci ahaan marayso jaran-jarrooyin badan oo u baahan caddaymahooda iyo qaneecadooda, islamarkaana uu madaxweyne ahaan hore u qaaday tallaabooyin badan oo lagaga badbaadi karo dib u dhac doorasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Komishanku waqti buu leeyahay, aniguna ma kala eryi karo, Cirro-na wuu u ogyahay sida loo eryo komishanka, waana waddada ugu adag oo iyagaa Baarlamaanka ka adag, marka la kala dirayona iyaga oo isku dhan lama kala diri karo, mid mid baa loo eryi karaa, qofkana waa lasoo eedaynayaa, guddi baa loo saarayaa, haddii ay guddidaasi isku raacdo madaxweynuhu tallaabo ma qaadi karee Baarlamaankaa loo gudbinayaa, cod baana loo qaadayaa, guddida la saarayo iyo aniga oo guddida la leeyahay saarba waa inaan ku qancaa waxa lagu soo eedeeyey, tii ahayd inay xisbiyadu soo qoraan wixii xumaaday iyo wixii wanaagsanaaba xisbiga WADDANI wuu diiday inuu asalba arrintaas ka hadlo, UCID iyo KULMIYE way qoreen, ururrada bulshadana waa lagu daray, anigana waa la ii keenay oo golaha wasiirrada ayaan geeyey, waana la ansixiyey, imikana waxa ay la taallaa Baarlamaanka.”
Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Somaliland u caddeeyey in qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanku u xayiran tahay xisbiga WADDANI, “Tii dhaqaalaha lix iyo toban milyan baa la yidhi, afar baana la yidhi xukuumaddu ha bixiso, laba hasoo hor mariso, labana marka ay dhexda marayso ha bixiso, inta kalena deeq-bixiyayaasha ayaa bixinaysa, labadii xukuumadda qabtay bishii Maaraj ayaa la iga shubay. Xisbiga WADDANI waa la sugayaa inta uu go’aan gaadhayo, doorashadiina waxa ay u daldalan tahay go’aanka WADDANI,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.