Doorrashooyinka Baarlamaanka Iyo Madaxtooyadda Oo Mar Wadda Qabsoomaa Waxay Dan U Tahay Cid Gaarra In Laga Taxadiraanna Waa Muhim‏

0
24

Waxa Sidda dhibica roobka loo sugayaa in sanadka soo socdda ee 2015ka ay dalka JSL ka qabsoonto doorasho loogu tartamayo jagadda Madaxtinimadda ee dalkan s/land iyadda oo ay Doorashadaas ku taratami doonaan sadexdda Xisbi Qaran ee kala ah

1 Waddani

2 Ucid

3 Iyo Kulmiye oo hadda ah Xisbi Xaakinka talladda dalka haya wakhti xaadirkan

kaaaaaaahin

Hadaba iyadda oo xaalku sidaas yahay ayaa waxa suuqa siyaasadda ku jira hadal hayn ah in lays raaciyo Doorashayooninka Aqalka Wakiilada iyo Aqalka Madaxtooyadda OK haday arintu sidaas u dhacdda oo labadda Doorasho dacalka laysugu qabto

Waxaynu ognahay in Xisbi walibba uu sharaxaayo 82 Musharax oo uga qaybgala Doorashadda Wakiiladda Tirradda Guud marka laysu geeyo Musharaxiinta Aqalka Wakiiladdu ee sadexdda xisbi Waxa weeye 246 Musharax halka Aqalka Madaxtooyaddan ay isu Sharaxayaan sadexdda Xisbi Qaran Sadex Musharax oo u tartamaaya Jagadda Madaxwaeynaha

Hadaba marka aynu tirraddii hore ee ahayd 246ka aynu ku daro 3Dan Waxay Musharixiintu Noqonayaan 249 waayahay inaga oo hadaba la wadda soconna Ammaba dareemi karra duruufaha ku xeeran sanduuqa cod bixiyaha oo in badan ay cabshooyin waaqici kayimaaddaan hadana waxa taas sii dheer tamar darro xaga Xukumadda maanta joogta ah oo aynu kusoo tijaabinay Doorashaddii Golayaasha Deegaanka taasi oo aynu si fiican uga dhergsanahay wixii dhacay hadaynu maanta aqbalo in lays Raaciyo Doorrashadda Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda waxaynu nahay dad u diyaar garoobay buuq iyo qas taasina waata aan leeyahay amma aan soo jeedinaayo in laga taxdirro waayo inaga oo maanta og halka ay maryso taageeradda Xukumadan dadku u hayaan inay tahay mid aad u hoosaysa haddii layidhaahddo labadda Doorasho hala wada qabto taa macnaheeddu waxa weeye Axmed Siilaanyo ha soo noqddo tasina maaha mid dalka iyo dadkaba dhaqaysa

Tusaale kooban hadaan arintan isa saarka doorashooyinkaka bixiyo

Xisbi xaakinka hada joogaa marka uu sharaxo 82kiisa Musharax Iyo Madaxweynihiisa waxa uu u tartamaha madaxweynuhu ka heleyaa 82kiisa u Sharaxan Aqalka wakiiladda Gacan Qabasho wayn oo ay weliba ku dheehantahay khiyaano iyo wax isdaba maris

markaa anigu waxan soo jeedin lahaa in ay Xisbiyadda Mucaaradka ahi arintaa ka foojigaadaan Ummaddana uga tudhaan in mar labaad Maamulka Noocanni ku soo laabto oo uu dib u xukummo

 

by Sacad Cali Kaahin Raamalay Sacad plucky

Qalin Ku Difaac Group

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here